Qiimeynta Wasiiradaha Qaranka: Horumarka Dalka iyo Damanaanta Dadka – W/Q: Cabdiraxmaan Muuse

Cabdiraxmaan Muuse
Cabdiraxmaan Muuse
Cabdiraxmaan Muuse

1. Wasaaradda Maaliyadda:

Hordhac:

Waxa tan iyo maalintii  lagu wareejiyay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)dalka ka socda horumar dhinacyo badan taabanaya kaasi oo ay ka mid yihiin,Dhisida wadooyinka,Biriishyadda,Iskuuladda,deyrarka wasaaradaha, Kordhinta mushaharka Ciidamadda,Shaqaalaha Dawladda Iwm.

Ujeedo:

Haddii an ka hadlo Ujeedada hadalkaygan oo ku saabsan qiimaynta wasaaradaha dalka iyo waxqabadkooda dhabta ah waxaan maanta ugu horeysiinayaa  wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda somaaliland taasi oo qaranka u qaabilsan masuuliyad aad ubalaadhan oo ah soo ururinta dakhliga dawladda iyo Qorsheyntiisa.

hadaba waxaan muran ku jirin in Wasaaradda Maaliyaddu shaqaysay intii xukuumadda Somaliland ee waqtigan  Jirtaa ay joogtay  waayo waxa Iskaga danbeeyay wasaaradaasi Xilkeeda laba masuul oo qiimo badan qarankani ugu fadhiya hadaba Masuul C.casiis Maxamed Samaale oo ah wasiirka Maaliyadda waqtiga xaadirka xilka haya ayaa  bishii hore  26/12/ 2012waxa uu golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Horgeeyay miisaaniyad sanadeedka 2012 soo xerootay. Taasi  oo ay sameeyeen Maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyaddu mahadcelinteedana ay  leeyihiin maadaama ay  hawsha adag udhabar adaygeen qabteenna.mana aha runtii in layska indho tiro xaqiiqadda iyo waxqabadka xukuumadda.

Hadaba waxa miisaaniyadda soo xerootay ka muuqatay waxqabad  balaadhan oo lasameeyay lana  lasamayn doono sanadkan gudihiisa kaasi oo ay ka mid tahay:

1.Kala saraynta Derajadda Ciidamadda oo ay ku qaadan doonaan  mushahar kala sareeya

2.1500 oo ardey oo ka qalin jabiyay  jaamacadaha dalka  kuwaasi oo laga shaqaalaysiin doono gabi ahaanba wasaaradaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale wasiir C.casiis samaale waxa uu sheegay iney jiraan mashaariic horumarineed  kuwaasi oo aan hore qaarkood hore ujirin waxaana kamida:

1.Dab-Demis la soo Iibin doono  kuwaasi oo ka kala shaqayn doona ama lagayn doono magaalooyinka waaweyn ee ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

2.Kharashka Diwaangelint   kaasi oo lasiin doono Komishanka doorashooyinka qaranka kuwaasi oo samayn doonna diwaan gelin lagu galo doorashooyinka danbe ee soo socda si,aan wax musuqmaasuq ahi udhicin sanadkan gudihiisa…

3.Xisbiyadda qaranka  kuwaasi oo iyaguna lasiin doono lacag ay ku galayaan shirweynayaashooda dhawaan laqaban doono taasi oo laga kordhiyay  Intii ay hore u qaadan jireen.

Hadaba waxa halkaasi aad uga muuqata horumar laxaadleh oo ay samaysay wasaaradda maaliyadda Somaliland taasi oo qarankan uhaysa masuuliyadda balaadhan sida ka muuqata qorsheynta wasiirka iyo habka ay u taallo.

Waxa hadaba ah mid Amaan iyo bogaadin leh  la iskuna hambalyeeyo  ah waxyaabahaasi  aan hore usoo sheegnay oo uu qabtay wasiirka maaliyadda Somaliland  wasiir Samaale.

Talo-Bixin:

  1. In la kordhiyo cashuurta laga qaado Alaabta laga soo galiyo debadda ee ka baxda dalka sida,Basasha,Digaaga,Iwm kuwaasi oo faro ba,an ku haya khayraadka dalka iyo ganacsatada Beerata ama dhaqata kuwaasi aan hore usoo sheegnay.
  2. In guud ahaanba laxadido cashuurta raashinka ee maalin walba kordhaysa waayo ganacsatadu markay  dawladdu cashuur ku kordhiso shicibka ayay ka jaraan waxaana jira Dad danyar ah kuwaasi oo aan awoodin iibsiga alaabta ama raashinkaasi.

Gabo-gabo:

Ugu danbeyntii waxaan kusoo gabo gabaynayaa hadalkayga runtii haddii aynu xaqiiqo ka hadalno oo ay naan indhaha isku qaban waxaan gaadhnay horumar balaadhan oo dhinacyo badan taabanaya ayna samaysay xukuumadda haatan talada dalka haysaa uuna hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo maahana In runta la iska Indho tiro lana kala saaro mucaaridnimadda iyo duminta dalka lana Aflagadaynayo xukuumadda runtii waxaan halkan idiinku sheegayaa inaan Cid hadal itidhi jirin laakiin waxaan go,aansaday inaan xaqiiqada iyo waxa jira istusno maadaama aan dad reer Somaliland oo aan meelnaba kukala tagayn nahay sidaa iyo lasocod wanagaasan qaybaha wasaaradaha kale

 

Lasoco……………………………….

C.raxmaan Muuse Yuusuf

Tell:002522-4414124