SHACBIYOW, WAA UCID OO KA XOR AH XUURTADII FAYSAL – KU FARXA ARAGTIDII JAMAAL IYO JIILKA CUSUB EE BEDDELAYSAY WADDANI IYO KULMIYE – W/Q: (Rasheed Ali Meigag Samater)

rasheedMuddo aan dheerayn ayaan safar muddo igu qaatay ku soo kala bixiyay badiba gobollada iyo degmooyinka waaweyn ee dalkeenna Somaliland, anigoo muddadaas ururinayay aragtida siyaasadeed (Political Views Survey) ee shacbiga ku dhaqan gobolladaas iyo degmooyinkaas. Runtii waqtigu iima saamixin inaan Burco u dhaafo Bari – laakin waxan maray magaalooyinka Hargaysa, Burco Sheekh, Berbera, Balligubadle, Gebilay, Boorrama iyo Tog-Wajaale.

Baadhitaankaas shacbi weynaha aan waraystay 79.4% waxay ii sheegeen in codkooda ay siinayaan Jiilka Cusub (The New Generation) ahna Murrashaxa da’da yar ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein iyo Xisbiga UCID- waase haddii uu Faysal Cali Waraabe oo laba goor oo hore arkay mawqifka iyo dareenka shacabkaba, uu markan hanneeyo, Danta dalka, dadka iyo Xisbiga UCIDna ka hor mariyo hankiisa gaarka ah.

Dadkaa aan arkay waxay aad u rumaysnaayeen in isbeddel cusub oo keeni kara xal cusub, ama jiho cusub oo ka duwan aragtiyihii aan wax badan laga dheefin ee hore, aan marnaba laga filanayn Kulmiye – oo mar labaad xukunka ku soo noqda, amaseba Waddani oo Xukuumadda Kulmiye ay mar walba isku aragti dhow ahaayeen, balse laga filayo oo keliya, Fikirka Da’da yare ee u nugul fahanka iyo la qabsashada isbeddellada isdaba-joogga ah ee xaaladaha iyo siyaasadaha Dunida ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein.

Dareenkaa shacbiga waxa aad u sii xoojinaya, Wasiirro badan oo xukuumadda hadda joogta iyo Kulmiye ka tirsanaa, oo ficil iyo fikirba, ama shar iyo khayrba la qaybsaday – dhowaanna badhxay hoggaaminayana Xisbiga Waddani, kuwaasoo weliba shacbigu ka dheregsan yihiin inaanay Mabda’ ahaan kaga tegin Kulmiye ee ay  kaga tageen oo keliya kursiga ayaa nallaga riixay.Badhaxan wasiirrada soo digo-rogtay waxay sii xoojinaysaa dareenkii awalba shacbigu qabay ee ahaa in siyaasadda Kulmiye iyo Waddani aanay kala fogayn, oo aanay midkoodna haddii ay maamulka dalka qabtaan jeexi Karin toobiye siyaasadeed oo cusub – kana duwan fikradihihii ma-dhalayska ahaa ee siyaasiyiinta gabawday ee rubuc qarni muddo ka badan ragaadiyay siyaasadda dalkeena Somaliland.

Haddaba waxa shacbiga Somaliland bushaaro u noqonaysa, warkii uu Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Mudane Engineer Xasan Osman Sabce warbaahinta ka sheegay maanta – in Faysal Ali Waraabe lumiyay xilkiisii guddoomiye ee Xisbiga UCID, laga bilaabo maantana xilkaasi lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe.Waxa sidoo kale bogaadin mudan, magacaabistii dhowaan Murrashax Jamal u magaacaabay jagada Xooghayaha – Mudane Adan Suldan  CabdiRaxman Suldan Diiriye oo ah nin wax weyn ka tari dooona siyaasadda Jiilka Cusub.

Waxa hubaal ah, in shacbiga Somaliland muddoba naawilayeen, in sida keliya ee Somaliland kaga badbaadi karto Hoggaanka Kulmiye oo mar kale soo noqda, amaseba Koobbigiisa Waddani ay tahay – Faysal oo dib u joogsada, kuna farxa Xisbigii xisbiyada u da’da weynaa ee tacabka badani kaga baxay ee UCID oo ku guulaysta hoggaanka dalka – iyo Jamal Ali Hussein oo gadh-wadeen ka noqda salkana u dhiga siyaasadda baaxa-degaysa ee dalka iyo koboca dhaqaaleheenna maalin walba sii liciifaya.

Rasheed Ali Maigag Samater

(Hoggaamiyaha Xisbiga UCID U.K. Ahna-Xubin Golaha Dhexe UCID)