Sekedaha Caanka ah! – W/Q: A/Fataax [Ceelaabe]

Dadkii hore iyo kuwa Wakhtiganiba waxa ay Yihiin kuwo si isku Mid ah Aduunyada u camiri Jirey.Qurxinta iyo Dhismaha Daaro kala duwan Marna Aduunka laga waayi Maayo inta dadku ay dul Joogaan.Horumarinta Guryaha iyo Dhismaha oo Hadba wakhtigii la Joogey sida ugu Casrisan wax loo Dhisan Jirey Ayaa soo martey heerar iyo Maraaxil kala duwan.Taariikhda waxa ku Qoran Marxaladihii kala duwanaa ee dadku u soo Marey Dhinaca Dhismaha iyo Guryaha lagu noolyahay,Dadkeena reer Miyiga ah Ayaa lahaan Jirey habab loo dhisto loona Qaabeeyo Guryaha lagu noolaan doono si Dhaxanta iyo Bahalka wax cuna looga Nabad galo.Banaan,Buulal iyo Geedo hoostood intaba Muuqaalo waad ka Aragtey.Sannooyin badan ka dibna waxaad Maqashey Daaro ama Dhismaha guryo kala duwan.Waa run inteena badan Ayaa ku garaadeysatey kuna Dhashey iyada oo lagu Jiro daaro iyo Guryo ka sameysan Dhagax ama Jaajuur.Laakiin isla Dadkeena Qeybo ka mid ah Ayaa garanaaya Noocyo badan oo inaga Horeeyey ama wax berigaasi Guri loo Yaqaaney.

Sida dad badani u caan Yihiin Ayaa dhinaca kale Dhismayaal iyo Guryo ama Wadooyina u noqon karaan kuwo Caan ah.Waa dhab dadka Ayaa sameeya Guryaha,Wadooyinka iwm,Waana dhab in Markasta oo Dadku ay sii bataan Dhismaha Guryaha iyo Kaabayaasha nololeed oo dhami intii hore ka kordhaayo.Wakhtigan inta badan Waxa ka socda Meelo badan oo ka mid ah Xaafadaha iyo Suuqyada caasimada Hargeisa Dhismayaal xoog leh iyo Guryo hababka Fooqa loo Yaqaano loo Dhiso.Inkasta oo aanad laheyn waxaad ku Faaneysaa in Daaro noocan oo kale laga Dhiso wadankaaga,Waxaad ku Faaneysaa in Nabada Jirtaa ay tahay mid suurta gal ka dhigtey in Wakhtigan lacagtii loo Quudho laguna aamino Dhismayaal kala duwan oo ay ku baxeyso lacag adag oo Malaayiin Noqoneysa.Quruxda Jidadka Suuqyada caasimadu Yeelato waxa ka qeyb qaadanaya Hadba Dhismayaasha ka socda iyo Daaraha sida Dabaqyada ku soo Jeeda wadooyinka.

Dhismaha Guri hadba wuxuu Qaadanayaa Magaca Shaqada iyo Adeega lagu qaban doono ee Gurigaasi loo Dhisey,Guryaha qaar waxbaa lagu Bartaa waxaana loo bixiyey Dugsiyo,Guryaha qaar waa lagu Noolyahay waxaana loogu Yeedha guri ama Xaafadii Ilma hebel,Dhismayaasha qaarkood waa lagu Ganacsadaa oo waxa ay Noqdaan meel caan ah isla markaasina dadku iskugu Yimaado,Waana kuwo inta badan ka dhisan Suuqyada caasimada Dhexdeeda ah oo ah meelaha dadka oo dhami iskugu Yimaado.Guryaha qaarkood waa lagu Cibaadeystaa waxaana loogu Yeedhaa Masaajido,Kuwo kale Suugaanta iyo Fanka Ayaa loogu tagaa oo waxa loo bixiyey Tiyaataro,Sidaasi Ayaa dhisme walba Magaca uu Yeelanayaa looga Bixiyo hadba shaqada lagu qabto ama Ujeedada loo Dhistey.

