Qab iyo Quus

Sidadeedaba baniaadamka waxaa ku jira sifo iskaga abuuran oo ah han-weyniiyo qab taas oo aan cidna u gaar ahayn ee ay wadagaan dhammaan dadku, waxaana tusaale inoogu filan haddii aad qof ka doonaysid in uu wax ku siiyo waxaad jeceshay in si qarsoodi ah uu kugu siiyo adiga oo iskala hanweyn in ay cidi ku aragto adiga oo cidka kale wax marti uga ah , ku darsoo qofka miskiin ka ah ee tuugsanayaa marka si hoose wax loo siiyo lama niyad ah a marka kale ee iyada oo la arkayo wax la siiyo ,

arrinkanina maaha dhaliil cid ku ceeb ah ee waa dabeecad uu dadku iska leeyahay .

qoraalka inta sare waxaan u soo qaatay uun xusuusin ah isla weyni niyada aadmiga ku abuuran

Muddo haatan sannado laga joogo aniga oo maalin maraya jid aad u cidhiidhi ah oo ku yaalla magaalada Hargeysa,cad-ceeduna ay aad u kulushahay oo ay markaasi uun gaadhay waqtigii ay Soomaalidu ninka carabka ah wax ka sheegi jireen .

Waxa gadaal iga soo gaadhay nin wata Gaadhi yar oo ah nooca ay kaxaystaan dadka laxaadka lugaha naafada ka ah ee loo yaqaano (Gaadhi-curyaan) kaas oo xawaare ku soconaya inta itaalkiisu ahaa .

Jidka dhinaca aanu u socono ahayd daadeg/foorar ayaa u saamaxday ninkii baabuur curyaanka watay inuu isoo gaadho isla markiibana uu I dhaafo .

Marka uu waxyar uun idhaafay ninkii Gaadhicuryaanka watay ayaa waxaan dareemay san-qadh xoogan oo dhanka iga dambaysa iyaduna ka soo socota, waan eegay waxaanan arkay Gaadhi-dameer sida biyo kaas oo nin dhakada ka fuushani ee wataa uu si xoog leh u tumaayo dameerka, dameerkuna inta uu dhagaha laabay uu awoodiisii oo dhan orod ku iskugu keenay , isla jaleecistii labaad waxaan arkay isaga oo inta uu I dhaafay ku dhaw ninkii watay Gaadhicuryaanka oo hortayda sii socda , aniga oo

 isleh malahaa wayba is jiidhi ayaa markii uu muddo yar uu tar-tan koobani dhexmaray labadan gaadhi iyaga oo ku tartamaayey sidii ay kula heli lahaayeen waddada oo ahayd mid hal haad ka koobanayd awadeed. Ninka watay Gaadhi-curyaanka oo isagu haadka ka haystay gaadhi dameerka , balse uu arkay in ay ciyaartku dhawdahayin laga badiyo ayaa inta uu wadadii dhinac uga baxay oo uu hareeraha eegay yidhiBalo ku qaaday waar iga duuw bahalka ma ogoli in la maqlo ninkii Cabdi-curyaan gaadhi dameer baa jiidhay oo wuu dhintay diyaarad baa la dhacday oo mooyaane
waxa qoray Cumar Seerbiya