NIN QAB-WEYN IYO NIN QOONSIMAAD BADAN-BA QAANUUNKAA KA SARREEYA – Qormo Tooshka Ku Ifinaysa Sharciyadda Golaha Tashiga/Toosinta iyo Tafsiirka uu Distoorku Ka Bixinayo – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Waxa Intan Ramadaanta Bulshada Somaliland ku batay Hadal haynta Kelmada Gole Taas oo Ka dhalatay Unkanka Golaha Madaxa Banaan Ee Wada Tashiga iyo Toosinta Somaliland, oo lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa Bilawgii bishan barakaysan ee Ramadaan.

Waxaana Hadal haynta Kel madani sii xoogaysatay markii xubno ka tirsan Goleyaasha Fulinta (Xukuumadda dhexe) iyo Sharci dejinta (Wakiillada/Guurtida) ay soo bandhigeen aragtiyo ka dhan ah badheedhaha Golahan Cusub ee ku wajahan Aasaaska Unugan iyo In Dastuurku Xaq u siinayo Ka Tashida Rabitaankooda.

Qaddiyadan, Maxaa Sharciyadda Dalka iyo Qaanuunka la Xidhiidh-dhaa ka qabaan?

Falanqaynta sharci ee qaddiyadan oo Kale hore ayaa Bulshadeenu Ugu Maahmaahday, u fiirso bal Murtidani Macnaha ay inna farayso iyo Kalsoonnida buuxda ee ay Mudduciga ama Mud-daacalayga siinayo; “Waxa la yidhi Haddii Go’aaga Lagugu Qabsado, waa La Gar-naqsadaa”, haddii’se aad is barrixi weydo amaba gar-bixi weydo waxa aad ka dhigan tahay Sida Maah-maahdii ahayd “Nin Hullaab Xumi Inuu wax qarsanayo ayaa la mooddaa”, sidaas markaan leeyahay Halkan Go’aan ku riddi mayno, waxase aynu ka afeefanaynaa inaan Falanqayntannu kama turjumayn Xukun (Judgement) iyo Xaglin (Bias) ka dhan ah labada dhinac, keliya’se aynu ku dabbaqayno shuruucdeena inta ku dhereran oo keliya.

garyaqaan muuse yuusufHor iyo Horraanba aynu is weydiinno, Tafsiir noocee ah ayaa Qaamuuska (Dictionary) Af-soomaaliggu ka bixinayaa Magaca [GOLE],  Illaa Xadkee’se ayaa Sharcigu Ogol yahay In lala baxo ama Cidi ku Magacawnaato?.

Ereyga Gole ama Goleyaal, waa Magac dadku ka siman yihiin la bixistiisa (Lab iyo Dhedigba waa u bannaan yahay).

  1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay dana hooda ugaga wada hadlaan.
  2. Goob, fagaare.
  3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. (Tusaale ahaan Golaha Baarlamaanka).

Hadii Qaamuuskii Somaligu Sidaas Ku Fasiray Macnaha Erayga Gole oo ah Mid Aynu Isticmaalaynay Ka hor Nidaamka Dawladnimo, Sida ka Muuqata Tafsiirkiisa koowaad iyo labaad ee Qaamuskani   Ku Sharraxay waxa uu noqonayaa mid Micnihiisu ka fog yahay kana  qoto dheer yahay  Nidaamka Maamulka Dawladeed Halka uu Kaalinta 3aad uu Ka Soo Galiyay Nidaamka Maamulka Dawladnimo.

Erey-bixinta Sharci ee Magaca GOLE

Dastuurka ayaa u sarreeya Qaranka Somaliland waxa uu dhigayaa in Xeer kasta ama aragti wal oo   ka hor imanayaa [Dastuurku] uu yahay waxba kama jiraan, Dhammaan xeerarka dalkuna waxay ku ansaxmayaan waafaqista dastuurka.  Dastuurka Somaliland magaca Gole ama Golayaal uma gaar yeelayo Labada Aqal Baarlamaan iyo Waaxda Fulinta  oo keliya, Daliil cad waxa u ah oo Dastuurkuna ogol yahay in  Iyagana uu magacan  u yaqaan  Gole-yaal kale sida Gole  Gobol Iyo Gole Degmo, Akhri oo dhuux nuxurka Qoddobka 111aad ee Distoorka Qaranka   oo ka hadlaya Goleyaasha Gobollada Iyo Gola Deegaan”.

Gees kale haddii aynu ka Milicsano Macnihiisa Sharci, ma jiro Qoddob  Dastuuri ah oo mamnuucaya in Lala Bixi karo Gole, Halka Kuwa Dastuuriga ah Dastuurka Iyo Xeerarka Ka dheeganiba Ay Ugu Yeedheen Golayaasha Sharciga ah. Tusaale ahaan Markaad eegtid Xeer No:14 Eray-bixintiisa Waxa uu Si Waadax ah u Tilmaamayaa Magaca Golayaasha Qaranka Waxa uu u qoran yahay sidan:-

Golayaasha sharciga ah”: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala ah :- Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Iyo Golaha Deegaanka.

Waxa Kale oo Iyaduna Xeerkani Xeer LR 14/ 2000/2011 Inay Jiraan Goleyaal aan ahayn kuwa Dawliga ah.

 Saddexda Xusbi Iyo Urur Siyaasadeedyadii ku tartamaayay Doorashooyinkii Deeganka Waxa uu Xeerkani Ku Waajibiyay Inay Yeeshan Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed, Sida Ku Cad Qodobka Shanaad 5aad ee Xeerkan Xeer LR 14/ 2000/2011.

Waxa Kale oo Jira Hay’ado leh Magacan Gole oo aan dawli ahayn Sida Ururada Bulshada Tusale ahaan Dalada Ururada Dhalinyarada somaliland ee Sonyo Golaha Ugu Sareeya Waxa La yidhaahda Golaha Sare ee Dalada.

Waxaan filayaa Markaynu eegno Daliilyadan Sharci In aanay Dood iyo Muran Midna aanu ku jirin in magacan Gole Aanu ahayn mid u sugnaaday Labixistiisu Golayaasha Qaranka ee Dastuuriga ah, oo ay jaban tahay Dooda ay Xubno ka mid ah Golayaasha Qaranku Ku Durayaan La Bixista Mgacani, Halkooduna aanu Ku aroorayo Muran Siyaasi ah inay ku Weeraraan Golahan Cusub oo Noqday Mid Ku soo beegmay xili ay Mudo Dhaaf iyo Korodhsiimo Badan ku Fadhiyaan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyo Gudoomiyaha Wakiilada oo ku sugan Mugdi Sharci oo ka taagan Isku haynta Labada Xil ee Shirgudoonka iyo Gudoomiya Xisbiga Wadani, Kaas oo aan ku jirin Golahan Cusub oo uu Xubin Ka yahay Dhigiisa Xusbiga Ucid oo Ay Wadaagan Magaca Xisbiyada Mucaridka ah ee Somaliland.

Ugu Danbayn Waxaan Bulshada somaliland u Cadaynayaa In uu Sharci Yahay Sharci Golahan Cusub Iyo Cidii Kale ee la Baxda Magacan Gole, Markaynu u eegno Xeerarka Lagaga dhaqmo Dalkeena Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Qalinka:-  Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed

Xubin Ka Tirsan Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA

 garyaqaan2007@gmail.com

Hargeysa, Somaliland