Qarannimadu waa Deeq u baahan in la wada Daryeelo

 eng“Qarannimada Jam. Somaliland  waa deeq iyo darajo RABBI inoogu deeqay oo innaga mudan inaynu dhammaanteenba daryeelo. Qarannimada iyo wada-jirku waa sida keliya ee aynu Qaran jira ku noqon karno.”

Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u ogyihiin oo ay u arkaan in Bulshada Caalamku ay iska-indha-tirayaan oo ay is-diidsiinayaan horumarka iyo dawladnimada buuxda ee ay ummadda JSL kartidooda iyo awoodoodu kula soo baxeen. Beesha caalamku waxay indhaha ka lalinayaan rabitaanka ummadda JSL iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka. Halkii ay bulshada caalamku ummadda JSL u abaal-gudi-lahayd ee lagu abaal-marin-lahaa aqoonsi iyo ictiraaf buuxa waxaynu aragnaa in beesha caalamku ka dhega adaygayaan rabitaanka ummadda JSL. Waxaynu aragnaa in bulshada caalamku ay kool-koolinayso Qaran Fashilmay oo ku saaqiday inuu ka soo baxo masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa ummaddiisa iyo beesha caalamka dhin kasta oo ay tahayba!

Nabadda, Xasiloonida, Dawladnimada, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda dalkeenna sida weyn uga hirgalay midkoodna deyn inaguma aha, Dalkeenuna uma Rahmana!  Sabir, dulqaad, dedaal, garashada togan iyo quluubta wada-jirta ee ummadda Jam. Somaliland ayaa keentay guushaa la isku quudhi la’ayahay.

Waxaynu ku jirnaa xilli ay si aad ah u kordheen hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo Gooni-isutaagga JSL. Arrinta maanta taagan ee ummadda Jam. Somaliland hortaallaa waxa weeye: Waan Jirayaa, iyo Jiri maysid!!  Waxaynu ka wada dheregsannahay in dalkeenna lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba ah. Weerarradaa waxaa horseed ka ah Dawladda itaalka daran leh ee dunidu soo mal-maluuqday balse dadkeeda aan haba yaraatee ka haysanin wax aqoonsi iyo ixtiraam ah.

Waxa xusid mudan in Daba-dhilifyo iyo damiir-laawayaal kula degaan iyo haybba ah ay yihiin shakhsiyaadka ay xukuumadda guul-darraysatay ee Soomaaliya ay u adeegsato fara-gelinta qaawan ee ka dhanka ah Qaranka Somaliland. Dadka ku nool dalka Soomaaliya, muddo 22 sano ah ayey waxba ku heshiin waayeen oo ay wax walba isku khilaafsan yihiin. Waxa jirta hal arrin oo dadka ku nool dalka Soomaaliya ay dhammaantoodba ka siman yihiin amaba ay isku raacsan yihiin. Taasoo ah: In aanay Jam. Somaliland ka go’in dalkii ay ka mid ahaan jirtay oo aanay noqonin Qaran Madax-bannaan oo bulshada caalamku aqoonsan tahay!

2. Dareen-Wadareed Waddaninnimo oo midaysan ayaa Dal lagu dhisaa

Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay ka siman-yihiin, kaasoo muwaadin walba ku qasba inuu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba uu siiyo Dalka iyo Qarannimada. Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba shay oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyadduna waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada jirtaa waxa weeye in Dareen-Wadareedka Waddaninnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso uu bulshadeenna aad ugu ku yar yahay, halka uu Dareen-Wadareedka Qabiilka oo Qarannimada u cadow ahina uu aad ugu badan yahay ummaddeena.

Haddaba, bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qaban karin wada adeegsato, waxaa hubaal ah in jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan uu INA DAANWEYNE yahay!!

Waxa ila quman in Bulshadeenu guud ahaan, gaar ahaanna Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Saxaafadda ku ab-tirsada JSL  ay kala saaraan Mucaaridnimada Xukuumadda talada haysa iyo waajibka Muwaadinnimo ee Dalkooda ka saaran.

Karaamada, Sharafa, Wadajirka iyo Is-fahanka Ummaddeenu waxay ku jiraan oo saldhig u ah; marka hore in aynu innagu dhexdeena is-aqoonsanno, is-qirno oo aynu is-qadarino. In aynu is indha-buuxinno oo aynu isku bogaadinno wixii wanaag iyo horumar ah ee innoo soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran) isla markaana aynu iskaga garawno wixii gar iyo dawba ah, oo la saxo wixii dhalliil, caddaalad-darro ama hagar ah ee dhexdeenna jira. Waa astaamaha xilkasnimo iyo tilmaamaha togan ee bili kara tayada ay ummadi leedahay isla markaana kobcin kara dareen-wadareedka wadaninnimo iyo dal-jacaylka ay asaagood ku beegsan karaan.

3.   Ha lloobin ahaanshahaaga Ummadnimo iyo waayihii adkaa:

Waxa lagama maarmaan ah in ummadda Jam. Somaliland  aanay illoobin ahaanshaheeda ummadnimo iyo taariikhda halgankeeda. Waa inaynu mar walba  xasuusnaano waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno.  Miyaanay ahayn nasiib darro inteeda le’eg marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay!! Markaa, saw ma muuqato  in aanay  ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii adkaa ee shalay soo maray?

Waxaan aaminsanahay aadna u soo dhaweynayaa dhex-dhexaadnimada Saxaafadda iyo Cabbiraadda Fikirka xorta ah. Waxa kale oo aan soo dhaweynayaa in aan laga aamusin wixii ay xukuumaddu ku qaldan-tahay ee la toosiyo, iyada oo laga wada duulayo wixii dalka iyo dadkaba danahoodu ku jiraan. Laakiinse waxay ila tahay inaanad xor ahayn marka uu dalkaagu ku jiro xaalad adag oo lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba leh, taasoo lagaga soo horjeedo jiritaankiisa iyo madax-bannaanidiisa labada. Haddii aad tahay muwaandin aaminsan oo ku qanacsan ahaanshihiisa ummadnimo iyo Xornimada iyo Gooni-isutaagga Jam. Somaliland, marka ay dalkaaga la soo deristo xaalad adagi, waa masuuliyad ku saaran inaad garato wixii uu dalkaagu waajib iyo dawba kuugu leeyahay iyo wixii kula gudboonba.

Qarannimada Jam. Somaliland  waa deeq iyo darajo RABBI inoogu deeqay oo innaga mudan inaynu dhammaanteenba daryeelo. Laba arrimood ayaa ummadda Somalilad la gudboon: inay QARAN JIRA noqdaan iyo inay dib u noqdaan! Qarannimada iyo wada-jirku waa sida keliya ee aynu Qaran jira ku noqon karno. Waxaan ummadda u soo jeedin lahaa in aynu ka digtoonaanno in innagu aynu isku mashquullo oo aynu iska daba shaqayno. Aynu dhammaanteen ka wada hawl-gallo difaaca dalka af iyo addinba. Waa inaynu u jeesanno sidii aynu cadawgeena noocyada badan leh aynu ugu midoobi lahayn isla markaana aynu si wada-jir ah ugaga midho dhalin lahayn qaddiyaddeenna.

Guul iyo Horumar iyo Ummad qalbiga iyo maankaba ka midaysan.

Wa BILLAAHI Tawfiiq

 

W/Q: |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|