QOF mise Qaran!

Sida ku Xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland; Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil­saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha magacaabista Golahiisa wasiirada. Sidoo kale Qodobka 94aad waxaa uu leeyahay; Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go’aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.

Haddaba, waxaynu iswaydiinaynaa Xilka ay madaxweynaha ka kaalmaynayaan Wasiiradiisu? Waxaan suaashan la wadaagi doonaa bulshada Somaliland balse aniga waxay illa tahay in Wasiir walba ka masuul yahay mandate ka wasaaradiisa oo uu wakiil uga yahay Madaxweynaha loogana baahan yahay in Wasiirkastaa kasoo baxo ujeedooyinka ay u taagan tahay wasaaradiisu .

Haddan usoo noqdo dulucda qoraalkaygan, waxaynu wada ognahay xaalada cakiran ee wajiyada badan leh ee dalka ka taagan; haddii ay noqon lahayd Collaada afar jirsatay ee wali ka taagan CEELAFWEYN, kacdoonada ka socda  Bariga SANAAG iyo JABHADAHA ka jira Gobolkaa…..iyo waliba kacdoonka gobolada galbeedka ee baryahan dambe isasoo taraayey. Markay xaaladii gudaha dalku sidaa tahay, waxaa masuuliyadeeda leh wasaarada arimaha gudaha ee uu hormoodka ka yahay Mujaahid Maxamed Kaahin Ahmed oo ah shakhsi qadarin iyo sharaf iga mudan isla markaana ka mid ah ragii dhaliyey Xornimadan aynu kuwada naaloonayno hadda.haseyeeshee , ninba meel ayuu ku wanaagsan yahay ee haddii Mujaahid Kaahin Xaaladan dalka ka taagan xalkeed waayey, islamarkaana uu yahay Saaxiibka kowaad ee Madaxweyne Biixi waxaan ku talin lahaa in Wasaarad kale Mujaahidka ……….Khabiir ku haboona la  keeno Wasaarada Arimaha Gudaha oo xalkeed keena Xaaladahan cakiran. Madaxweyne Bixi waxaan leeyahay dalku waxa uu u baahan yahay gurmad iyo tallo badsi iyo inaad xulato xul! Aan xal ahayn. Waxaa kale oo intaa aan raacin lahaa in Khuburo kaala taliya  shan dhinac oo dalku manta baahi u qabo aad ku dhiirato inaad yagleesho sida; Amniga , Dhaqaalaha ,Siyaasada Arimha Dibeda iyo Xulashada Xubnahaga Wasiirada

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland