Naftu Su’aalo Badanaa

Horta waad tahay qof nolol la la wadaago , oo waad tahay ruux aan marnaba laga caajisayn, dabcigaaga wanaagsan iyo damiirkaaga xalan . Alla ninkii ku helaa ayaan badanaa, oo talow haddaan ku helo maxaa ku jaban! Maya, cid iga wanaagsan adduunka way ku nooshay, oo ma cid baa iga wanaagsan? Adigaa og. Xaasha, niyow ma rag baa jira, sawta habeen kasta ii sheegta in raggii wada xumaaday ee noqday qayrulmasuul miidhan, kii afar dhalaa iyo kii sideed dhalaa sawkan silcinaya miskiintii uu eegan jiray, kolkii uu ka daalay , oo markaa aniga malaha way iga reebtay in aan sidaa noqo karo; mayee wallaahi way igu dartay, ragna isma dhaamo sawtii lahayd . Horta ragga ay sheegayso anaa uu ga naxariis badan waayo dheh, anigu waan ilaaliyaa, sababta oo ah waxa aan bartay dabcigeeda wanaagsan waxa aan uu gu ladhay daacadnimo iyo daryeel wanaagsan.

Daryeel aa! Haa, oo sideed u daryeeshaa? Ax maya, dee daryeel maskaxeed iyo mid jidheed ayaa jira . Horta mid maskaxeed waan ka haqab tiray,sida ay iyaduba ay ii haqabtirtay, walow uu Alle maskax iyo maan fayow u dhaliyey. Niyow horta ma ku yidhaa waan ku jecelay? Haaye, billay iga fogaataa. Wallaahi mayee ku dheh. Talow ma werwer ayaa soo waariddaa mise waan ku calool adaygaa oo aan ku dhiiradaa in aan jeclay, badday doonto haka soo cabtee . Iga wallee ruux hadday kaa dheeraato naftu ay haybin doonto weeye. Midda kale haddii layga hor guursado iyo haddii ay geeriyooto maxay is dhaamaan? Bisinka!Allow cimri dheer sii ama la soo furaa haddii layga horreeyo, oo marka la furo saw ma niyad xumaanayso , waxaa ka bax anigaa niyadda u dhisi doona , nabaradii qalbiga ka soo gaadhayna dhayi doona. Laakiin ifka inta la joogo nin kale ha qabo uun baa iigu daran. Oo haddaad sidaa tahay maad u bandhigtid jacayl, jacaylkuna guur ayuu kuu jidayn, guurkuna ubad aad dheehato ayuu kuu sahli, laakiin sida soomalida umaan dhaleen. Istaaq furu laah , ma dhalmadaad ka soo horjeeddaa . Nidaamkaasi waa waxa reer yurub isticmaalaan ee toobad keen. Billay ubad jeceshay, wixii wanaagsan ee iyagu isticmalaan miyaa laga toobad keenayaa ? Mooji wallaahi!

Horta faa’idada ku jirta ubad badan waa maxay? Istaaq furulaah maanatana ma taas ayaad keentay in aad tarmidda ubbadka wax iska waydiiso; wallaahi waxa aan filayaa in aad jid xun hayso. Jid xun oo noocee ah? Dee nimcooyin ka Alle bixiyo maxaad uu ga hor imanaysaa? Ahee ah, kamaan hor iman’e waxa aan ka wadaa ubad kooban nolol u kooban iyo daryeel ku kooban ayaan rabaa ee hayga degdegin.

Niyow horta waatan noloshii soomaalidu sii xumaanaysa ee haddaan ubad ku soo kordhiyo talow ma sii qasmaysaa? Qasankeeda wax ba igama galine; waa kuwa ku dhalee adna dhal. Nacalaba waxaasaa ficila, oo dhalidda u badku ficil may gashaa? Wallaahi mooyi, waa wax igu cusub.

Horta mabaan is waydiin ubadkaygu sidee u noolaanayaa? Ubaxan maskaxdaydii dhalan rogayna miyuu qaadhin mise waa sii qurxoonaan. Iga wallee qaadhid daaye habbeenna qaxar iyo qaylo midna may maqasheen. Horta taas ayaa ubad iyo aayahoodaba ka horraysa . Oo sawta la dhalo waa layska guursadaa layskana dhalaa marka waxoogaa lacaga ah la helo . Sawta marka shaqo wacan uu helo oo wiilku is yidhaa maanta ayaad kiro bixn kartaa birtiisa cabaysta habeen oo dhanna saamalayl iyo sahan haween ku jira. Heblaa dadnimo fiican iyo heblaayo ayaa ka qurxoon ; mid kalaa ka samir wacan mid baa ka kaba sii wacan . Allow ii door buu ku gam’aa. Anna ma taas baan ku suganay? Mooyi.

 Horta marka aan guri kiro uga dhinto siday u noolaanayaa ?Alle ima dilee. Dee Allay leeyihiin ee adigu wax dhal oo dhiiq, adduunka awlaad lagugu xasuusto kaga tag, oo billaa ubad kasta oo duruufaysan laygu xasuustaa, billaa tuuggii wax xada ba la yidhaa ina hebel miyuu joogay meesha.

Niyow wallaahi mushkiladaha noocaas ah way iiga warrantay ee waa in aan wax ka baddalaa, hab-nololeedka noocan ah. Hab-nololeedkee? Dee haddii aad fara guud kood hesho iska guurso iskana dhal iskana dhimo goorta uu Alle yidhaa.

Ugu yaraan waa in aan yeeshaa baloodh dhul ah oo haddii aan degdeg uu ga dhinto ay salka dabada saaraan. Haka werwerin taas oo miyaad inta aad waxaas oo dhan ka baxdo tol ka dhalan; iyagaa ku caawin oo wax kula qaban illeen reer baad dhidibada u taagaysaaye, tolku maanu ahayn kan aaska uun ka soo qayb gala ma tol kale ayaa jira. Gow! Warba ma haysid, maalinta ay naftu iga aguugto ee ay dhowr neef igu qalaan iyo mar ka tobanka carruurta ah ay ku biirto magtu bay ka rahmayaan jagada, si ay magta ugu bixiyaan. Aakhirkana way ka iibinayaa suldaankaanad aqoon, wallee ma naxo jixinjix na hadalkiisa daa. Caaqil ku sheeguna ka haamaansan agoon iyo waxaa waa la tusaa uun . Wallaahi in uun waxaa ku dhicin sawta dawlad jirto.

Miskiin agoon baloodh looga dhintay galin ayaa la kala tuurayaa, war banaad hayn…

Dawladda aad sheegayso suldaanaka ayaa keensaday haddii kale codkii reerka ayaa lagala noqonayaa nasabaddana waa laga saari doonaa hadii uu waxaa ku hadlo oo agoonta yidhaa: “Ka daaya dulmiga”.

Alla waar mid kalaan illaaway, xaqudirirkii wadaadka ahaa ayaan horta qolodaa ka aamusayn oo u dhicindoona agoonta inta aan uu ga dhintay – Alle cimriga hay dheereeyee – adduunkan igaga ma dayacmayaan inta uu nool yahay wadaadku. Allaylehe waa adigaa war keenay, waar waxa uu gartooda ku jiraa niman kumannaan sanno kahor le’day oo dagaal dhex maray kuwaas oo xalkooda markii danbe quraanka ka raadiyey ayaa uu habeennoo dhan iyo jimcihii galaba ka hadlaa, innagiinna waynu holacnay maalinna innama yidhaa suuraddaas ayaa idin qabanaysa ee dagaalka iska daaya. Wax nala tus iga wallee !

Bismilaah! Waar aayadaha maxaa uu talow haddaa noogu garqaadi waayey waanu liibaani lahayne.

Waa ta aan garan la’ahay ummaddeennii oo dayacan uun buu kaga sheekeeyaa Sucuudi baa sidan yeelay iyo arrimaha Sucuudigu waa muqadas arrinka Iiraan waan ku raacsanahay; oo maxaa naga galay Iiraan iyo Sucuudi anaga? Dee mooyi.

Horta ma afartiisa xaas ma mid baa reer Alaa Sucuuda ah? Maya ‘e Sucuudigaa waxbarasho bilaasha ah siyey kadibna, markii uu soo dhamaystay tacliintii waxa loogu ballanqaaday mac-had wayn iyo Masaajid uu isagu ka qudbadeeyo si uu uga soo saaro qaar mabda’iyan u hogaansan Sucuudiga, wixii qarash ku baxayana dhabarka waxa u ritay isala ilma Aal sucuud ah. Waa ta labaad’e shuraako badan aya uu ku leeyahay shirkado, waxa kale uu leeyahy ganacsiyo ka madax bannaan; haddii uu dawladda si badheedha wax ugu sheego saw liisanka ganacsiga laga qaadi maayo oo sidaa ku xayraami maayo. Nin walba dantiisa isgaa kaa yaqaan, tala aduuneey ba’.

 Niyow waxa ay doontaba haka dhacaane ma iska………! May, waar iimaanku maanu dabar kuu ahayn, haa wallaahi , ee kaadi ahaan ma u haystaa illeen taas ayaab ugu fudude. Niyo haddii ragga la dhufaanayo imisaa is dhufaani lahaa? Ciiddaa iyo camaarkaa way ka badan lahaayeen. Oo maxay iska dhufaani ; adduunka foosha xun bay ka dabrayaan dad aanay ku xumaan. Acuudu bilaahi minashaydaani rajiim ! Malaha shaydaan baa ii sheekaynayey ; Waxaa ha ku sheekayn adigaa isku warramayee .

W/Q: Garaad yoonis Gajoome