SAXIIBKAY AYAA EMAIL AAKHIRO IGA SOO DIRAY

Runtii waa Sheeko Layaable isla markana marka aad u kuur gasho waxa ay dareemaysaa in Qofkasta oo Aduunkan ka tagaa Wuxuu Camal iyo Shaqo ka dhiganayay Marka uu Dhinto waxa ay noqonayaan kuwo Raad kaga Taga Aduunka .Qisadan Cajiibka ila Akhriso Macnaha wayn ee ay Xanbarsan tahayna aad Maskaxdada u daadaji kana faa’idayso. Qisadani waxa ay ku dhacday Wiil Dhalinyara ah ,Wiilkasi oo ah Mid ku Baas Dawashada iyo Fiirsashada Filimada Xun Xun ee Anshaxa iyo Akhlaaqda Subanba ka hor imanaya .

Waxa kaloo intaasi u dheeraa in uu ahaa Nin Dhiiri galiya Fafiyana Filimaantasi ,waxa uu galay iskana Diiwaan galiyay Websityada waxaasi ku shaqale

 isaga oo Bixinayay Lacagta Mushqayada ee loogusoo Furayo Filimadasi anshaxa xun,Todobaadkas waxaa usoo dhici jiray Video iyo Sawiro Anshi Xun markastana waxa uu Dawad siin jiray asxaabtisa iyo cidkasta oo Anshi Xumada Xiisaynaysa inta badana isagaa ku baleeyay oo Dhalinta Baray. Dhamaan Asxaabtisii oo dhan waxa uu ka wada qortay Email kooda si uu Todobaad walba Filimada Anshi Xumada ee usoo dhaca uu iyagana ugu diro ,kadibna waxabu noqday Nin Caan ku ah Fafinta Xumaanta.

Intaasi ka bacdi Hadaba Maxaa dhacay ,Wiilkii Dhalinyarada ahaa waxa uu galay Shil Gadhi waanu ku Dhintay ,Ilahayna waxa uu Qadaray in uu halkaas Naftiisii ku waayo . Saxiibka hadaba Qisadan Warinaya ayaa waxa uu leeyahay Waxaan ka imi Aaskii iyo Xabashii Saxiibkayga Dhintay ,markii Guriga aan imi Ayaan waxa aan Furay Computarkaygii Guriga ii yaalay si aan u eego bal in Wax Fariima Emailka amma Facbooka iwm in ay isoo dhaceen .

Hal Mar ayaa waxa ay Indhahaygu Qabteen Fariin Dhextaala Emailkayga gaar ahaan Inbox waan furay kadibna markiiba waxa ay Indhahaygu qabteen Fariimo iyo Filimo Anshi Xun oo iiga yimi Saxiibkayga aan hada Aaskisa amma Xabaashisa ka imi Subxanalaa!!!

 Waan argagaxay Shaydaanka Ayaan iska Naaray Indhahaan marmartay kadibna hadana Dib Ayaan u eegay Mise waxaba ay ka Timi Saxiibkayga hada Qabriga Jiifa ,kadibna dhamaan Filimadii waan masaxay wanan tirtiray ,hadana Todobaad markii ay kasoo wareegtay ayaa waxaa Inbox Email kaygii kusoo Shubmay Filimadii iyo Xumaantii uu Saxiibkay iiga tagay .

 Inataasi ka bacdi Ayaan waxaan ogaday ayuu leeyahay Ninka sheekada soo Gudbinayaa in Saxiibkayga Geriyooday uu isagi igusoo Xawilay intii uu Noola Emailkayga,kadibna waxaan Qortay Websitka Waxyabahani iiga imanayaan si aan ula xidhiidho oo ay iga joojiyaan Filimahan Xun xun ee ay igusoo Butaacinayaan , markii aan la Hadlay una sheegay in Saxiibkay Geriyooday una bahanahay in ay Hawshan iga soo afjaraan waxay iigu Jawabeen Saxiibka Paswedkisa ma haysaa ? waxaan ku idhi maya kadibna waxa ay i yidhaahdeen 4 Afar Sanadooda ka bacdi ayay is xidhayaan .

 Runtii waa Qiso Xanuun badan dhalinyarada maantana aan dareemi karo in ay aad ugu bahan yihiin in ay iska ilaaliyaan Waxyabahasi Faxishada ah.Qisadan waxa aynu ka fa’idaysanaynaa in Qofkasta oo Ifka ku Nooli Camalka uu Hayay marka uu Akhiro Tagana in uu Ifka Raad kaga tagayo,

 

MIYANAY AHAYN SAXIIBKAY AYAA EMAIL AKHIRO IGASOO DIRAY.

 

Soo Gudbiye /Qareen.Khadar Ibrahim Aar