Qalbi Lula

Fiid cawl cawaysin dhaaf ah oo hir dhexe haybsanaya, una sii ruqaansanaya mir danbeed. Habeen isniinaad oo habeenkaan dhashay ku beegan. Farxad aan la alluubnaa walaac iga haystay, hindhisadii aad “hatishyoo” tidhi naxdintii farxadayda saaqday ka gadaal iyo ka dididdaadii hadhkayga, hareero jalleecaagii dhaqaaq joogsigii xigay. Horey u sikashadii raacday. Qaylo miciinsigaagii iyo qaboojintaydii, dareenkii ka dhashay ayaa is barasheedanna sal u ahaa. Iba furka sheekadeenuna halkuu ka tarraaxmay weeyaan. Maayadahan is ceshanaya ee is helay layaab ayay laabaheen ku tahay siday tahay. Isla jaan qaadkeenana fasaq ayuu ku hayaa nolosheenii hore. Naf bax ayay ku tahay cid kastoo ku naawilaysay adiga wada xidhiidhkeennanu. Waw! Halbawlayaasha dhiigga habaa haddeer ha go’een. Carr! Aan jidh dubaaxsha tuso. Nacalaba! Ibo furkii iyo tisqaadkiisuba muddo ayay nagu qaadatay. Xamdi Allee hirgal. Maantana waanigan kaaga hawaala warramaya. Arbacooyinka ayaan jacaylkan boodhka ka tunaa. Waan u saloollaa, shaahdaligana ka shubnaa. Intani waa dar darka aanu dheernahay filkanaga is loofsan. Kulan awliyaad ayaan u qabanaa dee. Is haleel ahaan firaaqo iskuma wayno. Dadkaas abqaalaya wax cuddoon ayaan nahay. Makeeki waa dibadda. Is maaweelintuna waa dhextaallada duruusta aannu dhanno.

Isu soo hilowguna casharadan ayuu ka abuurmaa kollay. Mawjadahan is biirsaday ayaan dhex sabbaynaa, oo marba doc u mushaaxnaa. Is barasho ka dib. Habeenkuu bukooday jacaylkayagu een is raacnay. Mid sannifaad badan inaad tahay waxaan ku bartay. Judhii aan lugta midig saaaray halka laga koro gaadhiga ee aan soo haabtay lugtaydii kale ee weehanaysay dibada. Isla markii aan u soo sikaday soo gacan qabashadaada, ayaad isha la haleeshay lixdanka soke ee halkaas kursiga salka ku haya. Indhahaaga ayaa ku xawilan. Waad buuftamaysaa. Yadna way yaaban tahay, hoosta ayay iska leedahay “alluu ba’nay yartu maxay kugu cuntay?” Huruuf ayaad igu heemisay idil ahaantay”waar nacasyaw inaga deji baska” ayaad igu tidhi adigoo sii haabanaya. Sidii ilmo sebi ahna gacanta tudh I sii siisay. “Mooji waxani in uu hinaase kaa yahay aad iigu baqayso, kollay waa baje aad ka qabto inaan kaa hulleelo” sidaas ayaan ku tallamay anigoo is macaashsiinaya kaana soo daba huluulanaya halkan aad iila kacday. Is aqoon ahaan qalbi lula muddo afar sanno ah ayaan is eeganaa. Si ahaana isla jaalnahay. Maalin iyo layl xidhiidh saacad saacad ah. Miridh miridh ama ishaa libiqsigeed ah ayaan u wada soconaa. Mid kastaba ka kale ayuu nabdiga ka naawilaa. Dad is teba oo is tirsada ayaanu nahay. Wax isku hayaana dhex yaallo kollay. Daf daf badnidayda ayaa sababta mararka qaar isa seeggayaga. Isu soohnaantayada jacaylkan kasheeda ku nabdoon ayaa siraada. Xifaalo ma waayo jacayl oo xagtimo way iska jiraan, xajiimahana sed inuu u helay ila tahay. xanaftana isagaa wata. Labadayaduba kuwo wada jir kaga gudba ayaan nahay arrimahaas. Jacayl hana qaaday dheh. Cishqiyo is biirsadayna dheh. Mararka qaar markay Qalbi luli ishaaqsato laba qof oo is jecel oo xidhiidhkooda aan ka warhayno way qarracantaa iyadoon ka xumaanshiiyo ahayn balse ah inaan ku dherersano kooda ana sidan ayaan ugu qalbi qaboojiyaa:”iyagu way isa sitaan, dar kalena way isa sudhan yihiin inaguna waynu isku soohanay, kuwo isku sidkan ayaa jira keenna ayaa u sita abid.” Muraaqoodka iga daa Qalanjo. Markaasay degtaa oo ka muusanawdaa waxan qalbigayga dhex coofaadha. Maya, way ku qabawsataa oo igu indho kuulataa. Haa, sidaas dheh. Manta waa jimce. Nasiimo ayaan ku jiraa. Karahii shaqada ayaan ka nasanayaa. Barxadda hore ee aqalka ayaan fadhiyaa. Koob shaah ah oo aan soo shubtay ayaa I hor ligan. Gacantayda ayaa marba si sasabaad ah kor usoo dhifanaysa. Afkayga ayaan hab ku siinayaa. Faruur yahayga ayaa fiiqsanaya carrabkayga ayuu sii hafinayaa dhuuntayda ayaa calooshayda ku habaysa. Iyaa? Waar bal ii kaadi.Taleefan ayaaba soo dhacay. Yaa ka lahee! Mise waa qofkii yaraa ee wacnaa gacanta ayaan la boobay. Qabtay.dhegta ayaan la ballaysimay. Hee mise waaba cod sallaxan. Codkayga oo saafi noqda markaan la hadlayo ayaa si haleel ah isu diyaariyay. In yar ka dib Jabaqda ayaan dhowrayaa, waan is dhiibinayaa codkaygana hoos ayaan u dhigayaa.

