Shacbigu Waa Booliska Somaliland – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Dunidan aynu ku nool nahay Bulsho waliba waxay leedahay Baro ay ku nagi dahay baradaas oo loogu yeedho Dal ama Wadan Hadaba Bulshadeenan somaliland waxaynu leenahay Dalkan somaliland ama wadankan somaliland, Sidaasi awgeed Bulshooyinka caalamka waxa ka dhexeeya ee ugu muhiimsani waa nnabada ama xidhiidhka amniga ee ay la leedahay bulsshooyinka deriskeeda .

Sidaasi darteed ujeedada mawduucan waxan udoortay in ay bulshada somaliland ogaato in bulshada somaliland ay tahay cida kobaad ee Dastuurka somaliland ku waajibinaayo Ilaalinta amniga iyo difaaca Sida Ku Cad Qodobka

{34- Qod. 34aad: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta Gudasho La’aanta Waajibaadka].

Sidaas awgeed Halku dhiga mawduucan oo ah {Shacbigu waa dooliska somalilaand} ujeedadaydu waxa weeye qof kasta oo ka mid ah bulshada somaliland wuxuu ubaahan yahay adeega boolisku uxilsaaran yahay sidoo kale hawl kasta oo boolisku qabanayaana waxay ku xidhan tahay Wada-shaqaynta shacbiga, Hadaba waxaan leeyahay muwaadinka askari boliska ah shacbigu waa boolis, Shacbigana waxaan leyahay Shacbiyahaw askariga booliska ahi waa adeegahaagi aad ku seexanaysay ee ay nu u dulqaadano haday khalad inaga galaan.

Intaas waxaan ku darayaa laba qodob o aan isleeyahay waxay kor uqaadayaan wada-shaqaynta booliska iyo shacbiga somaliland, Labadaas qodobna Waxaan ugudbinayaa Taliska Guud ee Ciidanka Boliska Somaliland in ay hirgaliyaan

Qodobka 1aaad:- Waxaan lee yahay Taliyaha Guud ee ciidanka boliska labada taliye xigeen iyo hogaanka hawlgalinta ee ciidanka booliska somaliland Waxaa idinku waajib ah Inaad samaysaan Barnaamijyo wacyigalineed oo kor loogu qaadayo Wada-shaqaynta Ciidamada booliska iyo shacbiga somaliland BBarnaamijyadaas oo ku haboon in lagu gudbiyo saxaafada maxaliga ah ee somaliland.

Qodobka 2aad:- Waxaan usoo jeedinayaa Taliska Guud ee ciidanka Booliska somaliland Inay sameeyan Hogaan Boolis oo wax ka qabta Tabashooyinka  Shacbiga somaliland iyo daba galka Danbiyada.

Wa Billaahi Tawfiiq.

By: Mawliid Aadan Cumar