Sideynu uga faa’iidaysanaa maalmahan fadliga badan.

Allah Makkah wuxuu ka fadilay dhulka intiisa kale, Nebi Muxamed Umadiisana waxa uu ka fadilay ummadaha kale, diinta islaamka wuxuu ka fadilay dhammaan diimaha kale, Allaahna cidna kama aqbalayo diin aan ta islaamka ahayn,
“ومن يبتغ غير الاسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين”
Allaah sidoo kale bilaha, maalmaha iyo saacadaha ayuu kala fadilay, tobanka maalmood ee ugu horeeya bishan Dilxija waa maalmaha sanadka oo dhan ugu fadliga badan leh, acmaasha wanaagsan ee maalmahan la sameeyaana waa kuwo Alle agtiisa qiimo weyn ku leh, waxa Nebiga SCW ka sugnaatay: “ma jiraan maalmo uu A camalka wanaagsan ka fadli badan yahaymaalmahan” markaasaa nebiga lagu celiyey su’aal ah: ma xattaa jihaadka? Markaasuu yidhi: ” haa, in uu ninku naftiisa iyo maalkiisaba jihaadka la tago oo aanu waxba kala soo noqon mooyaane”.

Camal kasta oo wanaagsan ku dadaal maalmahan, badso sadaqada, xuska Alle, toobadda iyo istiqfaarka, qaarbo xidhiidhinta iyo samo falka waalidka, hadalka fiican iyo samo farista.

فعن ابن عباس رضى الله عنه عن النبيّ صلى الله عليه وسلم أَنَّهُ قَالَ: مَا الْعَمَلُ فِي أَيَّامٍ أَفْضَلَ مِنْهَا فِي هَذِهِ. قَالُوا: وََلا الْجِهَادُ، قَالَ: وََلا الْجِهَادُ، إَِلا رَجُلٌ خَرَجَ يُخَاطِرُ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ فَلَمْ يَرْجِعْ بِشَيْءٍ. [ صحيح البخاري، (969) ].

Maalinta CARAFAH iyo maalinta xigta ee CIIDAL ADXAA waa laba maalmood oo uu Allaah fadli gaar ah siiyey.
Maalinta carafo oo ku beegan maalinta arbacada ee bisha september noqonayso 23/9, waxa qofka aan xajayn loo sunneeyey inuu soomo, Rasuulkuna wuxuu sheegay, sida xadiiskan hoose ku cad, inuu Allah ka rajeynayo in denbiga sanadkii hore iyo sanadka dambe lagu dhaafo soomidda maalintan.

عن أبي قتادة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم “صيام يوم عرفة احتسب على الله أن يُكفِّرٓ السنة التي قبله، والتي بعده ” رواه مسلم في صحيحه.

Walaalayaal aynu ku dadaalo inaynu maalintaas Soonno, dadkana fadligaa gaadhsiino, qof kasta oo aad sabab u noqoto soomiddiisa, ajarka soonkiisa mid la mid ah baad helaysaa.

 

Cabdiqani Xuseen Maxamed