Sixir Bararka iyo Sarifka Samadaa Marayaa Xukuumaddaa Sabab u ah

 

Inta badan bulshada somaliland waa kuwo dan yar ah oo noloshaadu ku tiirsantahay xaaldo adag oo dhaqan dhaqaale isha ugu mudan ee uu ku tiirsan  yahay dhaqaalaha somalilandna waa  xoolaha nool kuwaasi oo inta badan ay   aafeeyeen abaaro joogta ah oo soo noqnoq daa dhanka kale nolosha bulshadu waxa ay ku tiirsan tahay ganacsiga hoose, biilasha dibada laga soo diro, iyo ilo kale oo aan xoog badan lahayn dalku malaha wax soosaar malaha warshedo malaha dhaqaale xukuumiya oo shacabku ku tiirsan yihiin sidaa darteen nolosha bulshada somaliland khatar buu ku yahay SIXIR BARARKU.
aragtiyaha aqooneed ee sharaxa sixir bararku waxa ay ku sifeeyaan dhawr asbaabood ku waasi oo asal u ah in sixirada iibka suuqyadu kor u kacaan, hadii aan soo qaadano mid kamida aragtida dhaqaala yahankii maraynkan ee
MILTON FREIDMAN waxa ku cabiray aragtidiisa in ay  SIXIR-BARARKA keenaan, xadiyo lacageed oo aad u tiro badan kuwaasi oo eryanaaya aalabo yar. tusaale ahaan  hadii ay suuqa ku yar yihiin maceeshadah daruuriga ahi sida  sonkorta iyo bariiska oo kale waxa qasab noqonaysa in ay kor u gakacaan qiimihii hore loo siin jiray waayo waxa ka badan lacagta iib kooda lagu raadinaaya taasina waxa ay keenaysaa qiimo koradh ”SIXIR-BARAR”.

haddii aan si hoose u eegno sixir-bararka ka jira somaliland iyo wayaabaha keenaba ugu horayn waa mid ay sababa u tahay xukuumada somaliland madaama aanay dhisin ina waxa siyaasada oo lagu hago laguna  kaantoroolo qaabka ay u socdaan iibaabka suuqyadu xukuumadu ma fadhiisiso mana jaan gooyso sixirada iib ee suuqyada dalka iyada oo uu ganacsiga somaliland ku dhisan yahay habka suuqa xorta ah hadana dawladu kumalaha wax saamayna adeegyada iib ee ka jira suuqyada  haddii ay tahay  kor ukaca iyo hadii ay tahay hoos udhacaba, waxa meesha ka maqan adegyadii shaqo ee ay bulshada u qaban la haayeen hayadah dawliga ah ee ku shaqada lihi ku waasi aa kala ah
1-BANGIGA

2-W/MAALIYADA

3-W/GANASIGA
 

BANGIGA- bangigu ma qabto inta badan adeegyadii uu u qaban la haa bulshada mana laha wax siyaasada oo uu ku adeego kaliya waxa uu qabtaa in uu kaydiyo lacagaha, daabaco lacagah, waxa saamayna ku malaha adeegyada sarif ee suuqyada mana maamulo lacagaha qalaad ee dalka soo gala tusaale ahaan bangigu waxa ay ahayd in uu jaro sixirka  isku bedelka lacagaha, waxa ay ahayd in uu maamulo gacanta ku hayo lacagaha qalaad ee dalka soo gala, waxa ay ahayd in uu lahaado nidaam xisaabeed cad oo uu ku shaqeeyo, waxa ay ahayd in uu maamulo hadba inta uu leeg yahay xadiga lacagaha qalaad ee suuqa ku jira si ay isula jaanqaadaan lacagta dalka dheeli tirla’aanta lacaguhu waa sababta ugu mihiim san ee keenta kor u kaca sarifka.

TUSAALAHA 1aad= marka uu dolarku yaraado waxa badata s/land shiling taasina waxa ay keentaa in dolarku qaali noqdo, halka uu markii hore ka ahaa  1$= 6500 hada waxa uu ka yahay 1$=8050/shilig halkaasi waxa ka muuqata in sarifka lacagtu kar u socday markasta oo uu sarifku kaco waxa uu saamayn ku yeelanayaa qiimaha iibka suuqyada halkaasina waxa ka dhalanaaya sixir-barar

TUSAALAHA 2aad= mushaharka shaqalaha ee Ada ahi hadii uu yahay 850,000/6500=130.75$      hada 850,000/8050=105.5$ halkaasi waxa kaga muuqanaysa in sarifka oo kaliya ay ku luntay lacag gaadhaysa 25$ aragtidaasi waxa ay ku tusinaysaa in meesha uu ka maqan yahay roolkii bangigu wajibaadkii shaqo ee uu lahaana aanu qabsan, waxa yaabaha keenay kor u kaca sarifka waxa kamida lacagaha cusub ee la soo daabacaayo kuwaasi oo oo suuqyada u soo gala si aan taxadir lahayn limiyana miisaankii lacagaha, qiimadhaca lacagta shiling s/landka waxa asal u ah daabacaada nodhka 5000kun iyo1000shiling ku waasi oo meesha ka saaray 500boqol, markasta oo sarifku kor u kaco waxa uu iyana hoos udhaca shiling s/landta taasina waxa ay saamayn ku yeelataa maceeshadii halkaasina waxa ka abuurma SIXIR-BARAR.

lasoco qaybah danbe…………
QORE/ Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi

tell= 0634421963

 

Allaah Ayay u Sugnaatay Mahad oo Dhami