Runi Laba Kama Wada Qosliso – W.Q: Maxamed Cali

Maxamed Cali MuuseDimoqraadiyada Somaliland waxay abuurtay in Xukuumada Somaliland xukuumada yar yari ka hoos samaysmeen. Waxa jirta in musheekhda, salaadiinta, cuqaasha, ugaasyada in u mid walba iskii u yahay xukuumad.  In ay sidaas arimuhu u dhacaanna waxa u sobob ah dimoqaariyada an xad lahayn ee ka jirta Somaliland.  Afrika oo dhan kama dhacdo tan oo kale. Dimoqraadiyadan an seetaysnayni waxay leedahay khatarteeda.

An bilowna xukuumadaha musheekhda. Musheekhdo iga oo isku qarinaaya diinteena suuban ayay Jimca walba magarafoonka haystaan oo ay waxan loo diran ka sheekeeyaan. Diinta Islaamku waxay qof walba faraysaa in u cadaalada ku dhaqmo oo u ummada isku soo dhaweeyo oo u macruufka faro, kana waaniyo xumaanta. Musheekhda qaarkood waxay huwan yihiin maqaar qabiilo oo waxay ka sheqeeyaan isku dir iyo kala qaybin, waxayna fara geliyaan maamulka xukuumada, waxay noqdeen siyaasiin. Musheehkda qaarkood waxay u baahan yihiin tababaro diineed iyo cadaaladeed. Barhan danbana waxaba soo baxay musheekh magayadii afrikaanka iyo Somaliladaba ka tegtay oo la baxay magacyo rag qiimu ku leh diinta oo anyna meela ka sawaabin gaadhina karin.  Kuwan qaarkood waxayba isku haystaan in sawaabiyaan ragii hormoodka u ahaa diinta islaamka faafinteedii. Waxay cabsi geliyaan ummada. Allaha sahlu eh waxa xukuumada looga baahan yahay waci gelin ku saabsan arimahaas.

Salaadiinta, Quqaasha iyo Ugaasyaduna waxay kala sooci kari laayihiin xukunka dowladnimo iyo wixii dhaqanka u ahaa horjoogayaasha qabaailka. Kuwani waxay khalkhal geliyaan nimaadka dimoqraadiga ah ay xukuumado ku dhaqanto. Mid kasta oo kuwaas ka mid ihiba wuxuu toosa subixii isaga oo ku wardisanaaya “tolow xageen maanta duqeeyaa si an u soo xaasiliyio masruufkayga”. Waxa shaqo u ah in ay dhibaato an jirin sheegaan oo ay kiciyaan reeraha ay ka soo jeedaan. Waxase la yaab leh xuguumada og dhibaatada kuwani ku hayaan ummada ee hadana naas nuujinaysa. Xuguumada waxa ka sii daran kuwa qurba jooga ah ee masaariifta ka bixiya horjoogayaashaas ee ka dhigay makarafoon qurba joogu iska leeyihiin. Wax tarka horjoogayaashaasi leeyihiin waxa ka badan dhibaatada ay keenaan.

Hadaba sidii ay xeegona xeega u noqon lahayd ilkana u nabad geli lahaayeen waa in xukuumado sharci u dejisaa howlaha dadkaasi qabanayaan ee dhaqanka la xidhiidha oo meel ay ku joogsadaan loo xariiqo. Sida hadda arimuhu u socdaan waa ninba meeshi ka dirir. Sidaasi waxay yarasay tayadii xukummada, waxayna xukuumado u dhowdahay in ay kuwaasi ku biirto. Wadanku wuxuu leehayay distoor, xeer ilaalin, dhaqan ilaalin, Golayaal Sharciga ilaaliya, iyo nidaam xukuumadeed oo kala dambays leh. Waxad moodaa in ay xukuumado talu ku gaadhay si ay u nabad gasho in ay dadkaasi ku taageerto wixii ay doonayaan oo ay u fuliso una dhibyarayso. Waar runi allay taqaanaaye, ha loo caqli celiyo kuwan isku sheegaaya musheekhda iyo horjoogayaasha ee ku dul nool ummada reer Somaliland. Xumaan iyo diimoqraadiyadi meel kuma wada noolaan karaan ee waa in la kala xadeeyaa. Shaqadii ay horjoogayaasha reeruhu lahaayeen waa in ay dib ugu noqdaan.

Qore: Maxaamad Cali Muuse ( Kanada )