Siyasada Arimaha Dibada Somaliland Oo Gaabis Noqotay İyo Tan Somalia Oo Durba İyada Oo an Socod Baran Orod bilowday. W/Q Prof.Abdirahman

photo1Waxa La wada ogsoon yahay guulaha dimocradiyadeed ee somaliland sahanka iyo safarka dheer u soo gashay hadii aan si kooban uga hadlo waxay Somaliland ahayd shamaca ka ifaya mandaqada aan ku nool nahay marka la eego horumarka siyasadeed ee ay ka samaysay xag walba iyo qaabkii ay ugu soo gudubtay nidaamka dimoqradiga ah ee Multi party system oo keenay  doorashoyinkii dalka ka qabsomay kuna dhamaday si guul iyo rayn rayn ah beesha caalamkuna u riyaaqeen.
Waxa xusid mudan mesha dalku marayay markii Xukuumada kulmiye loo dhariyay dalka waxa Madaxweyne hii hore Dahir Rayale Kahin ku wareejiyay Dal dhamaystiran wada jira gudo iyo dibadba dhisan beesha calamku u soo jeedo ,waxa nasiib daro ah waxa nasiib daro ah burburka kuyimi guud ahaanba siyasadii arrimaha dibada somaliland oo masuliyadeed uu leyahay mamulka  hadda jira waxa muuqata maamulka kulmiye inuu burburiyay hanankii dawladnimo isaga oo uu ku salaysan yahay nin jecleysi musuqmaasuq iyo cadalad daro taasina ay ilowsiisay himiladii aqoonsiga iyo siyasad hufan oo la fahmi karo oo loogu garnaqsado beesha caalamka  waxa ka muuqata qaabka dawlada u dhisantay in anay ahayn dawlad lala xisabtami karo (Accountable goverment ).
Waxa muuqata marka aan is barbardhig ku samayno marwo fowzia yusuf xaji Adam Oo ah siyasiyad ka soo jeeda Somaliland ah na wasiirka arimaha dibebda Somalia firfirconida ay la timid iyo safarada ay u baxeen iyo xidhiidhka ay soo sameeyeen iyada oo dunida la garnaqsaty una sheegen iyada iyo madaxwene xasan sheekh maxamuud in ay tahay dawladii ugu horeysay ee dalka lagu dhiso tan iyo burburkii somalia si demoqradiyana loo soo doortay iyada oo qaabka dawlada lagu soo xulay ahaa nidaamka Somaliland ka soo gudubtay 2001 markii ay u codeeyeen dastuurka Somaliland.
Waxa inoo cad in foosiya oo maanta halkaa gaadhsiiyay somaliland in xisbi furato xukuumado culays iyo fara galin badan ku samaysay inta qofka kartida leh iyo aqoonta mamulka kulmiye aanu dhagaysanayn wax cad in dib looga sii socon dono mesha la tagan yahay , Waxa Nasiib daro ah in Somaliland ay ka hosayso siyasada arrimaha dibada madaxweyne iyo wasir arimo dibadeed oo ilaladoodu tahay cidan ajanabi ah  AMİSOM .
Waxa gaf dawlada maraykan ku ah in ay aqoonsato dawlad aan amni ahaan isku filnayn heer walba ilaa heer ilalada khaaska ah .
wali fursadeed way jirtaa somaliland waxanay ku xidhantahay hadba sida madaxwayne silaanyo uga faa idooyo waxa cad in Dalka Turkey oo ah  siyasada calamka islamka ee manta dalka waxa laga waydiiyo somaliyana aad ugu dhuun daloola anay haba yareetee xiidhiidh siyasadeed oo la taban karo lahayn maamulka siilaanyo . iyo faham daro ka haysta siyasada arimaha dibada somaliland dalka turkeyga .İyada oo sababa u wa wayn ee kor u kaca mamulka Xasan shekh mahamuud uu hormood ka yahay xisbul xakimka Ak party Xusbiga Cadalada iyo Horumarka ee dalka Turkeyga  xisbiga UCİD na  is faham siyasadeed iyo saxiibo ku kuleyahay dalka turkeyga  . waxa iyadna cad in xusbiga UCİD ka xogogaalsanyahay wasaarada arrimaha dibada oo ku kooban xafiiska wasarada arrimaha dibada ee  Hargeisa
 waxa hadaba laga ma maar man ah in awooda iyo faham ka iyo hufnaanta xisbiga cadalada iyo daryeelku UCİD u leeyahay in mamulka siilanyo maqlo tasoo hadii aan dhag loo dhigin keeni karta dib u dhac talo qaran oo la ga gaadho dabayla siyasadeed ee sameeyay qadiyadi gooni isu taga somaliland
waxa xusid mudan marka somalia dhagaha beesha caalamku maqlan meesha isha lagu hayay ay ahayd somaliland lakin maanta ay marag madoon tahay dib u dhaca ku yimi siyasada arrimaha dibada somaliland iyada oo hadaba takiliya ee looga baxi karaa tahay in talo qaran layskugu yimaado lona arrimiyo umadan somaliland si maseerkoodii aaanu u noqon hal bacaad lagu lisay .waa in la sameeyo Commission Qaran oo daba gal ku sameeya go aanda ka soo baxa shirkaa qaran sida xukuumadu ugu dhaqanto waa in isu shaandayn heer walba ah oo golaha xukuumada ah la sameeyo. Waa in Dib looga noqodo wada hadal la la galo Somalia.
Qalinkii
Prof.Abdirahman Abdiqani İbrahim
Chair Man
UCİD Representation Office .
Mah.Atakent Soyakolypiakent K.cekmece İstanbul/Turkey.
Tell:00905532028571.
Email:waadhowr033@hotmail.com