NAADIGA HALKARAAN WAA GUUL U SOO HOYATAY REER SOMALILAND

Nolosha waa ay fududahay in wax hore u jiray lasii ambaqaado, waxase adag in la unko wax aan hore loo aqoon. Waxa ay ahayd uun 30kii January 2009 markii ay koox indheer garad ah oo ka tirsan dhalinta burco u dhiilo-dhaansadeen in ay dhidibada u taagaan urur iyo maktabad ka shaqaysa horumarinta akhriska iyo Qoraalka. Waxa ay ahayd arrin adag xilligaas. May jirin taageero dawladeed iyo mid bulsheed, dadkeenuna uma jabsanayn akhriska iyo Qoraalk waxase ay tuurta u riteen culays kasta oo arrintani lahayd. Tan iyo xilligaas waxa naadigu uu soo bandhigay wax ka badan 100 buug iyo barnaamijyo door ah oo kala duwan. Waxa sidoo kale ay indhaha u

jeexeen dad badan oo lahaa hibada akhriska balse aan haysan buug iyo goob ay wax ku akhristaan.

Tan iyo markii la aasaasay Halkaraan waxa kasoo dhex baxay qorayaal badan oo wacdaro ka dhigay saaxadda Qoraalka iyo bandhigga caalamiga ah ee Hargeysa oo sannad walba hal mar la qabto. Halkaraan waxa xubno ka ah oo ku midaysan foolaadka iyo qoricadka dhallinta gobolka Togdheer waxana xubnaha Halkaraan oo 100 ko dhaafay ay ku kala filiqsanyihiin jaamacadaha gobolada Dalka iyo qurbahaba.

Halkaraan maanta waxa u buuxsamay sannadkeedii sagaalaad, waxa aynu alle ka baryaynaa in aynu u joogno oo indhaheena ku aragno Halkaraan oo 50 sano jirsatay oo ubadkeenii iyo dhalintii Burco u kacday ay wadaan.

WQ: Qoraa jamaal Bullaale

jbullaale@gmail.com

Burco, Somaliland