Rajo Qaribto (Qabyaalad)

Laye: niyaw Tiinoow tobaadkan waxa uu madax weynuhu sameyn doonaa isku shaandheyn, xilalka qaadis iyo xilal magacaabisyo dhawra, reerkeenu laba wasiir , dhawr wasiir ku xigeeno iyo agaasimyaal dhawlra baynu lahayne tolow wax wara maka haysaa amaba suuqa dhago dhagaynta wax maka maqashay?

kuye: inder ciinlow horta hawli mayara, se inagu halkeeni inaynu kasii badsano mooyee hoos inaynu uga dhacno ha maleysan, dagaalbaynu ka xignaa haddii inaga layna soo faragaliyo, oo dee see laynoo soo faro galin wadankaba saw inagu si dadban uma maamulno.

 

Qabyaalad, qabyaalad, qabyaalad dadkii oo dhan qabyaalad baa lahadal hayaa, daqiiqad kaliya kama madhna doodaheena kuwa cilmiyaysan iyo kuwa caadifadaysan ba hakala reebin, marka meelaha caamka ah iyo goobaha warbaahinaha la joogo wa lays wada giijiya qabyaaladana laga dhiga ey la nacey oo qofwalba wuu heera oo canaanta cayna u miisa, balse marka mafrishyada gaarka ah iyo meelahaa afka laysku saarsaarayona waxa aad wakhti loogu lumiyaa reer qudhac iyo reer gaydhe waxey haystaa intasoo wasiir intaasoo shaqaale dawladeda halka inagu intaa aynu kalenahay.

 

Markii xil la magacaabayo ma waxaad moodey in qofka la qiimeeyo oo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo dadnimadiisa lagu doorbidayo, haddaad mooday waad khaldantahay dawladu door muhiimay ka qaadataa balse waxa intaa dabada ka riixaya shacabka oo mid walba madax–dhaqameedkiisii (boqor, suldaan iyo ugaas….) culimadiisa iyo cidkasta oo is yidhaa wa loosoo istaagayaa ayuu soo kalifayaa oo uu caadifad iyo cuncun qabiil kusoo talaalayaa amaba horey ugu talaalneydoo markaa loo sheego uunbu isagoon dhag la qabto laheyn dhankaa kasoo raacayaa.

 

Haa waa xaqiiq jirta inbadana lagu dulmay oo wax ay xaq u lahaayeen  lagaga duudsiyay markay aamineen in aqoontooda iyo awoodooda shakhsiyeed wax u goyn doonto se way ku hungoobeen. Haddaba waxa jira dad iyagu aaminay inay ka fogaadaan qabyaalada iyo iskala gurka oo ay wax ku doortaan aqoontooda, kartidooda iyo heerka saameyn ee ay ku yeelan karaan bulshadooda guud ahaan sidoo kalena lagu doorto. Maxey ku danbeeyeen dadkaasi inay noqdaan dad aan bulshada dhexdeeda qadarin laga siin wax qiimo ahna ku yeelan waaya taasi waxey khasab ka dhigtay in kii jeclaa qabyaalada iyo kii necbaaba isku si u adeegsadaan oo qof walba olole u galo sidii uu qayrkii wax ula qaybsan lahaa.

 

Ganacsiyada shakhsiyaadku leeyihiin (Private sectors) iyo dawladuba (public sector)  marka ay xafiisyadoodu shaqaale qaadaneyaan miisanka ugu horeeya ee la saaro waa qabiilka iyo cidii hadba cidaa hawshaa gacanta ku haysa ugu jilib dhaw, walow aaney lahayn xirfadii ku habooneyd iyo aqoontii looga baahnaa in lagu fuliyo hawshaa iyada ah, taasina waxey sabab weyn u tahay dhicisawga ku dhaca ganacsiyada laga yagleelo gayigeen iyo hoos udhaca hawl qabad yada dawladda.

