Qabyaaladii Qaran Doonka Ahayd!! (Xisbiga Waddani)

Xisbiga Waddani oo ka mid ah asxaabta Somaliland waxaan ka dhadhansaday inuu yahay mid qabyaaladii iyo qoloqoladii waayadii ina dhaafay soo noolaynaya oo u tafa xaytay inuu qof jaclaysi iyo qabiil jeclaysi ka dhigo xisbiga jiray muddo kooban oo saaxada siyaasada Somaliland raad-barad ku ah.

Waa xisbi ku dhaqma qabiil iyo soo dhawaysi qabiileed oo raba inuu qaran ku hanto siyaasad xumada uu ku soconayo taasina waa hogaanka iyo maamul xumada ku habsatay xisbiga raad baradka ah ee Waddani oo sabab uga dhigtay miciinsiga qabyaalada qaawan ee bilaa huga ah.

Waa kii gabaygii uu tiriyey AHU Abwaan Cabdilaahi Suldaan Tima Cadde Uu kaga hadlayey qabyaalada yidhi,

1dawladahaan laga qeyliyee qaaq wax kaga siiyey

2 nin waliba mar buu qaadan jiray qaanso iyo leebe

3 qarfo iyo marbuu seexan jirey qalanqal hoosteede

4 ha yeeshee quluub wada jirtaa qaniyo sheekoowe

5 qalalaase meel lau lumiyo qeylo iyo oohin

6 qoraxdii dhactaba teenu wey kala qaxeysaaye

7 qod la riday qudhaanjada gashaan qoob dad wa u halise

8 hadduu geed qalalo roobku waa uqamac kaliileede

9 qasdi jeeray wada yeelato qowlka ku heshiiso

10 qabyo weeye somaaliyeey qiiradaadaniyo

11 qof qalbi la’ quraankii uu akhriyey qaaf dheh ku haraadye

12 kutaabtaa sidii lagu qariyey qiil la’ aakhiro e,

14 qeyrkii ka hore waa ninkii qalay walaalkiye

Ujeedka gabayga oo noqonay in qabyaaladu ragaadin karto waxyaabo badan oo si adag lagu dhisay, Bulsho marka la rabo in la horumariyo waa in laga saaraa ajandaha qabyaalada iyo jeclaysiga qoloqolo waana mihiim inaad fahanto ujeedka ugu weyn ee aad kor ugu qaadi lahayd horumarka bulshadaada.Caqliga oo laga koraa waxay ka mihiimsantahay inaad caloosha iyo jidhka ka korto oo aad fahanto halbeega noloshaada iyo dardar galinta qorshayaasha naftaada bulshada reer Somaliland way ka kortay xiligii ay siyaasiyiintu u jeedin lahayd jihada uu rabbo siyaasigu.

 Xisbiga Waddani ee raad baradka ah waxa uu dardar ku xooji is leeyahay qabyaalada sidii xisbiyo guun ah oo siyaasada qaarkood ku qaan gaadheen uu iskula barbar dhigi lahaa nasiib darada haysata hogaanka iyo madaxda Waddani oo ah in talooyinka wax ku oolka ah ee ay waxgaradka,Aqoonyahanka,Culimada Iyo siyaasiyiinta kaleba ay u soo jeediyaan ay dhagaha ka furaystaan oo ay ka soo qaadeen taana ka maqlay taana ka siidaa.

Waxaan bulshada reer Somaliland ee fikirka xorta ah leeyahay aynu dib u eegno waayaha adage e qabyaaladu gaadhsiiso bulshada iyo waliba wax kasta oo la rabo in meel sarre la gaadhsiiyo, Xisbi danayste ah oo raba inuu gaadho yoolka ah madaxtinimo yuu ku meel gaadhin bulshada iyo maatida quutal daruuriga xarbinaysa.

Cumar C/risaaq Cali

Ayman.egal@gmail.com