Saddex Marwo Oo RRU La Dhul Dhigay: Zahra Halgan; Fadumo Saciid; Hinda Jama

HOODOXoogagga isbedel-doonka ah ee ka toosay Somaliland, waxa hormood ka ah Marwo Zahra Halgan, Marwo Fadumo Saciid iyo Marwo Hinda Jamac. Waa saddex Marwo oo tamar badan , tayo badan , deeq badan, dood badan, aqoon badan .

Waa saddex Marwo oo jecel badbaadinta dalkooda iyo dadkooda. Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay kula dagaalantay xoogii iyo xoolahii Umadda.

Hudheelka Zahra Halgan waxa lagu wareejiyay RRU si aan loogu xusin mujaahideentii SNM. koobkii Kubadda cagta ee lagu xusaayay Marxuum DR.Idris, saygii Marwo Fadumo Saciid, waxa loo adeegsaday RRU. Safar hawleedki Marwo Hinda Jaamac ugu baxday degmadda Huluul, waxa la daba dhigay RRU.

saddex marwoMadaxwyne Siilaanyo tamartiisi wuxuu isugu geeyay la ficiltanka saddexda Marwo ee ka dhex hilaacay saaxadda siyaasadda, hormoodkana ka ah mawjadaha xoogaga isbedel doonka .

Waxaan idin leeyahay, ha daalina oo weligeen ha leecina, Odayguna wuu tegaya ee aad yar sii TUKHUN-TUKHIYA.

Hoodo Yusuf

yhoodo@yahoo.com

London, UK.