 

Intaas oo kaliya kuma koobnee waxey caajis iyo wahsi badan ku abuurtaa ubaxa wadanka usoo baxaya niyadii ay cilmiga barashadiisa iyo baadhidiisaba u hayeen, bal illaah ban kugu dhaarshee waxaad suureysaa ardey dadaaley oo hadh iyo habeen usoo jeeda sidii isagoo ka midha dhalinaya cilmigii u bartey dalkiisa iyo dadkiisa wax ugu soo kordhin lahaa haddii ardey aan waligii dhuuxin oo aan dhuganin hal layidhi shahaado madhan oo aan wax alla wax haba yaraatee ka hooseeya jirin sita inta gacanta lasoo qabto kursi cad oo dhidid iyo orod lagu kasbado aayar uun layidhaa fadhiiso, bal kii mutaystay haddii la baal mariyo muxuu sameynayaa.

 

Niyad jabka halkaa kasoo gaadha aawadii waxa laga yaaba inuu  tahriibo naftiisana khatar galiyo ma khaldana oo wadankiisii ayuu cadaalad ka waayay cid alla cid uu uga caban karo Illahay sokadii majirto, bal wataase markii dadkii hal-abuurka lahaa (Creative) caynkaa loo galo yaa ugurmanaya wadankan baaba ay.

 

Dadka wadanka ku dhaqani waxey leeyihiin xuquuq isku mida si simana in wax loogu qabto ayey tahay waajibka saaran hadba xukuumada xilka haysaa, isku cashuur baa laga qadaa haddana waxaa xaqiiq jirta ah in deegaano badan oo aad uga fog magaalo madaxyada in aaney lahayn hal xarun oo ah xarumaha caafimaadka ee lagu xanaaneeyo hooyada iyo ilmaha (MCH), goobo laga barto waxbarashada aasaasiga ah iyo meelo laga cabo biyo nadiif ah oo caafimaadka dadka aan halis galineyn, halka deegaanada qaar iyagoo isku dhaw ay ku yaalaan ilaa shan (5) xarumood oo lagu xanaaneeyo hooyada iyo ilmaha (MCH),  iyo sidoo kale goobo waxbarasho oo tiro badan. Bal maxey kuwani galabsadeen ee ay kuwan kale uga sad badsadeen miyaan khayraadka wadanka iyo waxqabadyada horumarineed loo sineyn.

Dadkii waxa iska dhex milmay qabiil iyo qabyaalad, qabiilka in laysku garto oo laysku qaraabeysto (laysku xidhiidhiyo) weeyaan oo Illaahay (SW) ayaa quraankiisa inoogu cadeeyay, lakiin qabyaaladu waa nooc kamida musuqmaasuqa waxaaney cadaw ku tahay horumarka, cadaalada, dhaqaalaha, waxsoosaarka iyo dhamaan waxkastoo bini aademku ku horumari karo kuna liibaano if iyo aakhiraba.

 

Garan maayo xaajada balse haddii aan indhaha lays qabaneyn qabyaaladu waxey ahayd wax soo jireena guud ahaanba gayiga soomalidu dagto oo sheekooyin horeba waynu ku hayna Gun iyo Gob, Laandheere iyo laan gaab, laakiin somaliland waxey aad iyo aad ugu xoogaysatay laxaad aad u badan iyo cudud balaadhan ku yeelatay shantiii sanno ee ay uu xukuumada kulmiye haysay xilka, sida aynu lawada soconona markii ololaha doorasha ee  lagu doortay ay ku jireen waxaa aad loo hadal hayn jiray dimuqraadiyada iyo in kulmiye aanu qabiil aheyn ee ay cid kasta ku jirto. Imika haddaa maxaa khaldamay, bal adba.

 

Haddaba waxa loo baahanayahay in lagu sameeyo cilmi baadhis sax ah oo taabaneysa waxa kor u qaadey qabyaalada oo heer gaadhey inay saameyso xataa Jaamacadii wadanka oo aynu lasoconey tii ka dhacdey Jamacada Qaranka ee University Of Hargeisa oo salka ku haysay arimo la xidhiidha qodobka aynu qalinka ladul taagneyn.

 

Allaa Mahadleh

 

Hibo Ciise Maxamed(basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com