Shirkadda Toyota Marill Somaliland Waxay kor u qaaday sumacadda maal-gashi ee dalka waana lagu diirsaday

toyota_hargeisaShirkada Toyota Marill Somaliland waa shirkad ay maalgashadeen muwadin reer Somaliland u dhashay iyo nin u dhashay dalka Faransiiska lana aassaay sandkii 2012 kii.  Mudaad kooban ee ay jirtay shirkadu waxay sumacad balaadhan u soo jiiday dalkeena u hamuunta qaba maalgashiga waxaanay hirgalisay adeegyo dalka ka maqnaa, waxaay abuurtay shaqooyin badan oo ay ka faa’idaysteen dhalinyaro badan oo camal laantii kaga baxay.

Mulkiilaha shirkaddu waa nin ehelu diina, daacadnimo, hawlkarnimo iyo eex la’aan lagu yaqaan, wax u qabashada dalkuna ka go’antahay.  Mulkiilaha reer Somaliland mudadaas shirkadu jirtay may jirin wax dhibaato ah oo dhex martay shaqaduna waxay ugu socotay si habsami leh.

Hooraa se loo yidhi aduun xaasid ma waayo, waxaa mudo aan dheerayn ninka Fransiiska ah la xidhiidhay niman ganacsato ah oo isugu jira kuwo u dhashay Somaliland iyo qaar ka soo jeeda Somali oo hunguri ka galay Shirkadda Toyota markay arkeen sumacadda iyo adeegga hufan ee ay soo bandhigtay, waxaanay dalka Djibouti kula kulmeen ninka Faransiiska ah oo ay ku yidhaahdeen $1 million ( Hal milyan oo doolar) qaado mulkiyadda ama sheerka Somaliland nagu soo wareeji.

Ninka Faransiiska isaga waxba kama lumayaane waxa uu aqbalay in uu lacgtiisa qaato dacwad been abuur ahna maxkamadda gobalka maroodi jeex looga furo.  Muwadiinka Somaliland waa ka guulaystay dacwoodaha balse ganacsatadii hungurigu qaaday oo Ninka Faransiiska lacagta badh ah u sii qadimay ayay u qaadan waa ku noqotay, waxaanay xajiin iyo eedayn dusha u sareen wasiiro aan sheekadaba ku jirin oo ay ku eedaynayaan in ay is hortageen go’aan maxakamadeed.

Haddaba waxaa wax laga xishoodo ah in marka muwaadin wadanka wax u soo kordhiyo in muwaadin kale hunguri qaado, waliba kuwa ladan ee ganacsiga fiican dalka ku haysta.

Waxaan odhan lahaa waar marka qof wax inoo soo kordhiyo ‘Maasha’ Allah’ ku dhaha una haneeya sidaasay arsaaqadu iidinku hagaagaysaa barakadanu ku jirtaaye.

 

Allah Mahad leh

Axmed Maxamed Good