SABABAHA SOMALIA UGU DHEGANTAHAY SOMALILAND

Sababaha ay Somalia ugu dhegantahay Somaliland waxa weeye in dadka Somalia ogyihiin in Somaliland tahay hoygii geesinimada, deeqsinimada, qalbi-wanaagga, suugaanta, fanka, ilbaxnimada iyo istaraatiijinimada (goobta ay ku taal oo muhiim ah) oo ay waayeen. Waxaa kale oo ay ogyihiin inay waayeen dalkii ay 30 sano (1960-1990) xukumayeen oo ay dhacayeen hantida dadkiisa.

Laakiin waxay illowsanyihiin in dadka Somaliland u keeneen dowladnimadoodii 1960 dabadeedna ay ugu abaalgudeen duudsi, cadaalad-xumo, gumaad iyo burbur ka baxsan Islaamnimada, Somalinimada iyo insaaniyadda. Markaas dadka Somaliland laguma dagikaro midnimo dambe oo huwan dhagar iyo khiyaamo.

 

Mar haddii qabyaaladda Somalidu ka xoogweyntahay Diinta Islaamka oo aan dhiig, dulmi iyo dhac midna laga xishoonayn sow ma habboona in la kala ahaado laba dal oo jaar ah oo walaalo ah. Sow lama oga in arrimahaas awgeed aan midnimo dambe hirgelayn balse laga dhaxlayo uun dhiig daata oo cusub iyo cadaawad hor leh. Waxaa habboon in la kala quusto xagga midnimada laakiin la noqdo laba dal oo walaalo ah oo iskaashada dhinackasta.

Dadka Somaliland waxay xagga dhaqanka iyo hiddaha aad isugu dhowyihiin dadka Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya, haddii ay xoroobaan waxaa aad u suurtogal ah inay ku soo biiraan Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale