Qiimaha Wakhtigaagu Waa Qiimaha Nolashaada!

Maxaad u nooshahay? Halkeed ku socotaa? Waa maxay micnaha Nolol? Maxaad ku soo kordhin kartaa aduunyada ama bay ada  aad ku nooshahay?

Qof walba wuu ordayaa, hami iyo himilo ayaa ka horreysa oo uu is leeyahay gaadh ama hiigso oo mar uun gacanta ku soo dhig,Wakhtigu Maaha wax inagu nool laakiin inaga ayaa ku nool bashar ahaan, u fiirso sida ay u noolyihiin dadka la yidhaahdo nolosha wey ka dhaceen, waxa ay laa’yihiin hamigii iyo himiladii ay ku noolaan lahaayeen.

Waa mawduuc kooban oo aan ugu talo galay inaan kaga hadlo ama ku iftiimiyo xogo iyo jawiyo kala duwan oo dhalinyar ahaan inagu xeeran, wali ma isweydiisay hadafka dhabta ah ee nolosha! Ama naftaada ma su’aashay su’aalaha kor ku xusan? Habeen adigoo jiifa lightkana damiyey dhowr su’alood ma isa sii weydiisay,Maanta maxaa kuu qabsoomay? Adigoo is rog rogaya niyada ma iska tidhi oo ma sii ballan satey bari si aad geerida la balantay oo aanad dhimanayn? Waqtiga ma ka faaidaysatey mise wuu kaa faaidaystey?

Sanadku waa 4 xilli, Gu, Xagaa, Dayr iyo Jiilaal, waana 12 Bilood, 48 Usbuuc iyo 356
Maalmood cel celis ahaan. Waxaa waajib ah, sanad markuu dhamaado qofku inuu isweydiiyo
sanadkaa baxay maxaan kasbaday ama korodhsaday? Maxaan faa iiday? maxaanse
khasaaray? Maxaa ii kordhay maxaa iga nusqaamay? Qofkaan taas is weydiinin
waa qof ka jaahil ah, Raasamaalkiisa iyo meeshe uu u socdo, oo aan rabin inuu
xaalkiisu tooso Jidka saxda ahna bidhaansado. shayga uqaalisan ee Qofku uu haystaa
waa Waqtigiisa iyo Caqligiisa, labadaa qofkii dayacana waa qof Dahabkii uu Alle
siiyay, aan ilaalinin, oo dayacay ama iska tuuray. Waqtiga qiimihiisa darteed buu Rabbi (swt) dadka oo dhan kasimay, oo qofna uusan kankale uga badinin Caqligana qofwalba inbaa laga siiyay waxaana layna faray inaan kobcino,
inagoo adeegsanayna iimaan, Cilmi, Fikir, akhris iyo dadaal si aan u horumarino
garashadeena ama Caqligeena.

Runtii waqtigan aynu ku noolnahay maaha sidii waqtiyadii hore, caruurnimadaadii waxaad ku hadaaqi jirtey bilaa camal ayaan ahay, Hadda maalina ma is tidhi yaa waqtiga joojiya aad hawlo kugu tuulmay kala tuurtide? Laakiin aad is waydiiside miyuu waqtigu kuu istaagayaa, Cadceedu way socotaa oo ma istaagayso, Maalintuna Habeen ayey isku badalaysaa Dayaxuna wuu soo baxayaa, adigana waqti ayaa kuu sii kordhaya oo halkaad joogtey shalay ma joogaysid, Hadaba sida aynu kawada dharagsannahay wadankeena dhalinyarta ku nool lama moodaba in uu waqti ku socdo, Habeen iyo Maalin Maqaaxi ayaaba laga wada sheekaynayaa oo laga hadlayaa wax aanay waxba dani ugu jirin, waxaad arkaysaa maqaaxiyihii oo camiran goobihii cilmiga iyo waxbarashada oo madow ama inta joogtaaba yartahay, logic ahaan markaad fiiriso maxaad isweydiinlahayd? Umadan jabkeedii miyaanu soo dhaweyn? Illeen umad marka la qiimaynayo waxaa lagu qiimeeyaa dhalinyarta oo lafdhabarta koobaad u ah wadan kasta,hadaba  hadii dhalinyartii fasahaado oo xumaato oo ay marin habawdo Umadaasi waxay cagta saartay jidkii guul darada waana hubaal in ayna sii jirayn

Nasiib darada maanta ayaa waxay tahay Jiilkan kacay Aduun iyo Aakhiro halkay joogaan isma oga! Dhalinyar ayaa wada hadlaysa waxayna ka hadlayaan Mawduuc aan habayaraatee wax dani ugu jirin  waqtiga ugu badana waxay galiyaan Hadallada aan waxtarka lahayn,sida xalay yaa ciyaarayay caawa yaa ciyaaraya ma daawatay hebel waa nin gaala oo jooga yurub oo wadankiisii iska jiheeyay si uuna ugu mashquulin wax yaabaha la yaabka leh waxaa kamida mid baad waydiinaysaa su aal diiniya ama asxaabihii mid kamida wuxuu kuugu jawaabayaa waar ma aqaan anuu! Maynaan ahayn bulsho muslina maxaa inaga araday diinteenii iyo dhaqankeenii? Miyaanayse ceeb kugu ahayn inaad nin gaalana u abtiriso abtirsiintii nabigaagana NNKH aad garan waydo?

