SHEEKO KALE KEEN: Diinkii Yidhii Aan Duulo – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Diin ayaa noloshiisii dhulyaalka iyo gaabiska ahayd nebcaaday. Wuxu jeclaystay in uu sida shimbraha duulo oo cirka heehaabo; guudkana ka soo eego dhulkan iyo dhirtan uu ku abaaday ee dhex gurguuranayo. Asaga oo naftiisa la hadlaya wuxu ku yidhi, “Hadaan mar uun samada u bixi lahaa, sidaa shimbraha oo kale ayaan duuli lahaa.”

Wuxu naftiisa u sheekeeyo oo uu naawilo in uu maruun duuloba, maalin ayaa geed uu hoos jiifay gorgor ku soo degay. Gorgogiikii ayuu la hadalay oo ku yidhi, “Gorgorow, wax alla wax aan maal aduun leeyahay ayaan ku siinayaa duulista i bar. Gorgorkii ayaa ku yidhi, “Ma suuro gelayso, Diinow, taasi.” “Waayo?” Ayuu weydiiyay diinki. “Abuurtaado uma samaysna in aad duushid ee waxay u samaysantahay in aad gurguurato.”

Diinki kuma qancin doodii gorogorka eh, doonistiisii ayuu ku adkaystay oo ku celceliyay. Gorgorkii ayuu ku yidh, “Bal horta itijaabi oo kor samada iigu qaad ka dibna isii daa anaa iskayga u duulaye.”

Gorgorkii oo baryadii diinka ku dhegabarjoobay, ayaa yidhi, “Bal waayahaye, is diyaari.” Ka dib markuu diinki is diyaariyay, ayuu gorgorkii kor u qaaday oo samada ula duulay. Cabaar markuu hayay ayuu ku yidhi, “Waan ku siidaynayaa la kala bax gacmaha iyo lugaha si aad ugu duushid.” “Waa ku kaa!” intuu yidhi gorgorki ayuu sii daayay.

Intaanu jawaab u celin, ayaa gorgorki wuxu arkay diinkii oo limaday oo si xawaaro leh hoos ugu dhacaya. Siduu u xiimayay ayuu dhagax weyn ku dhacay, markaasaa firidhba meel ku duulay. Gorgorkii oo aad uga xun waxa ku dhacay diinkii ayaa naftiisii ku yidhi, “Intee lahaa Diinow ha duuline, dantaad u gurguuro!!!”