Taleefanka ayaan ku dhaygagsanahay, lana dhacsanahay soo wicidda qalbi lula. Xam-xam ayaan gurayaa oo codkaygu gariir sannaadh u eg oo sare u kacaya ayuu samaynayaa. Ereyo qalbiga xulaya xadantaynaya boogo la dhayo ayaa iswaydaar aanu isugu hibaynaa. Qalbi lula way la suuxsantay beer laxawsigayga iyo ammaantan aan xadka lahayn een kula dul kufayo sida kama’da ah. Mar waan maaweeliyaa, marna waan haasaawiyaa kolna cishqi feedhaha dhexdooda ka soo aroor doonta ayaan ku habaa. Jacayl aan xuduud lahayn ayaan ku abuuray qalbi lula. Maya waan ka samaystay. Jacaylkayaga xiisahiisa waxaan ka aloosnaa baraha bulshooyinka iyo taleefanadayada gaarka ah. Waan isla shawakhnaa intaas aan wada tallamayno. Cirkaas ayuu miraa jacayalkayagu, wada jooggayagana wuu ku tisqaadaa misana xulaa oo miirkiciyaa qalbiyadayada. Annagoon kala madhnayn ayaan isku soo boholyownaa, isku soo buseelnaa kool koolinna ugu hinqanaa jacaylkan xadkii cishqiga u sii carraabaya. Sidaas ayaanu wada jir u ilaalinnaa isuna dhaarsanay in midwalba docdiisa ka jiro. Sibiq isu barashadeenii jacaylkii ka abqaalmay,wallee axdi in la galaabuu in yar u jirsanayaa, misna qooraansanayaa.

Caku! si aan rabnay dheh. Manta waa maalin kale iyo qiiro kaleeto. Cirku waa aawan yahay. Cad ceed ay laydhi ku siddigan tahay oo kulul ayaa qumaati oogada sare ee jidhkayga ugu dhacaysa. dhulka ayaa uumi soo hibaynaya. Cagahayga ayaa dul tal tallaabsanaya wadada oo hanfi soo daynaysa. Intayda sare ayaa ku mashquulsan siday ula dagaal geli lahayd milicdan soo beegsansaysa madaxa. Shaqadii ayaan ka soo socdaa. Ma runbaa. Yaa? Wallee malaha maahee ma iyadoon biyo is marin. Shacab area ayaabay iiga soo xamaaratay qofkii wanaagsanaa. Halkii baan ku suuxay. Si kale kuma garatide qalbi lula sidan ayay maankayga ku tahay. Qalbi lula maankay xushaa, xaradhaamisaa. Cishqi is biirsaday awgii jal aanay naftu ka maarmin ayay sideedaas ku tahay. Johorad ifaysa oo Eebba qurux ku ligay weeye. Qof aanan qofaf ku doorsadeen ayay tahay. Inantaan jeclaaday bay tahay ee jacaylkaygii noqotay, kuna riyoodo inay raas ila degto, reer ila alkumto. Isna xanaanayno oo is xigsano inta suxulkayagu dhulka ka sarreeyo. Alle haygu simo yartaas. Macasalaama. W/Q: Abokor Jirde Cabdi. Email: AbokorJirde@gmail.com Hargaysa, Somaliland.