Ogeysiis la xidhiidha dibad bax balaadhan oo lagu qabanayo Brussels

Daawanaayow waa Dalkaagii

Ku: Dhammaan Qurba Joogga Somaliland ee Yurub

UJ: Ogeysiis la xidhiidh dibad bax balaadhan oo lagu qabanayo Brussels.

SSEUDallada SSE oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub ayaa iyada oo la shaqaynaysa afarta Jaaliyadood ee kala ah:

Jaaliyada Somalailand ee Biljimka

Jaaliyada Somaliland ee Faransiiska

Jaaliyada Somaliland ee Holland

Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka ayaa waxa dhammaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Yurub lagu wargelinayaa inay si bilan uga soo qayb galaan isu-soo baxa balaadhan ee lagu qabanayo magaalada Bruxells ee waddanka Biljimka.

Isu soo baxan oo ah mid muhimadiisa leh ayaa qabashada ujeedooyinkiisa waxa ka mid ah:

–         Inaynu xarunta midowga Yurub dareensiino sida ay muhiim u tahay in la taageero qaddiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

–         Waa fursad aynu rabno in Yurub xarunteeda aynu la wadaagno dareenkeena ku wajahan Somaliland.

–         Sidoo kale waxa uu baaq u dirayaa bulshada caalamka ee isugu imanaysa London si ay uga qayb galaan kulankaa loo balamay bisha May 7deeda, kaasoo ku magacaaban shir Soomaali loo qabanayo.

Ogeysiiskan oo hordhac ah ayaa waxa aanu idinka codsanaynaa in loo sii diyaar garoobo banaanbaxa inoo qorsheysan maalinta Khamiista ee bisha April ay tahay kow iyo tobanka (11.04.2013).

Wixii faahfaahin ama tafaasiilah ama macluumaad dheeri ah waanu idinla socodsiin doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee dallada SSE.