Sannadaha is-beddelaya iyo Saamaynta ay wataan! – W/Q: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid

AbdirahmanLaba iyo tobanka bilood ee sannadku ka koobanyahay waxa kusoo maraya wakhtiyo si kasta iyo wax kasta ku kala duwan. Si kooban, dareenka ay wataan uunbaa kala duwan. Maalmaha qaar waad faraxsantahay maalmaha qaarna waad murugaysantahay. Qaar waad hoosaysaa (dareen ahaan) qaarna waad sarreysaa. Dabcan, kala duwanaanshahaas ayaa sameeya dhadhanka nolosha. Haddii si kali ah uun aad ku jiri lahayd waxa la arkaa inaanay naftu jeclaysateen.

Adiga oo shaqadii ama waxbarashadii ama saaxiibbadaa ka yimi ayaad guriga kusoo hoyatay mise waxa lagugu salaamay: “Wiil yar baa xaafadda u dhashay” ama war kale oo farxad leh. Habeen kalana waxa guriga kugu sii sugaya war dhiillo leh oo xanuun ama geeri qof ehelka ah haleeshay. Dareennadaas kala duwan ee aad la seexanayso habeennada kala duwan weeye waayaha noloshu. Rajada aad ka leedahay mustaqbalka iyo cabsida aad ka cabsanayso wax kastoo laga cabsan karo dhexdooda ayaad ku qaadataa maalmaha nolosha. Waa marxalado ay tahay in la wada maro. Sunnaha nolosha ayaa sidaas ah. Halka kaliya ee lagu kala duwanyahay ayaa ah fal-celinta iyo la fal-galidda dhacdooyinkaas. Dareen-qaadashada iyo diyaar-garowga.

Haddii aad tusaale ahaan, adiga oo habeen fadhiya meel madaw, kaligaana aad tahay, oo si xor ah uga fikiraya shaqada aad ka shaqayso wakhti-xaadirkaa; waxaad dhex taallaa oo aad kala dooran kartaa inaad u fikirto laba siyood; Inaad ka cabsato shaqadan oo lagaa eryo oo habeenkaas oo dhan aad ku qaadato inaad fikirkaaga ku rogrogto qaabka laguu eryi doono, cidda eryiddaada ka shaqaynaysa, waxa aad samayn doonto marka lagu eryo iyo wax la mid ah iyo dhinaca kale inaad ka fikirto inaad ku dallacdo oo aad halka uu maamulahaagu fadhiyo fadhiisato ama aad ka fikirto in aad shaqo tan aad hayso dhinac kasta uga fiican ku wareegto. Si kale, waxa aad fursad u haysataa inaad noloshaada ka cabato habeen iyo maalin iyo inaad ka dhigto mid aad kaga shaqaysiiso awoodahaaga. Sidaas baa nolosha loogu kala aragti duwanyahay. Ta muhiimka ahina waa dareenka aad ka bixinayso waxyaabaha kula falgala nolosha iyo wajiga aad kaga gudbayso maalmahaaga.

Sannad kastaa wuxuu u dhammaanayaa sidii kii ka horreeyay uu u dhammaaday illaa laga gaadhayo maalinta ugu dambaysa dunidan. Adigu iyaga oo sannaduhu sidaa u dhammaanayaan baad ka dhex baxaysaa oo habeen uun ruuxdaadu idlaanaysaa. Guud ahaan, sida aad u noolaanayso muddadaasna, xorriyad buuxda ayaa laguu siiyay. Awoodihii, agabkii, ilayskii, anfaacigii iyo deegaankii aad ku noolaan lahaydna ILAAH waa kuu dhammaystiray. Sidaa darteedbaa nolosha marka la dhimanayo loo kala duwanaadaa oo qofna shan qof ay geeridiisa ka damqataa, qofna dunida oo idili dareentaa. Hadda markii la dhalanayay isku mid baa la ahaa; qof walba dhalashadiisa waxa ogayd in isku mid ah, qosyskiisa oo kali ah. Isticmaalka awoodaha shakhsiga ah iyo ka faa’iidaynta fursadaha ayaa suurto-galin kara halka aad nolosha ka istaagayso.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haga nolosha qofka waxa kow ka ah; yoolka ama hiigsiga. Haddii aanay jirin meel cad oo uu qofku hiigsanayso oo aanu rarka dhigayn illaa uu soo taabto haddana aanu ka guuraynayn mar kale oonu sii hiigsanayn meel kale oo ka duwan halkii hore, noloshaasi waxay isooga joogtaa si caadi ah oo aan ta dadka badankiisa wax badan kaga duwanayn ama kaba hoosaysaba. Hadafkaas iyo inta aad u jeellantahay inaad gaadho ayaana qaabaynaya kolba heerkaaga nololeed.

