SIYAASAD: Mid Ka Mid ah Erayada Ceeboobay!

Hordhac

Ugu horrayn ba waa in aan dadka ka qanciyo sababta aan u door bidayo in laga guuro erayga caanka ah ee ‘siyaasad’. Eraygan ‘siyaasad’ waa eray asalkiisu Carabi

yahay. Waa eray aynaan u helin baddal markii aynnu erayada muhiimka ah Soomaaliyaynaynay 1920y ilaa 1970y.1 Eraygu waa uu ceeboobay! Ceeb maxay ah? In eray ceeboobo hadda u hor ma’aha ee waa arrin luuqaddeena iyo kuwo kale ba caan ku ah. Aan tusaale ka soo qaato luuqadda Ingiriiska. Erayga qarnigii ina dhaafay caanka baxay ee ‘gay’ waa eray ceeboobay mar se ahaan jiray mid waji wanaagsan leh. ‘Etymology’2 ahaan ‘gay’ waxa ay ahaan jirtay: 1) bright; 2) having or showing merry, lively mood. Soomaali ahaan waa ‘fariid, faraxad badan, soo jiidasho leh, dhiiran, iwm’. Tusaale kale oo Soomaali ah waa erayga asna inaga ceeboobay ee ‘xariif’. Xariif waxa uu ahaan jiray qof xirfad badan oo hawshiisa ku filin una qaban kara si xirfadaysan. Hadda se waxa uu qaatay micneha ‘tuug’ ama qof khiyaano iyo wax is daba marin badan.

Siyaasad

Siyaasad waxaa ahaan jiray waxii guud oo dad isku dan ah ka dhexeeya, sida ammaanka guud, wada noolaanshaha, is-dhex-galka iyo dhan kaste oo ay tahay in go’aan dadkaas isku danta ah wada saamaynaya laga qaato. Marka aynu taariikhda u laabano goortii Nabi Maxamed ﷺla soo diray waxaa la diriray Quraysh badideedii. Waxaa se garab istaagay Nabiga ﷺjifadiisii oo u hoggaaminayo adeerkii Cabdimudalib. (Weedhsan.com) Markaa waxa ay Qurayshi qaadatay siyaasad guud oo ah in aan Banu Haashim laga guursan, lala ganacsan, lala na tacaamulin oo cuno qabatayn dhammaystiran la saaro. Taasi waa siyaasad.

Siyaasadda Islaamku ma nebca mana diiddana in siyaasi la noqdo. Bal u fiirso shanta aayadood ee ugu horreeya suuradda soddon iyo kowaad ee Qur’aankeenna kariimka ah. Waxa ay aayadahani leeyihiin, bisinka ka dib:

1. Aayad mucjiso muujinaysa. 2. Waa laga adkaaday Ruum. 3. Dhulka dhankiisa soke ayaa looga adkaaday, adkaanshahan dabadeed se way adkaan doonaan. 4. Dhawr sano ka dib; Ilaahay buu u sugnaaday amarku horay iyo dib ba maalin bay se farxi doonaan muuminiintu (marka dambe ee reer Ruum guulaystaan). 5. Guusha Rabbi ciddii uu doono ayuu siiyaa waana Alle awood badan oo naxariis badan.

Aayadaha sababta aan u soo qaatay ayaa ah in ay siyaasad ka hadlayaan. Waxaa Alle, kor ahaaye, uga warramayaa muslimiinta iyo nabigooda ﷺin labadaas qolo ee dagaallantay midi guulaystay; taas oo istaraatiijiyad ahaan muslimiintu danaynayeen in ay jabto. Waa reer Furus oo dab caabud ahaa. Qoloda kale waa reer Ruum oo Kiristaan ahaa. Arrintaas aynu xusnayi waa siyaasad. Maanta haddii aayadahani soo dagi lahaayeen miyaan dadka qaar oran lahayn Quraankii waa la siyaasadeeyay haddii ba qolo leedahay arrimaha reerka yaan la siyaasadayn? Sababtu waa: micnehu ma khaldana, wax aan wanaagsanayn na ma aha ee magaca ‘siyaasad’ ayaa ceebaysan oo ah eray aan hadda la isticmaali karin oo aan wakhtigan la socon karin. Haddaba, maxaa baddal inoo noqon kara?

