Runta Eng. Faysal Cali Warabe waa ku Xanaf Ninkii Xeelad Leh; ‘Kula Lihi oo Kaa lihi’.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘’ Si xun wax u sheeg sixirka darran’’.  Waxaan uga duurxulayaa odhaahdan aan soo qatay,  rag si khaldan u turjuntay runta uu ka hadlay Eng. Faysal Cali Waraabe ee uu sheegay ragga u sharaxan golaha degaanka Hargeysa ee aan u dhalan, Xisbigay doonaanba haka sharax naadeene,  eehaddana  codka ka doonaaya reer Hargeysa, in cod kaasi uu ka go’an yahay Hargaysa.

Haddii aan si kale u dhigo, waxaynu ognahay in golahii degaanaddu  marayaa in laysu soo sharraxo beelbeel, ardaa ardaa iyo qoys qoys, dibna loogu noqday qaabkii beelaha.  Waxaa kale oo aynu ognahay  in jilib kasta iyo ardaa kasta loo yaqaan deggaan ugaar ah. Waxaa kale oo aan wadda ogsoonahay in aan weli la ansaxin xeerkii caasimadda, taas oo micnaheedu ay tahay Golaha degganka ee Hargeysa wuxuu weli la xeeryahay Golaha degaanka ee Magaalooyinka kale ee Somaliland ee la yaqaan cidda iska soo sharixi karta.

Marka ay intaasi jirto. Waxaan  u arkaa ninka maanta Hargeysa iska soo sharaxay isaga oo aan deggaan u ahayn, welina aan la’ansaxin xeerkii caasimadda, in ay isa soo sharaxaaddiisu tahay hormo seegto ( wuxuu ka soo hor maray xeerkii Caasimadda).  Horma seegtaddana celiyaay waa la yidhaa.

Markaa haddii Engineer Faysal cali Waraabe reer Hargeysa ku yidhi waar musharaxiinta horma seegtadda ah iska celiya yuuna darka idinku cidhiidhyine, ma wax buu dhimay, maxaa lagu qoonsaday ee hadalka loo qaloocinayaa.

Dadku isaga oo isku mid ah oo isku degaan ah ayaa hadda wuxuu kala leeyahay sabo iyo daaqsin la isku xaqdhawro oo laysku ogyahay. Waxa aynu dhaqan u lahayn asal ahaan in aan reerna reerka kale ee ay isku ood xigaan aanu  sabadiisa ama kambalkiisa u soo daaq tegin.  Haddii reer garanwaayo reerka kale hab soofkiisiisa waa lays odhan jiray waar naga duwaaaaay! Xaggay ku soo wadaan  sawkuwan kaabiga nagu qaatay.

Haddaba yaan la degdegin inta xeerka caasimadda la samaynaayo ama yaan la cabbanaan marka la hadlo.

Maxamuud  Aw Xasan carraale