Sifooyinka qoyska wanaagsan

Qoyska wanaagsan waa qoyska laga helo sifooyinkan soosocda :-
1.Lamaane badhaadhe ku wada nool oo mid waliba ilaalilyo xuquuqda lamaanihiisa kale kana dheerada meelaha keeni kara khilaaf .
2.In lagu barbaariyo ubadka tarbiyad suuban iyo in dhexdooda loo cadaalad sameeyo .
3. In a ilaaliyo oo lagu dhaqmo sharciga allle iyo in la oogo shuruucda allle sida ,tawxiidka ,salaada,soomka ,sakada ,xajka ,wanaag farista iyo xumaan reebista ,in la laasimo xijaabka (dumarka.)
4.In dhaqanka wanaagan iyo adaabta sharciga lagu dhaqmo ,sida in dhamaan xubnaha qoyska midba midka kale ixtiraamo ,,in kayari kaweyn ixtiraamo ,kaweyni in uu kayar unaxariisto ,in aan guryaha ogolaansho la,aan lagu gelin .i.w.m
5.In laga digtoonado xumaanaha shareecada islaamka khilaafsan ee laga sameeyo guryaha sida cayda, in magacyo xun laysu bixiyo,in laysku dheeldheelo, in aan guryaha lagu daawan filimaanta xunxun ee bulshada iyo qoyskaba fasaahadinya (sida musalsalada xun ee imika laga sii daayo tv,horncable ,star, iyo universal ,waa filimaan beeraya tarbiyad aad uxun iyi in mujatamucu akhlaaq ahaan u dhinto .
6.In guriga dhexdiisa ay ka jirto wada tashi , oo laga wada tashado arimaha qoyska ee la xidhiidha maamulka qoyska , maaliyada , mustaqbalka ubadaka , ujeedooyinka dhow iyo kuwa fog ee qoyska ,
7.Gurigu in uu leeyahay asxaab wanaagsan oo aanu soo gelin ilaa qof wanaagsan mooyee , tusaale ahaan , haweenaydii ay leedahay saaxiibo wanaagsan , ninkiina uu leeyahay saaxiibo akyaara , ubadkiina ay leeyihiin rafiiq wanaagsan
8.In lagu daydo kitaabka alle iyo sunada nebiga , in ku daysho laga dhigto nebiga( scws) iyo saxabadiisii iyo dadkii wanaagsanaa .
9.In la ilaaliyo sirta qoyska oo aanay debeda ubixin,iyo in hoos loo dhameeyo khilaafadka soo gala qoyska , laguna dadaalo in aan cidi soo dhex gelin .
10.In guriga loo doorto meel haboon oo fiican
11.In llagu dadaallo nadaafada
Walaalkiin : abokor carab ileeye