Ragga Xabsiyada/Jeelasha soo Marey (1) – Ceelaabe

Dad badan oo Aduunyada caanka ah ama ka soo Ahaan Jirey Ayaa taariikhdooda marka laga waramaayo waxa ku Jirta sannado badan oo ay ku Jireen ama ku xidhnayeen Xabsiyo iyo jeelal kala duwan.Dadka caanka ah isla markaasina Masuuliyiinta siyaasada ama madaxda  u badan ayaa qaar badan oo ka mid ahi waxa ay wakhti ku soo qaateen Xadhig dheer ama mid gaaban oo ay ku Jireen Xabsiyo aan qaarkood u wanaagsaneyn xuquuqda aadamiga.Aqoonyahano badan,Dad maalqabeen ah,Siyaasiyiin,Culimada diinta taqaan,iyo dad shacab ah intaba waxa noloshooda ku soo mari karta Dharaaro ay Jeelasha ku soo qaataan.Dad Mucaaridka ku ah Talis ama xukumad,Kuwa mucaaridka ku ah Xisbiga wadanka u taliya,Dadka Mudaharaadyada dhiga,Kuwa u hadla baahiyaha dadka kale.Dadka maskaxda badan ee Fikradaha ka geysta sida Masuuliyiintu shaqada u gudato,Dadka Qoraalada ku dhaliila ama kaga hadla baahiyaha Jira ama dhaliiisha dawladaha,Dadka Hanti lunsiga badan ama Fadeexadaha lacagtu ku badan tahay Ayaa ka mid ah kuwa sida fudud u soo taaban kara Dhismayaasha Jeelasha ah ee Xabsiyada dadka lagu hayo loogu Yeedho.

Maxaa dad wanaagsan lagu xidhey ama lagu soo Dhibey Fikradaha nolosha ay ka aaminsan yihiin ama Shaqooyinkooda ama Qorshayaashooda oo la diiday kuwaasi oo loo arko in ay ka soo horjeedaan danaha dad kale oo iyaguna dano kale ku qaba shaqada ama xilalka siyaasada ama si guud arimaha bulshadaba.Maxaa madax badan oo taariikhda wadamada Africa ama Asia ku jirta laga soo Helayaa in lagu xidhey ama lagu dhibey Afkaartoodii la xidhiidhey sida laga yeelaayo hab maamulka arimaha bulshada.Dadkii bulshada xidigaha u ahaa ama ay ku dayan laheyd Ayaa qaar badan laga xidhayaa ama la dilayaa iyada oo kooxo kale u arkaan kuwo cadow ku ah danahooda.Dad badan oo xabsiga ku qaatey sannado badan Ayaa markii ay xabsigii ka soo baxeen halkii kasii ambaqaadey shaqadii ama Afkaartii markii horeba lagu xidhey iyaga oo ku guuleystey in ay Madax ka noqdaan xukumadihii iyaga Xabsiga dhigey ama Jeelasha u direy.

Taariikhdeena Ayaaan ku heynaa Dad badan oo Dawladii hore ee Somalia ku xidhey Arimo ama qorsheyaal aan cadeyn oo Sharciga waafaqsaneyn.Dhalinyartii 70naadkii ama Horaantii 80naadkii madaxa la soo Kacdey Ayaa kala kulmey taliskii wakhtigaasi Cago jugleyn iyo Ciqaabo kala duwan oo Sababey in qaarkood ay ku qaataan Xabsiyada in ku dhow 5 sanno ama kaba badanba.Markaad taariikhdaasi dib u milicsato ama akhrido sida looga sheekeeyo ama dadka wakhtigaasi joogey kaaga waramaan waxaad ogaaneysaa in aaney jirin Wax sharci ah oo qofka lagu xidhi karo,hase ahaate ay Jirtey dad lagu diiidanaa sida ay ugu hadlayaan Danahooda ama u soo bandhigaan dhaliilaha iyo Cadaalad darada maamul ee wakhtigaasi Jirtey.Dad badan ayaa habeen madow guryahoodii lagala baxey iyada oo aan loo sheegin waxa ay galabsadeen,Kuwo kale ayaa lagu xidhey in ay ka hadleen wax danahooda ah ama horumarka dadkoodu ku xidhan yahay,Kuwo kale Ayaa isku soo taagey in talada wax laga siiyo oo lagu xidhey arintaasi,Kuwo kale Ayaa suugaan iyo erayo ku cabirey Fikirkoodii oo intaasi laga raacey laguna soo xidhey.Dad baa Car hadal lagu xidhey loona Direy Jeel ay ku soo qaateen tobanaan sanno in ku dhow.

Waxa wakhtigan nool dad badan oo Qeyb noloshooda ka mid ah ku soo qaatey Xabsiyada,Kuwaasi oo marka ay ka waramayaan sheega in aaney Jirin sabab sharci oo ay ku muteen Xabsigaasi dheer aan aheyn in ay Keliya Afkaartooda ku cabireen dareen hadal ama Suugaaneed.Inta la soo daayey ee haddana dib loogu Celiyey,Inta la soo daayey ee Afkaartii lagu xidhey halkii ka sii wadey kuna guuleysatay,Inta ku Jirta ee Xabsi daa,in loo direy, iyo Kuwa ku dhex Dhintey intaba waa lagu soo Maqley Taariikhda dadka Aduunka Qaarada ay doonaan ha ka dhasheene.

Xabsiyada ama Jeelashii ugu magaca weynaa inta badana dadka lagu xidhi Jirey Ayaa qaarkood lagu qorey buugaagta ay kaga waramayaan dadkii halkaasi tagey ama lagu xidhey loona Direy.Dadkii iyaga oo indhaha ka xidhan lagu dhex tuurey ama la  geeyey ee aan xitaa arag meesha uu sida rasmiga ah ugu Yaalo Ayaa weli qaarkood sii noolyihiin.Xabsiyada dad badan oo caan ah isla markaasina nolosheena  wax ka badalay ama wakhtigan bulshada u ah Xidigaha ay ku dhaadato ay soo Mareen Ayaa magac ahaan la xasuuusan yahay.Xabsiyada Heerka ciqaabta iyo Dhibaatadu ay ka tahay mid sareysa oo aaney oolin nolol Xuquuq aadami ku dheehan tahay Ayaa Jirey,kuwaasi oo marka ay ka waramayaan Dadkii soo Marey ama ku xidhnaa aad ka murugooneyso.Dad 15 ama 10 sanno Xabsi ku qaata ama lagu soo xidho iyada oo aan Sharci la horkeenin,Sifo sharci ahna aan lagu xidhin Ayaa badan.15 Years,5475 Maalmood,Kumanaan saacadood ku soo qaatey Xabsiga ayaa Jira.Markaan maqley nin 10 sanno in ka badan ku Jirey xabsi somaliland ku yaala oo aan wax sharci ah iyo xuquuqna ku helin isla markaasina haddana la iska soo daayey oo 15 sanno laga xareeyey nolosha magaalada haddana lagu soo daayey Waad ka xumaaneysaa.

Taxanahan waxaan kaga waraami doonaa Sida rag jeelasha ku soo galeen,Dhibaatada ay xabsiyada ka soo sheegaan,Ujeedooyinka dadka loo xidho,Kuwa wakhtigan jeelasha ama xabsiyada somaliland ka buuxa iyo Dhib iyo dheef waxa lagala kulmo nolosha iyo ayaamaha ama dharaaraha Xabsiga lagu jiro,Birahana dhinaca shishe laga joogo ama Maqsinka yar kelidaa aad ku xidhan tahay.Behind Bars.

La soco……………………