Akhriste dadka ,diinta iyo dalkuba  qofka ay sugayaan waa adiga ma jirto cid kale oo samada kasoo dhacaysa ama meel kale kaaga imanaysa oo wax kuu qabanaysaa aduunyadan maanta la joogana iska daa in wax laguu qabtee intaad samaysatay ayaa lagaa burburinayaa hadii aanad lahayn maskax iyo muruq kugu filan oo aad ku difaacato waxaad samaysatay  Waxa meesha taala ee loo baahanyahay waxa weeyi sidaynu u baranaa mase ognahay Qiimaha iyo wanaaga aan la soo celin Karin ee uu waqtigu leeyahay? Shalay ku dhaafteye, maanta maxaad sugaysaa, runtii kii cilmiga lahaa waxaa la moodaa inay hafiyeen kuwii kale, Mise adaa wali ku jira xaraabaysigii oo isma ogidba inaad Masuul tahay?

Macaanka iyo qiimaha waqtiga waxaad dareemi kartaa marka aad dib u jalleecdo ee aad aragto jidkii qodxaanta lahaa ee aad karti, geesinimo iyo Garab waalidba kaga soo gudubtey, waxaaba la moodaa inaynu baal marney xadiiskii Rasuulkeena Muxammad NNKH laga soo wariyey ee ahaa,”wallahi midkiin Iimaan sax ah Malaha illaa waxa uu naftiisa la jecel yahay walaalkiina la jeclaado”. Waa run oo taas jidkeedii ma hayno, oo iska daa qof aad muslinnimo walaal ku tihiine reerkiinii ayaad waxa wanaagsan kala dhuumanaysaaba waqtigan ,halkan lagaa fuushan yahay meel kale maaha waa halkay u dhimatey! Oo tolow waa halkee, maalina ma ku fikirtay saxiibkaa buug fiican oo uu akhristo u qaad ama u iibi? Ileyn waadiga qaadkaba u qaadee.

Muslim ayeynu nahay, bal car wiilka aan xaaska lahayn maanta muxuu ku hamiyaa oo uu waqtiga galiyaa badankiisa?

Ma cilmi Alleh dartii uu u barto? Ma heblaayo siday kuu jeclaan lahayd? Ma qabyaalad iyo munaaqad? Ma xan iyo been? Ma qayil iyo maqaaxiyo uu ka sheekeeyo?

Alla badanaa inta waqti fiican haysata een garanayn siday uga faaidaysan lahaayeen, badanaa inta xaraabaysi ku jirta ee sidaa ku baaba’day, hadaan sidii odayaashii hore gabay wax ku cabiri karo, maxaan gabayo tira badan ku cabiri lahaa marxalada maanta, waayo waxaan dareemayaa wax yaabo badan oo inagu xeeran cidna aanay juuq iyo jabaq u lahayn oo indhaha uun la isku wada daawanayo,  Mid mid saxayaa ma jiro, mid walbana isagaa isla saxsan!

Yaanan Akhriste waxba indhahaaga in badan sii daaline waxaan ahay wiil dhalinyar ah kuna nool magaalada berbera, waxan ugu talo galay mawduucaygan inaan ku wacyi galiyo bulshada gaar ahaan dhalinyarta da,da yar inay waqtiga ka faa iidaystaan waayo waqtigu waa qaali mana soo noqonayo maalinta wal iyo saacada wal iyo ilbidhiqsiga yar eeku dhaafaaba cimrigaaga ayuu ka go anyahay oo waxaad u sii dhawaanaysaa aqalkaagii kale ee aad ku lahayd aakhiro ama xabaasha oo ah hoyga dhabta ah ee dhamaan la galayo Kolay markaad mawduucan akhrisato waxaad is waydiin doontaa oo muxuu odayaashana ugu soo dari waayay qoraalkiisa ma dhalinyar uunbaa wadanka ku nool?

Oday waxba laga sugi maayo ee waxaa halkaa kaaga cad in qofka la door biday ee lagu xisaabtamayaa uu yahay adiga(dhalinyarta), Mushkilada ugu weyn ee ina haysataa waa qofkii creative ka ahaa oo meel kale maanka iyo hamiga siiyay! Tolow waa halkee? Meel yar oo fudud hadaan ka soo qabto caawa markaad qolka madawsato waxa ugu horeeya ee kugu soo dhacayaa waa maxay?

Sidaan wax u arkayo hadaad iila aragtid waad dareemaysaa faca mushkiladaha dhalinyarta haysataa intey leegtahay,

 

Aan soo gunaanado mawduucan waxanan leeyahay cut the time before it cuts you ka faa iidayso waqtiga inta aanu adiga kaa faa iidaysan.

 

Qore: Sacad Muxumed Cali

Sacad2004@hotmail.com