Wadaryad

Haddii erayga ‘siyaasad’ la micneeyo waxa uu noqonayaa ‘wadar ahaansho’ ama ‘wada noolaansho’. ‘Wadaryad’ na waa eray ka yimid ‘wadar’ oo ah ‘wada jirid’ ama ‘wadar ahaansho’. ‘Wadar’ waxa aan ku daray qurubka magacyada badanaa Carabiga ka soo jeeda ku dhammaadaan ee ‘yad’ sida aqlabi’yad’, xorri’yad’ ikk.

Siyaasad = wadaryad

Siyaasi = wadari

Siyaasadeed = wadareed

Siyaasadaysan = wadaraysan

Siyaasaddu = wadaryaddu

Siyaasi waa qofka arrimaha wadar ahaaneed ama guud inooga shaqeeya. Ma aha mid sir badan ama ku khiyaano badan oo balo qabe ah. Siyaalaha erayga ‘siyaasad’ loo ceebeeyey waxaa ka mid ah: marka la yiraahdo arrimaha dhaqanka yaan la siyaasadeyn. Micneheedu waa: yaan la xumayn arrimaha reerka. Siyaasad na ma ahaan lahayn xumaan haddii si saxan loo fahmi lahaa.

Xilliyadii gobonimo doonku soo baxay ee ganacsato, aqoonyahano dalal kale wax ku soo bartay iyo dhallin yaro dad u badani fahmeen muhiimadda gobonimoda, ayaa la doonay in dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada u badan la fahamsiiyo gobonimoda waayo cidna u ma dagaallanto wax aanay dhab ahaantii asalkooda si fiican u fahamsanayn. Waxaa la goostay in ugu horrayn ba magaca waxa la doonayo laga dhigo mid Soomaali ah oo dadku qiimehiisa garanayaan. Waxaa la doonayey waddan xor ah oo gob ah. Waxaa loo baxshay ‘Qaran’. Qaran waxaa la oran jiray hasha foolaadda u ah geela ee ugu mudan. Waa hal rimmay ah oo sannaddan la saadaalinayo in ay dhali doonto oo la dambarsan doono. Waxaa loo saaray heeso waddani ah oo ay ka mid tahay ‘Aan maallo hasheenna maandeeq …’! Waa tusaale fiican oo inoo sheegay in ay tahay shay in macagiisa la hagaajiyo haddii la doonayo in isaga sawir wanaagsan laga qaato.

U fiirso aayadda 31 ee suuraadda labaad ee Qur’aankeenna kariimka ah ee Baqara. Waxa ay leedahay:

Rabbi waxa uu Aadam السلامعليهbaray magacyada kulligood, deedna waxa uu u ban dhigay malaa’igta waxa uuna ku iri: ii sheega kuwan magacyadooda haddii aad run sheegaysaan”.

Biyo dhiggeenu waa barashada magacyada ee aayaddu inoo sheegtay. Aniga oo ka fahmay in aan ciddi na sawir iyo fikir ka qaadan karin wax aanay magacooda aqoon! Bal adba ka fikir hal shay oo aanad wax magac ah u aqoon! Shay waxaa ugu horraysa barashada magaciisa. Sidoo kale shay haddii aad magac fiican u taqaano waxa aad ka qaadataa fikir fiican; haddii se aad magac khaldan u taqaano waxa aad ka qaadataa fikir aan wanaagsanayn. Waa muhiim in shayga magac bixin fiican loo helo si fikir fiican looga qaato. Dadkii aan siyaasad lahayni waa dad aan wada noolaansho iyo wax wada ahaansho lahayn. Dadkii aan siyaasadi ka dhaxayn waa dad aan wax badani ka dhaxayn. Taas micneheedu ma aha dadkii siyaasadi ka dhaxayso in jillaafo ka dhaxayso ee waa in wadaryadi ka dhaxayso. Waa wada noolaansho, wax wada lahaan iyo wadar ahaansho wadaryaddu——————————

1= Kun iyo sagaal boqol iyo labaatameeyadii ilaa toddobaatameeyadii.

2= cilmiga darsa asalka erayada iyo hormarkooda.

Cabdirisaaq Baraag

Email: ibnbaraag@hotmail.com

Tel:00252907722848