Ramadaanta iyo Ramadkeeda! (6aad) – Diyaarintii: Guuleed Cumar Madar

guuleed MadarQormadii tan ka horreysay, waxa ay kaga hadalnay Mawduuc ku saabsan Qaladaadka dhaca inta lagu gudo jiro bishan barakaysan ee Ramadaan, Qaybtan maantana waxa aynu ku sii dhammaystiraynaa qodobbadii socday oo aynu sii dhamaystirayno.

J- Waqtiga afurka iyo qaladaadka dhaca.

22- Waaxaa qalada in marka uu eedaamo mu’adinku aad ku mashquusho cuntada iyo cabitaanka oonad kadaba odhan eedaanka mu’adinka.

23- Waxa qalada inaad aaminto in aad maalintii sonka is hilmaamsiiso , cabitaan ama cunno aad cunto.

24- waxa qalada inaad afurka dib u dhigto , waayo? waxa sunna ah inaad dadajiso afurka , adiga oo xaqiijiyay inay cadceedu dhacday.

25- Waa in aanad ilaawin ducada afurka , waayo? waa waqtiyada la aqbalo ducada qofku uu ducaysto.

26- Waxa qalada in aad dhayalsato tagitaanka masjidka si aad ugu soo gudato jamaaco salaada maqrib, oo aad uuga joogto cuntooyinka iyo cabitaanada kala duwan si aad u dhamaystirato.

27-Waxa qalada in aad ku afurto sigaar isagoo aan bannaanayba waqtiga ramadaanta iyo waqtiyada kaleba .

28- Waxa qalada in aad iska tan badiso cunnooyinka iyo cabitaanada , iyagoo sababaya inaad ka wahsato gudashada salaadaha.

29- Waxaa qalada in la diyaarsado cunnooyin aad u badan oo aan la dhamaysan karin lana daadiyo wixii soo hadha.

 

X- Inta afurka loo banneeyay iyo qaladaadka ay sameeyaan.

30- Waxa qalada gabadhu inay soonka iska sii wadato iyada oo uu ku bilawday dhiiga caadadu aan lana gaadhin afurkii.

KH- Waxa qalada qof dhibaatoonaya xanuun dartii soomaya isagoo ay u banaan tahay inuu cuno.

D- waxyaabaha la banaysto ee qaladka ah .

31- In la aamino in uu karaahiyo yahay cadayga  maydhashada iyo udgoonku , iyadoo marwalba loo baahanyahay in la is udgooneeyo ,ragga.

32-Waxa qalada gabadhu inay udug marsato oo ay u baxdo dibada udugaas oo cida ay ag martaaba ka urinayso . mana haboona arinkaasi ramadaanta iyo waqtiyada kaleba.

33- Waxa qalada in ay dumarku aaminan in ay banaantahay inay dhandhamiyaan cunnada xilliga ay diyaarinayaan , dambi ma aha lkn ! waa in ay ka luqluqdaan dhandhamada.

34- Waxa qalada in aad aaminto in ay caadi tahay daawashada ciyaaraha iyo filimaanta aan macnaha lahayn inta lagu gudo jiro ramadaanta ama waqtiyada kaleba .

35- Waxa qalada gabadhu in ay suuqa iska meeraysato iyada oo aan dan u lahayn.

R – salaada taraawiixda iyo witriga  qaladaadka dhaca.

36- Waa qalad in laga tago salaada taraawiixda habeenka uugu horreeya ramadaanta.

37- Waxa qalada salaada taraawiixda inaad iska dhayalsato ood kaga mashquusho wax aan muhiim ahayn.

38-Waxa qalada dadka qaar salaada taraawiixda hadalada ay ka horraysiiyaan ama nabi amaanka ay ku wada luuqeeyaan iyagoo wadar uugu wada dhawaaqaya .kamay sugnan rasuulkeenii naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee iyo asxaabtiisiiba alle haka raali ahaadee .

39- Waxa qalada inaad kitaab qaadato ood ka eegto halka uu akhriyayo imaamku salaada dhexdeeda . waayo? khushuucdii ayaa meesha ka baxaysa.

40- Waxa qalada inaad aaminto in salaada taraawiixda ama tahajudku ayna lahayn tiro xaddidan . way xadidanyihiin waana 11 rakcadood.

41- Waxa qalada in aad aaminto in salaada tahajudka ramadaanta oo kaliya uun la tukan karo. waa la tukan karaa sanadka oodhan , waxuuna waqtigeedu ka bilaabmaa, salaada cishe ka dib ilaa waagu dilaacayo.

S- Qaladaadka badanaaba dhaca.

42- In aad fadhiisato meelaha maqaaxiyaha ah ee lagu daawanayo muuqbaahiyaha oo ay ka socdaan waxyaabo aan bannaanayn diin ahaan sida; heesaha daawashada ah , fil.imaanta iyo dhamaan waxaan macnaha iyo aqoonta ku salaysnayn.

43- waxa qalada maalintii oo dhan intaad ka dhawrsanaato waxyaabaha xaaraanta in aad habeenkii markaad afurto samayso.

45- Waxa qalada inaad waqtigaag ramadaanta ku qadato inaad ka qaybgasho wareegyada kubada cagta , waqtigaaga oo dhan aad halkaas ku lumiso .

46- Waxa qalada gabadhu in ay maalmaha ramadaanta ama bisha ramadaan asturnato xijaabna ay sidato , marka ay afurto ama ay ramadaantu dhamaatana iska dhigto xijaabkii , asturnaantiina intaa ku dhaafto.

47- Waxa qalada in aad si kas ah ama ula kaca iskaga matajiso xunqaaciso maalintii marka aad soomantahay , waana uu jabiyaa soonka hadii saa samayso.

48- Waxa qalada in aad xaaskaaga iyo caruurtaada mooganaato inta lagu gudo jiro ramadaanta oo aanad ka war hayn , gabadhuna sidoo kale .

49- Waxa qalada inaad iska dhayalsato inaad akhrisato qur’aanka oo aanad mar qudhana dhamayn.

50- Waxa qalada in aad dhayalsato tobanka habeen ee uugu dambeeya ramadaan . waa inaad dadaalkaagii sii badisaa  si aad uula kulanto habeenka qadriga.

51- Waxa qalada in aad ka tagto cibaadada loo yaqaano ” ictikaafka”  waa sunne ka sugnaaday rasuulkeenii muxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, oo uu inagu adkeeyay waliba.

52- Waxa qalada in aad habeenka (27) oo kaliya aad cibaadaysato salaadahana aad timaado adoo aaminsan in habeenkaasi yahay habeenka laylatul qadriga.

53- Waa qalad dadka aaminsan in aan ramadaanta inta lagu gudo jiro aan la is guursan karin ama aan la aql gali karin , wayna banaantahay.

Lasoco qaybaha dambe.

Ilaahaybaa mahad leh.

Qalinkii:Guuleed Cumar Madar.

Guuleed_madar@hotmail.com.

Frankfurt, Germany.