Saddexda cudur ee ay Soomaaliland u dhiman doonto haddii aan la ga dhayin:

 

1) Qabyaalad la siyaasadeeyay. Miskiin wal oo siyaasi sheegtaa marka uu ku guuldarraysto keenista aragti xalaal ah oo ay dadku ku raaci karaan, wax uu magansadaa xaalad-abuur iyo xamaasad qabiil uu umadda ku ka la qaybiyo, taas oo uu ku meelmariyo abaabulid shirar qabyaaladeed iyo laaluush baahsan; laaluushkaas oo ay bixiyaan shirkado xaaraan ah oo maalgashada siyaasaddaa xaaraanta ah. Qofkaa miskiinka ahi dadkiisa u ga ma tudho ayaayo xumada ay taasi umaddiisa u lee dahay iyo curyaaminta ay u geysanayso dawladnimo taabbo qaadda.

 

2) Mujaahid baan ahay oo kaadidayda ayaan u soo cabbay. Taariikhda ummaduhu wax ay martaa marxalado ka la duwan qurux iyo foolxumaba. Halgankii dalka ka dhacay marxalad la soo maray buu ahaa, is la markaa dadka reer Soomaalilaand waa ay ku ka la qaybsanaayeen, mana jiro qof iyo qofaf gaar ah oo ku ammaanan, ama qof iyo qofaf gooni ah ku dhaliilani. Kaadida la soo cabbay waxaa ka dambaysay marxalad la gu midoobay nolol cusub in loo gudbo wixii hore ee la gu qaybsanaana la masaxo. Ninka maanta doonaya talada dalka in uu nin kale ka ga xigsado ”kaadi baan u soo cabbay” ha garto in ay dalka u siman yihiin kii isaguna dhanka kale kaadida ka soo cabbay. Haddii aan sidaa loo fekerin Soomaalilaand la ma wada laha, heshiiskii 1991 la gu walaaloobayna wuu burayaa.

 

3) Dhaqan xumo ah dawladda in loo arko wax la ga baayacmushtaro oo lacag la ga tacbado. Dunida sookoraysa oo dhan musuqmaasuqu waa sababta kowaad ee dibudhacooda. Ha ahaatee Soomaalilaand waxaa ka dhaqan galay hab-dawladeed aan wax la mid ahi dunida soo marin marka ay tahay musuqmaasuqa. Dhab ahaantii Soomaalilaand loo ma adeegsan karo erayga ”musuqmaasuq” waayo xoolaha umadda la ma xado ee waa la boobaa, awoodda dawladda oo abaabulan oo midaysan baana boobkaa la gu fuliyaa la guna difaacaa (mayd waxaa u dambeeyay Haamaha Shidaalka Berbera).

 

Sida qof waliba arkayo, Soomaalilaand maalinba ta ka dambaysa sawirkii dawladnimo sharci ahi wuu sii tirtirmayaa, kalsoonida bulshada dhexdeedu waa ay sii dhimanaysaa, ka la furfuranka iyo tafaraaruquna wuu sii durkayaa. Waxaa la odhan karaa waxa qudha ee maanta dadka isu sii hayaa waa rajo uu qof waliba ka qabo in uu raqda meesha taalla wax ka boobo inta aan meesha la gu ka la yaacin. Dhaqanka boobka iyo kalayaaca waxaa hormuud ka ah kooxda QAQ ee maanta talada ka laallaadda.

 

Waxa qudha ee Soomaalilaand badbaadin karaa waa kacdoon weyn oo ay dhallinta waxbaratay samayso, dalkana ka ga safayso faca guuldarrada ee ku weynaaday basar xumada siyaasadeed iyo garashada qaldan ee dawladnimada la ga haysto.