Qaran mise Qabiil – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Qaranimada sahal laguma keenin dad baa  dhiigoodii hurey, kuna bixiyey  hantidoodii, kartidoodii,  iyo weliba naftoodii qaaliga ahayd, iyagoo isku duubana ka doortey midnimo iyo wadajir si ay iskaga xoreyn lahaayeen  gumaystahii madoobaa ee dalkeena 21 sanno ku amar-kutaag laynayey ee boqolaal ka kun ee shacab ahna  xasuuqay.

Xoraynta kadib, waxaynu ogayn dhibaatooyinkii dagaal ee dhiiga badani ku daatay ee dhexmaray beelihii xoreynta ku midaysnaa iyo saamaynta ay ku yeelatay dalkeenii curdinka ahaa taana waxaynu usoo joognay dadaalkii iyo kartidii xalinteeda ay u galeen waxgaradkii iyo odayaddii( guurtidii) . Waxa talaabooyinkaana daba socday heshiisiinta iyo walaalaynta beelihii halkaganka ku jirey iyo beelihii kale ee dalkeena alle inagu wada uumay ee dalku inag dhexeeyo ,kuwaasoo  rejimkii siyaad bare ina kala dhex dhigay colaad qabiilnimo ku dhisan oo ahayd “qaybi oo xukum”.

Isbedelkii labaad ee dalka ka dhacay waxa uu ahaa bishii May 1993, shirkii Boorama ee masuuliyada Qaranka loogu doortay Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal AHN. Waxaa hubaala in markasta oo loo hawgalo arin dhisid iyo horumar qaran inay garabsocoto ficilo lidi ku ah oo ay maleegaan dad aan jecleyn wanaaga iyo geedi socodka dhidib u taagida Qaranka . Sidaasi awgeed, waxaynu lawada soconey colaadihii iyo dagaaladii qabiilka ku salaysnaa ee lagaga hor yimid hamigii iyo hiigsigii Marxuum Cigaal sanadihii 1994 illaa 1996. Marlabaad, markii lawada dareemay xanuunkii iyo riiqdii colaadaas waxay waxgaradkii iyo odayaashii u guntadeen inay dalka kusoo celiyaan deganaansho iyada dib la iskula jaan-qaaday shirkii Hargeysa ka dhacay sanadkii 1997.

Aftidii Dastuurka Qaranka ee dhacday sanadkii 2001, ayaynu si buuxda u dabakhnay QARANIMADII , markii aynu qaadayna Dastuurkeena waxa la la isla qaatay in dalka lagu dhaqo nidaam dimoqoraadiya oo ku dhisan habka Axsaabta badan . Dadaal badan oo madax iyo shacaba loo wada galay in laga midho dhaliya nidaamkan dimoqoraadiyada waxaynu ku guulaysanay in aynu hirgalino doorashadii u horeysay ee Axsaab lagu tartamo sanadkii 2002.  Sanadkaa illaa 2010 . dalka waxaa ka dhacay 4 doorasho oo si nabada inoogu dhacay ama qabsoomay kuwaas ay guusheeda ay ku suntan yihiin Shacabka Somaliland guud ahaan.

Seddexda marxaladood ama maamul ee ugu horeeyey ee dalku soo maray May 1991 illaa  June 2010. waxaynu ka warqabnaa in labada marxalo ee hore hirgalinteedii uu dhiig badani  ku daatay oo ay dagaalo ay dhaceen, taas oo salka ku haysay Qabiil; balse, marxaladii sedexaad waxaynu kaga badbaadnay casharadii aynu kasoo baranay labadaa marxaladood ee hore, ee may ahayn mid ku timid dadaal iyo karti cid gaari lahayd.

Marxaladan afraad oo bar-bilawgeedu ku beegnaa june 2010, waxay ahayd isbedel dhaba oo shacabka ka yimid,islamarkaan hogaankii cusbaa ee talada la wareegay ay ka go’nayd in uu dalka gaadhsiiyo horumar iyo aqoonsi buuxa,iyada oo ayna cidi dafiri Karin horumarka bulsho , dhaqaale iyo siyaasadeed ee mudada labada sanno iyo badhka ah dalka ka hirgalay taasoo qabsoomideeda ay iska leedaha xukuumadan uu hormoodka ka yahay Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo)

Ubucda ujeedadayda aan usoo noqdo; dal aduunka oo idil dadkiisu wada hagaagsan yahey ma jiro, dowlad waliba dadkeedu dad fiican iyo dad xun bey isugu jiraan, sharci ay isku xukumaan bay sameysteen sharcigaa eyeyna ku kala danbeeyaan bal dowlada china eega dadkeedu waa 1.3 Biliion, Indiana dadkeedu waxuu gaadhayaa 1.12 Billion, dadkaa faraha badan sharci adag bey sameysteen isaga ayaa lagu dhaqmaa, waana midaa mida shacbigeenu looga baahan yahay inay ixtiraaman sharciga aynu dhiganay,dawlada aduunka ugu dad badan oo china iyo mida ugu dadka yar oo seychelles ah sharciga ayaa isku haya. Sidaa awgeed, waa in aynu inaguna shacab ahaan u hogaansano sharciga iyo dastuurka aynu dhiganay. Doorashadan shanaad ee Golaha degaanka ee qabsoontay Nov 2012, waxaa kasoo baxay mashaakilo qabiilka salka ku haya , waxaana inaga xoog batay reernimadii oo waxaynu illawnay inaynu qabiil kasoo gudubnay oo aynu qaran usoo gudubnay, waxaa ka dhashay arintan mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac. Intii ku dhimatay ALLE HA U NAXARIISTO, inta ku dhaawacantayna caafimaad ayaynu u baryeynaa, haseyeeshee, waa natiijadda ficiladdaa foosha xun ee beelaysigu sababtay. Inaynu cashar cusub ka qaadano weeyi. Waxaase nasiib wanaaga in badan koodii dhacdooyinkaasi dhamaadeen hadda oo laxaliyey. Alle dib inooguma soo celiyo. Waxaana la inooga baahan yahay inaynu adkaysano qaranimadeena oo aynaan dib u raacin RAAD AROORYO.

Gabagabadii;  Ma QARAN ayaynu dooranaa Mise QABIIL? Waa su’aal furan balse anigu waxaan leeyahay; waxaynu nahay Qaran Qaan-gaadhay, Qabiil waynu ka baxnay., dib aynu u fiirsano masiibada qabiilaysigu hore inoo  dhaxalsiisey, oo aynu wax ku qaadano natiijada sharci la’aantu gayeysiisay dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya; masuuliyiinta mucaaridka ahna waxaan odhan lahaa hankiina iyo rabitaankiina kursi u mara sharciga, taas ayaad ku gaadhi doontaan balse abaabul shacab waa Maya. shakhsiyaadka qalin maseyrka maciin saday ee durbaanada shaydaanka iyo kacaayda ku foogan waxaan leeyahay dadnimadiina u tudha.

Wabillaahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa ,Somaliland