Haddii aanad hadafba lahayn oo aanad nolosha ama hoosba aynu uga dhignee sannadkaas galay wax yool ah oo kuu qoondaysan inaad gaadhaa jirin maxay noloshaadu kaga duwantahay kubaddii carruurnimadii la odhan jiray ‘xarfad bilaash’?. Waxyaabaha ay ciyaartaasi caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa; may lahayn gool la kala dhalinayo, koox cayyimani may jirin, wakhti go’an oo ay soconaysaa muu jirin, may lahayn wax ciqaab ah iyo wax natiijo ah (goolal) midna. Qof walba kartidiisa iyo xarfaddiisa ayuu ciyaari jiray, kii doonaa soo gali jiray, kii rabaana wuu ka bixi jiray, saas baanay ku dhammaan jirtay iyadoo la wada xiiqay.

Sannadkan dhammaanaya ee 2014, waxa ka dhiman maalmo. Qasab waayihiisa wuu watay oo qof kastaa si buu u qeexayaa haddii la waydiiyo. Qof kasta oo sannadkaa fursad u helay inuu nolol ku dhammaystaa waxa uu haystay wakhti la mid ah wakhtiga uu haystay qof kaste oo kale. Qofna qof muu dheerayn saacado gaar ah. Ka jeel ku xidhnaa wuxuu haystay saacado la mid ah inta uu haystay ka diyaaradaha la socdaa. Balse qofba si buu u isticmaalay oo uu uga war keenay saacadihiisii. Isticmaaliddaasina waxay kala ahayd mid ay qorshayni ka dambaysay iyo mid sida xarfad bilaashta iska socotay.

La xisaabtanka naftu waa waxqabadka naftu ay ku foogganayd iyo wixii ka hirgalay, qorshayaasha u degsanaa iyo wixii ka qabsoomay/aan ka qabsoomin, iyo in ay qorshe lahayd iyo in kalaba. Haddii sannadkaa 2014 ee dhammaanaya aanu wax qorshe ah oo aad dejisatayba jirin sideed u xisaabin kartaa noloshaada? Waxa aad u xisaabin kartaa inaad ka fikirto waxaad qabatay ama ku mashquushay muddadaa sannadka ah. Ku dadaal inaad nafta ku xisaabiso qorshayaal aad u dajisay iyo waxay ka qabatay qorshayaashaas. Taa marka laga yimaaddo, haddii aanad qorshayaal aad nafta kula xisaabtanto haynin, waxaad samayn kartaa qiimayn; adiga oo ka duulaya horumarka shakhsiga ah ee aad samaysay, waxyaabaha naftaada iska beddelay, cilmiga aad korodhsatay, inta buug ee aad akhriday, iyo guud ahaan tallaabooyinka muuqda ee aad u qaadday dhinaca horumarinta garaadkaaga. Qalinka u qaado. Is waydii, dhinaceed u socotay? Maxaa muuqda ee sannadkaa dhammaanaya aad ka tilmaami kartaa inaad samaysay? Dhinac kale, qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu leeyahay dhaliilo, dhaqammo aan wanaagsanayn iyo iin. Dabcan, ma dhammaystirna qofna. Dhaliil kasta oo aad isku ogtahay (ama lagugu xanto), qof ahaan inaad ka korto/ka gudubto, ayaad qalinka u qaadanaysaa iyagana dabcan, sannadkaa dhammaaday maxaad ku guulaysatay inaad ka saarto noloshaada oo kaa hortaagnaa dadnimada wanaagsan? Sannadka bilawgiisii miyaad muran badnayd? Wali ma sidii baad u murantaa? Cuqdadda, nacaybka, Aragtiyaha taban, Xaasidnimada, Qof-u-fiirsuga iyo waxyaabaha ay tahay inaad ka korto oo noloshaada ka saarto (haddii aad lahayd) mid mid u dul istaag kadibna ogow is beddelkaaga.

Noloshu waa sannadkii dhammaday, kan dhammaanaya iyo kuwo soo socda oo dhammaan doona iyaguna, la kor oo dadnimadaada, aqoontaada, garaadkaaga iyo si-u-araggaaguba ha koro, dhinac naftaada iyo nafaha uumiyahaba wanaag u leh ha u koro. Saamayntaadu ha korto. Inta ay kalmaddaadu gaadhi kartaa ha korto. Dabeetana isku day inaad is beddel wanaagsan iyo tallaabooyin horumar leh sabab u noqoto.

Ujeeddada aan qoraalkan u sameeyay waxa weeye; in haddiiba aad fursad u hesho inaad akhrido aad ka jawaabto dhawrkan su’aalood. Inta aanad ka jawaabin, fadlan qalin iyo warqad soo qaado, kadibna su’aalahan isku day inaad ka jawaabto;

  1. Qor shan shay oo sannadkan gudihiisii aad korodhsatay/kasbatay? (Guulahaaga)
  2. Qor shan shay oo sannadkan bilawgiisii aad lahayd (dhaqammo) oo aan fiicnayn balse aad iska dawaysay/iska yaraysay?
  3. Shan Qorshe oo aad sannadkan soo socda rabto inaad hirgaliso?

 

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid

Hargaysa

Abdirahmansaed8@gmail.com