Qabiil Ma Jiraa?

 

Waa suaal aan is waydiiyay.  Maalin ayaa niman dhalinyar ah anoo maqaaxi fadhiya ayay ila soo fadhiisteen iyaga oo ka cabanaaya qabiilkii meel xun ayuu marayaa, waxaan ku idhi adeer qabiil ma jiro, ma baryihii hore ee awoowyaasheen mise imika, wuu jiray barigii hore laakiin maanta ma jiro, maanta waxaa soo baxay qabaail cusub oo magaac leh, qabiilka siyaasiyiinta , qabiilka basaasiinta iyo qabaailka dadka  dadka waala ,Gaalkii saancadaalaha ahaa ayaa xabaashii u qoday qabiilkii  kuwaas  uu abuuray ee uu inagaga tagay ayaa iilkii ku hubsaday, maanta awrkooda ayuun bay ku kacsadaan oo danahoodya ay ku gaadhaan, maxastuna waa shidaalkoodii, waxa aan la yaabaa niman aqoon yahan isku sheega oo qabaail ka sheekaya, waxaan nimankaa u kala saari waayay inay (mental retarded) garaad gaab yihiin ama is yeelyeelayaan.  Waxaan  u soo taagnaa dhacdooyin badan, oday reerkayaga ah oo qabiilku aad ugu waynaa, markii wax lagu shubtay lana fahamsiiyay siday ciyaaruhu usocdaan sida uu isu badalay cirka iyo dhulka ayuu isu jiraa, siduu maanta yahay iyo siduu ahaan jiray.

 

 

Waxaan kuu sheegayaa maanta kii dad kuugu xigay ayaa hunguri ku siisanaya oo ku iibsanaya markaa qabiilka aad sheegaysaan xagee ayuu joogaa, nin odayshii dadkii hore  ee wanaagsanaa ayaa  waxa laga hayaa waar sadex nin oo ilmaadeer ah ayaanu ahayn yaa na soo sheegay, waxaa loogu jawaabay sadexdiina ayaanu mid  lahayn.

 

Oday maraykan ah, ayaa arimo aan ladoonin ka hadlay markaas ayaa weerar lagu soo qaaday, wuxuu yidhi waar  waa sidee maxaa lay lahaa dimuqraadiyad ayaa jirtay waa maxay waxaan shaydaaniga ah ee isoo weeraray, waxaa soo weeraray dadkii dadka waali jiray. Gabadh maraykan ah ayaa islaamtay markaas  ayaa ehelkeedii oo dhan ayaa gooyay, waxay tidhi (Islam is everything for me)islaamka ayaa waa wax walba ii ah.

 

Maanta markaad is barbardhigto gaalada iyo muslimiinta waxa uu baraarugu ku badan yahay gaalada oo aad u dareemay dadkan dadka waala ee shaydaaniga ah, laakiin nasiib darro hubkii ay kula dagaalami lahayeen mahayaan, ku wii haystay ee muslimiintuna way hurdaan nin caraba ayaa yidhi ( laa xayaata liman tunaadii) nololi kuma jirto kuwan aad u dhawaaqaysid.

 

 

Nur X Xiiray,

nur.hersi21@gmail.com