Nafta iyo Sharka Maxaa ka Dhexeeya?!

Qoraalkan waxa aynu foolka ku saari doonnaa nafta iyo sharka waxa ka dhexeeya; xidhiidh iyo xurguftan, sababta uu u jiro iyo guud ahaan aragtiyaha iyo falsafadaha ay falsafadyahannadu ka leeyihiin/lahaayeen asalka aadanaha; ma mid sharka u janjeedha baa mise waa ku wanaagga iyo khayrka xaggiisa jira? Waxa aynu ugu danbaynta qormadeennan isku deyi doonnaa in aynu doodaha baabkan khuseeya wax ku darsanno, inta aynu kala hufno gorfayn dabadeed.

Gunaanadka qoraalkan waxa akhristaha laga filayaa in uu ugu yaraan feker iyo weji kale oo naftiisa ahi u muuqdaan. Haddii ruuxa akhrisanayaa helo xagal iyo xog kale oo naftiisa iyo sharka ku saabsan, waxa loo qaddarinayaa in ujeedkii qoraalku gudbay guulaystayna.

(Fadlan qoraalka oo dhan halkan ka sii akhriso).

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde