RAXMADAADA ALAHAYOOW NAGU QABOOJI.

HANBALYO,HANBALYO, HAKINTA DIIWAAN GELINTA  SINABA SUURTO GAL UMA AHA SHACABKAAGII OO HARAAD IYO GAASHO U DHIMANAYA INAAN  BACAD TUBTO OO DIBDAABYO KALE U GEYSATAA.


haddii aanu nahay dhamaan shacab weynaha reer somaliland ee ku kala dhaqan dalka debediisa waxaanu si wada jir ah usoo dhoweynaynaa hakinta diiwaan gelinta ee laga dhawaaqay dalkii hooyo.

Arinkaas wuxuu ahaa mid aanu si weyn u tebeniyayney sababtoo ah marnaba suurto gal may ahay xaalada shacabkeenii ku sugan yahay inaynu diiwaan gelin iyo olole kale ku bilownaa  sababtoo sii ah marka xaqiiqada laga haylayo caqliga saliimka ahna laga shaqaysiiyo duruufta ka taagan dalkeena hooyo waa mid aad iyo aad u daran.

waxaa kaloo aanu u mahad naqaynaa uguna hanbalyaynaynaa madaxweynaha jsln mudane Ahmed siilaanyo ee isugu yeedhay golayaasha ay qusayso arinkani.

waxaa kaloo aanu iyagana u mahadnaqaynaa labada gole qaran iyo labada xusbi qaran ee aqbal arinkan isaga ah ee mawaadinimadu ku dheehan tahay ee u tudhay dakooda iyo dalkooda labada wayna ku mahadsan yihiin kulmiye iyo ucid go,aanka fiican ee ay la qaateen labada gole qaran.

Sidaa ka soo horjeedkeeda waxaanu canbaar dusha uga tuuraynaa xusbiga wadani ee isagu
ku qanci waayey arinkaas laysla qaatay ee loogu danaynayo shacabka dhibaatada badni maanta dul saaran tahay.

shacbka laftigooda waxaa looga baahan yahay inay kala ogaadaan madaxdoodu ka u damqanaya iyo inuu diirto diyaarka u ah.
illaahayoow gacmahayagu kor bay u taagan yihiin waxayna ugu taagan yihiin baryadaada
ee naxariistaada noogu deeq aaamiin.
wabilaahi tawfiiq Khadar Suleiman <khaalid55555@hotmail.com