Saldhiggii Aqoonta (Maanso) – W/T: Sacad M. Gadhle

Sacad Qodaal-Joog

Maansadan waxaa curiyay suxufiga halabuurka ah ee Sacad X. Maxamuud Gadhle magaceedana waxaa la yidhaa (saldhigii aqoonta) waa maanso aan u arko inay xambaarsantahay waano iyo tilmaamo si qotodheer u iftiiminaya waajibaadka (wariyaha ama suxufiga) maansadan mar kale waxaan u arkaa in murtida maansadani xambaarsantahay duruus ama casharo looga baahanyahay inuu suxufigu barto hadii aan faah_faahiyo waxay baydadka hore aan ku xusayaa  sil_siladii caanka ahayd ee (siinlay)  silsiladaas oo curatay sanadkii dhalashadayda saamayn balaadhana ku yeelatay guud ahaan bulshada afka soomaaliga ku hadasha meelkast oo ay joogaan mar labaad midhaha maansadani waxay daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee uu leeyahay (wariyaha ama suxufigu) mar sadexaad maansadani waxay si mug leh oo miisaaman u iftiiminaysaa 90 qodob oo wariyaha ay lagama maarmaan tahay in uu  ku dhaqmo waxaan aaminsanahay in 90 kaa qodob ay saldhig u noqon doonaan xeerka saxaafada ugu dambayn waxaan u arkaa in ay maansadani ka turjumayso wacyiga wakhtigan ay ku sugantahay saxaafadu waxaanay ila noqotay inaan soo bandhigo maansadan saldhigii aqoonta .ayaad moodaa inay si gaara ula hadlayso qolada warbaahinta barta internetka wararka kala duwan ku soo bandhigta.

Sacad Qodaal-Joog
Sacad Qodaal-Joog

Gaariyoow suugaantii

Todobaatan iyo sadexdii

Siinlay la odhan jiray

Sumaladii dhawaaqee

Weedhaheeda soo simay

Maan galin safkoodii

Sabi baan ahaayoo

Sanqadhii baxaysiyo

Waayaha lamaan socon

Saakana xus wayniyo

Sanad guuro wacanbaan

Uga dhigay silsiladaas

Subcintayda maansadu

Waano weeyi soocoo

Wariyahay ku socotaa

Saxaafada dhamaanteed

Salaanbaan u dirayaa

Marka xiga siciidow

Cadaaladu siday tahay

Lama kala sareeyee

Suuradiisa aadmiga

Sadarada aqoontaa

Lagu kala suntaayoo

Lagu kala sifeeyaa

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi inay tahay

Saldhigii aqoontoo

Qalinkuna sir leeyahay

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sooma jeeste weeyoo

Socodkana ma daaloo

Sahanbuu galaayuu

Warar sugan ku keenaa

Saadaasha gaarka ah

Suuraynta faalada

Sobobaynta kama tago

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sabaduu ku noolyahay

Saamayn ku leeyahay

Samirkana ku caan yahay

Sahaydiisu gaar tahay

Bulsho waynta sixi karo

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Ma ogtahay siciidoow

Runtu inay sad wayn tahay

Saxansaxo udgoon tahay

Warka subag u yeeshoo

Sixin iyo baruur tahay

Suuq_gayna noqotoo

Sumcadeedu badantahay

Beentuna siniintoo

Siifadeedu kulushahay

Suyuc iyo wax baas tahay

Siigada ka darantahay

Ma ogtahay siciidoow

In sagaashan qodoboo

Warbaahinta u seesoo

Salka loo goglaa jiro

Saajinkii qoraalkow

Yuu kula sabaynine

Suryo weeyi adagee

Surinkaasi haba galin

Suubanaanta dhaqankana

Soohdintooda dhawroo

Sodohaha ha faalayn

In kastoon sabool nahay

Waajibaa ku saarane

Ha ka raadin sooryoo

Sii jeedka ha ku qorin

Ha ka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

 Ha sahadin balaayoo

Ha ka sasin dadwaynaha

Ha ku galin dir sooc iyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali siliitada

Saxaafadu xor weeyoo

Ma taqaan safaadkee

Dulmigood salaaxdiyo

Sinji lagu amaaniyo

Suubintaa u daranoo

Si kalay ku noqotaa

Wariyuhu silooniyo

Sahwi buu ka qaadaa

Colaadaha sokeeyaha

 Ha u qaadan soofoo

Ha ku saydhin wararoo

Boogaha ha sii sarin

Salaadiinta talisana

Dhaqankay sidaanoo

Xurma aada siiyee

Ka ilaali saxarkoo

Sad bursiiyo kula dhaqan

Mar_mar bay siqaanoo

Soone kale galaanoo

Hadal aan saluugiyo

Ku arkaa sitaadkee

Sibiq wixii ku dhaafana

Sajilaada  ha ku darin

Saraakiisha qarankana

Ha u soohan xadhigoo

Ha ku jiidin seetada

Maamulkaa ku siriree

Madaxdana ha seelayn

Saacadaha qodaalkana

Ha la seexan garashada

Siidhiga afuufoo

Wacyi galinta sii daa

Sixirbararka faalee

Ka warayso sariflaha

Siyaasada warkeeduna

Saaxad weeyi daranoo

Saxmad iyo wareer lee

Balamihii siyaasigu

Salaankani ku soo koray

Su,aalaha ka waydii

Sabaaluhu ma fiicnee

Sacabada ha hoos dhigan

Sarbi lagu uleeyiyo

Seef laga cabsoodaba

Saxaafadaa ka dhiganee

Haka baqo siyaasigu

Sharciguna siduu yahay

Ha,u qaadan salaboo

Ha sadqaynin waligaa

Sartu halkay ka qudhuntiyo

Musuqana ha saamixin

Xididada u saaroo

Ha la seegin goobaha

Dhaliiluhu sinmeenoo

Subaxdii timaadaba

Sanqashada masuulada

Sanco weeyi cusubee

Suqduudkuu maraayiyo

Saadkuu ishaaree

Ku sar qalinka waligaa

Saqajaanka ha u tudhin

Safiirada cadaankee

Samafalka ku magac dheer

Deeqbay sidaanoo

Dadwaynaha silcaayay

Sawirada ka qaataan

Sanduuqoogan buuxee

Suul dhabaale madhan iyo

Siminaaro lagu cuno

Soodhka soo faqaayee

Sandulaha waxqabadka ah

Sanka kaga tolaayaa

Horta suxufi waa adi

Ha sagsaagin weedhaha

Ku sargoo halhaysyada

Barnaamijkaad samaysaa

Suuradaha quraankiyo

Sunahana ha waafaqo

Culumada sexeexee

Dunidaba ha saahiday

Waliyada siraatiyo

Caalimkuna ha kaa saxo

Saban baa la jogaa

Wadaada la saaqoo

Sahaydii qurbaawiga

Suuqwayn la geeyoo

Sadaqada la daawado

Shaashadaha la soo safay

Sakhiraada waiyaha

Siiqadiisa xeel dheer

Waa dilaal sareexoo

Saylad xoogan joogee

Saliilyaan ka qaadee

Sasabaada ha ka dhimo

Saamigii wadaadkuna

Duco ha ku sabootiyo

Sacad X.Maxamuud Gadhle (Qodaal-joog)

Gabiley, Somaliland

Tell:4669910