Dhismaha mar waxaad ku Jeclaaneysaa Quruxdiisa,Sida loo Dhisey,Muhindiskii Dhisey,Mar waxaad ku Jeclaaneysaa Adeega uu bulshada u qabto,Marna dadkeenu waxa ay Ku Jecladaan ninka Dhistey oo Qabiilkooda ama beeshooda ka soo Jeeda.Marna waxaad ku Jeclaaneysaa Taariikhda Dhismaha oo ah Mid fac weyn kana soo Jeeda dad iyo Quruumo beri hore laastey,Tiro badan oo ka mid ah Caasimadaha Aduunka ayaa waxa weli ka taagan Guryo iyo Dhismayaal ka soo Hadhey Xadaaradii berigaasi oo wakhtigan u ah Dhaqan iyo Ilbaxnimo lagu faano si loo Arko hababkii dadkaasi berigaasi wax u dhisan Jireen.Guryaha dadka ka wada Dhaxeeya iyo Kuwa gaarka loo kala leeyahay Ayaana loo qeybin karaa Inta guri dhisan.

Xafiisyada Adeega Bulshada iyo Kuwa Dawlada,Qasriyada Xukumada iyo Guryaha kal fadhiyada Masuuliyiinta Dawlada Ayaa ka mid ah kuwa inta badan Caanka ah isla markaasina bulshadu wada Taqaano ama wada Aragtey.Haddaba Akhriste aan u soo daadegno Duluucda Qoraalkee Ma aaminsan tahay in Fooqii Magaalada laga dhisaba la Yidhaahdo waa Qoloma,Yaa dhistey,Inkasta oo dad badan oo Reer somaliland ahi ku Fanaan Guud ahaan horumarka wadanka ka socda haddana Dabaqyada dhaadheer ee Caasimada ka socda intooda badan Kaftano dhinaca Qabiilka iyo reeraha ah Ayey soo Kordhiyeen,Dhinaca kalena Magacyo Kaftanadaasi ka Dhasha Ayaa loogu Yeedhaa Fooqyada wakhtigan Caasimada ku soo badanaaya.

Dhismayaasha Inta badan lagu Jiro marka laga Hadlaayo Dhinaca Suuqyada oo ah kuwo Kiro ah kuna Yaala Suuqyada Hoose ee Badhtamaha caasimada hargeisa waxa kuwo badan leh Reero ama Qabiilo ka tirsan dadka deegaan ahaan ka soo Jeeda Hargeisa,Waxa hore u dhisey ugana Tagey Dadkoodii hore kuwaasi oo maanta Tafiirtoodii ay Waxtarkooda heystaan,Odoyaal caan ka ahaa Hargeysadii hore Ayaa inta badan Magacyadooda loogu Yeedhaa Qaar badan oo ka mid ah Sekedaha ku Yaala badhtamaha suuqyada hargeisa.Sekado ka koobaan in ku dhow 10 Maqsin oo wada Ganacsato ku Jirto Ayaa magac ku qudha loogu Yeedhaa.Magaca inta badan Dhismayaasha loogu Yeedho Ayaa ah Sekedaha ilma…………………………..Kirada kor u sii socota lagana Qaado Qololkaasi Ayaana ah mid Xaafado badan u ah Nafaqada Nolol maalmeedkooda.

Ugu danbeyntii bal waxad is Weydiisaa inta Sekado Dhismayaal caan ah ku Yaala caasimada hargeisa,Kuna Yaala badhtamaha Suuqa Hargeisa kuwaasi oo loogu Jiro ganacsi Kiro laga bixiyo.Fursadaha Dhismayaashani oo ah Halkii berigii hore Magaaladu ka aas,aasantey ama Meel aan ka fogeyn markii ay Balaadhatey.Sekeda ugu Caansan waa Midee………….Xitaa Marka laga tago hargeisa sidoo kale Guud ahaan magaalooyinka somaliland ayaa laga helayaa Odayaal dhintey oo Caruurtooda uga tagey Dhisme ku Yaala meel caan ah ama suuqa ah oo Ganacsi xoogani ka socdo.Sekeda Ilma ……………………….Sekedaha ilma………….Fooqa Hebel…………………Guryaha ilma …………………………..Sekedaasi waxa la siistey 4,00,000$.Qiimaha iibika Dhulyar oo Suuqa ku Yaala Ayaa fajac kugu Ridaaya,Dhismaha Ganacsatada iyo Fooqyada dadka Maalqabeenka Ahna Dhulka ayaa Hu iyo dhar looga dhigayaa.