SHEEKO KALE KEEN: Jiib Nawm Taani – W/Q: Prof Cabdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Nin Somali ah iyo nin Hindi ah, oo dalakaa Carabta deganaa, ayaa meel ka wada shaqayn jiray, meelna wada seexan jiray. Shaqaale xoog maal ah ayay ahayeen, sidaa darteed, fiidka markay casheeyaanba way seexan jirayn.

Inta badan, ninka Somaliga ah ayaa ka hor ga’mi jiray ninka Hindiga ah. Mar alla marka uu ga’mo ninka Somaliga ahna, khuuro ayuu bilaabi jiray. Ninka Hinga ahina Somaliga khuuradiisa hore ugama ga’mi jirin. Waase iska dul qaadan jiray ilaa inta uu ga’mayo.

Wuxu Hindigii khuuradii Somaliga u dul qaatoba, habeen buu khuuradii ka ga’mi waayay. Wuxu is rogrogoba, saq badhkii markay ahayd, ee Somaligina khuuradii kala goyn waayay, ayaa Hindigi la hadlay.

Inta uu qayliyay, ayuu yidhi, “Yaa baba, yaa baa!”

Somaligii ayaa kacay oo ku yidhi, “Waar maxay? Maxaa dhacay? Maxaad la qaylinaysaa?”

Hindigi wuxu u celiyay, “Baabaa! Jiib Nawm Taani!!!”