SIYAASI AAN LA SIFAYN KARIN

Wuxuu leeyahay laba sifo oo isku soo horjeeda, aadna u kala duwan. Wuxuu leeyahay samaan iyo xumaan isku-dhafan. Waa xariif midabyo badan, balse aan lahayn meel loogu soo hagaago. Dhanka wanaag marka laga joogsado, waa madaale karti badan awoodna u leh in uu dhawr cisho shaqeeyo nasasho la’aan, iyada oo aan marnaba laga dareemayn habyaraatee wax daal ah. Waa hadal-yaqaan ilaahay ku manaystay xus iyo xusuus xad-dhaaf ah, hibona u leh in uu aragtidiisa bulshada u sharaxo, sidoo kalena beerlaxawsan kara. Maaha qaba qaad u sujuuda madaxda xilka haysa, wuxuu ku qancsan yahay waxa ilaahay u qoray in uu meelna ku seegayn, helina doona goor ay ahaataba. Waa bulshaawi aanay
habayaraatee jirin islaweyni, kibir, aftaag iyo fatoosh. Kuna dedaala qof kasta in uu qaabilo oo uu dhegaysto, islamarkaana qanciyo.

Hibadaasi ilaahay ku manaystay hadduu si habboon u adeegsan lahaa waa hubaal in uu naftiisa iyo dalkiisaba horumar baaxad leh ku tallaabsan lahaa. Marka dhanka xun laga eego waa shakhsi aan diinta islaamka ku fiicnayn kuna soo koray kelinnimo iyo ciilqab, wixii gef ah ee hore loogu geystay, uurkana ku haya. Manhajkana ugama jirto in uu iloobo, waxaana ka mid ah xigmadiisa halku-dhiga ku salaysan caaqiido xumo ku aroorta cuqdad taaso biyo-dhaceedu yahay “Never forget never forgive.” Waxna ha iloobin, waxna ha cafin. Mar waa gob una abaalguda qofkii in yar mustaqbalkiisa waxa u taray, marna waa uur-ku-dhogorle aan iloobin wixii xumaan lagu sameeyey, kana ficil qaata.

Gabadh markuu yaraa jacayl xagiisa ka yimid la qaadan weyday, wuxuu ka aargoostay 50 sannadood ka dib, markii uu awood u helay, aakhirkiina birta ayuu dhaafiyey. Markuu bannaan joogay wuxuu ka dhuubnaa miiq dun ah, balse maanta wuxuu ka naaxay kalyaha sidii gofone dhiig ka jaqay neef xoolo ah. Markii hore wuxuu ahaa halyey haybad sare oo lagu soo hirto, cidna aan u habran, maanta se waa maangaab aan waxba odoris Karin, oo calooshii la ciyaar noqday. Markuu siyaasadda dibada ka joogay wuxuu ahaa waddani dalkiisa jecel, balse maanta wax kasta wuxuu ku dhaafaa maxaa iga galay kol haddii aanay aniga I soo gaadhayn. Marna laguma sifayn karo dhammaan tilmaamaha ummadda midkood noqon karo ee kala ah: Waddani ama khaa’in, daljire amma jaajuus, halyey amma habacsane, aamin ama tuug, badbaadiye amma burburiye, samataliye ama dagaal-ooge, indheergarad ama maangaab, caalim ama jaahil, sheekh ama shaydaan.

Marna waa daallin musuqmaasuq iyo tuugo madax martay oo kursi jecel la sakhraamay. Nin ay walaalo yihiin ayaa dukaan haystay, balse markii walaalkii xilka qabtay ayuu beddelay meheradii, waxaanu helay hanti ay ummaddu leedahay oo aanu weligii ku riyoon. Xaaskiisa oo dumarka jaarku ku xaman jireen hebaaloy maanu ninku waxba siin waa tan bakhtiyeysee, maanta laba libaaxna madhin maayaan, oo gurigeeda labada faradadood ayaa la furaa cayilaad awgeed. Waa dhaqan siyaasi iyo caadkii

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com