SIDEE WAQTIGA LOO QORSHEEYAA?

“Bini’aadamoow waxaad tahay maalmo, mar kasta oo maalin tagto; badh kaa mid ah ayaa tagay” Xasan Albasri

Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT) inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, waana mid ka mid ah waxyaalaha Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso.

Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa
kaa xigta inta aad waqtigaaga qorshaynayso.

Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa?

Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; oo uu noqdo mid waxtar leh laguna hirto.

Haddii aanad hawlahaaga iyo waqtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysaa!.

Noloshu dhammaanteed way qorshaysantahay, oo Aduunyada idil ahaanteedba Illaahaybaa qorsheeyey. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu sameeyaa Mirir, Mirirkuna waxa uu sameeyaa Saacad, Saacaduna waxa ay samaysaa Maalin, Maalintuna waxa ay samaysaa Toddobaad, Toddobaadkuna waxa uu sameeyaa Bil, Bishuna waxa ay samaysaa Sanad, Sanadkuna waxa uu sameeyaa Qarniyo.

Haddii aad dayacday ilbidhiqsi ka mid ah waqtigaaga waxa aad dayacday qayb ka mid ah noloshaadii.

Waqtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’idayso oo wax badan lagu qabsado laguna noqdo qof wax soo saar leh oo la tartami kara filkii, Ogoow Aduunyada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysaa inaad ku guulaysato Janno.

Si aad ugu guulaysato tartankaas waxaad u baahantahay inaad waqtigaaga qorshaysato.

 

Waxyalaaha waqtiga lumiya

1: Hurdada badan

2: Qorshayn la’aanta hawlaha

3: Waxyaalaha lagu madadaalo sida  Muuqbaahiyaha (TV), Social Media

( Facebook, Whatsapp, Instigram, Twitter), Gaymamka (Play station) IWM.

4: Firaaqada badan ee qorshaha lahayn

5: Hadaf la’aanta

6: La kulanka badan ee asxaabta lala qaato

7: Ka qaybgalka Xafladaha aan muhiimka ahayn

8: Ku hadalka Mobile-ka waqtiyo badan

9: Mashquulka badan ee aan macnaha lahayn

10: Qabashada hawlo badan mar kaliyaata

11: Isticmaalka Maandooriyayaasha sida Qaadka.

12: Caajiska