Muusaa Tanaasulay! Kii lagu Tanaado een Tab iyo Xeeli daba ool!!

engHambalyo Muj. Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxaan si kal iyo laab ah ugu soo hambalyeynayaa Talada Toosan ee uu Rabbi garan siiyey iyo Tanaasulka uu sameeyey ee uu Murashaxa Madaxweynennimada Xisbiga KULMIYE uga Tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed (Silaanyo). In kasta oo go’aankani yahay go’aan la gudboonaa in Muuse mar hore qaato, haddanaGuddoomiye Muuse Biixi wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh iyo tallaabo quman oo taariikhda u geli doonta saamayna ku yeelan doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed ee dambe. Go’aanka uu qaadatay waa mid u hiilinaya wadajirka iyo is-weheshiga Bah-weynta Xisbiga KULMIYE. Sidoo kale go’aanka uu Mujaahidku qaatay waa mid u tudhaya danta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha shacabka qaaliga ah ee Jam.Somaliland, waa go’aan u adeegayadegenaanshaha xagga siyaasadda iyo sumcadda Qarankeena. Mujaahidku wuxuu qaatay go’aan aan raalli gelin doonin kuwa sida xun wax u sheega, kuwa jecel inuu Xisbigiisa KULMIYE bur-buro, kuwa mar walba isaga siinaya talooyinka qaldan ee isagoo nin Qaran ah sumcadda kaga dilaya Qolonnimo.

Guddoomiye Muuse Biixi, sida uu isaguba ka dheregsanyahay wuxuu la wareegay:

Xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh oo salka ku haya sooyaalka iyo raad-raaca taariikhda halgankii ummaddeena, isla markaana ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal adaygnimo. Xisbi waayo arag ah oo in ka badan 7 sano ahaa mucaarid aad u mayal-adag; afartii sano ee la soo dhaafayna ahaa Xisbal Xaakim ay Xukuumaddiisu ku tallaabsatay wax-qabad la taaban karo iyo guulo wax ku ool ah. Xisbi lahaa xeer iyo xaagaan uu ku dhaqmo, oo dhaqanna u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul uu kaga duwanaa Xisbiyada kale ee Qaranka.

Muj. MBC wuxuu la wareegay Xisbi gaadhay guulo taariikhi ah gacanta ku dhigay hoggaanka iyo talada dalka. Xisbi lahaa taageerayaal aan qiyaas lahyn iyo Bah-weyn dhinac u wada jeeda oo fikir, muruq iyo maskaxba ka midaysnaa sidaana guul ku gaadhay; hadeerna u diyaar ahaa inay guul tii hore ka weyn ay ka soo hooyaan doorashooyinka soo socda haddii RABBI inagu simo. Xisbiga KULMIYE waa Xisbi ay wax walba u dhan yihiin oo Hoggaankiisii, Guddidii fulinta, Golihiisii Dhexe ay dhammaantoodba u dhisan yihiin. Muj. MBC wuxuu la wareegay Xisbi Qaran oo leh mustaqbal siyaasadeed oo wacan kaasoo cagta saaray dariiqii uu muddo dheer ku hoggaamin lahaa loollanka siyaasadda dalka Jam.Somaliland.

Taladii Toosan Baa Lagu Tanaadaa 

Sidaynu wada ognahay, Xisbiga KULMIYE waxaa ka dhex aloosnaa muran, loollan iyo is-maandhaaf siyaasadeed oo aad u qadhaadh kaasoo halis geliyey sumcaddii uu lahaa Xisbal Xaakimku iyo degenaanshaha bulshadaba. Muranka siyaasadeed ee uu Xisbiga Kulmiye berayahanba la dhutinayey waxaan u arkaa inuu salka ku hayey dhalliilo badan oo Xisbiga dhexdiisa ka jiray iyo hawlo muhiim u ahaa xagga maamulka, dhismaha iyo dheelli-tirka Xisbiga oo aan sidii la rabay loo fulinin. Guddoomiye MBC isaga laftiisu dhalliisha kama madhna waxaanan u arkaa inuu Mujaahidku daayacay fursado uu kaga rumeyn lahaa hadafkiisa Madaxweynenimo, uuna ka gaabiyey hawlo badan oo loo baahnaa inuu Xisbiga ka qabto. Go’aan qaadasho muhiim ahaa oo horseed u noqon lahaa hadafkiisa Madaxweynenimo ayuu saldhig uga dhigay talooyin qaldan oo aan isaga danihiisa siyaasiga ah marnaba u adeegayn. MBC wuxuu ku tashaday amaba uu la tashaday dad dano gaar ah isaga ka lahaa oo aan haba yaraatee ku habboonayn inuu taladooda qaato marka la eego marxaladaha siyaasadeed ee uu Muuse Biixi waqtigaa ku jiray.

Muran iyo loollan kasta oo siyaasadeed oo KULMIYE ka dhex jiray iyo ciddii dhalliisha lahaydba waxba dib ugu noqon mayno. Shirweynihii 3-aad ee Xisbigu si kastaba ha ku qabsoomee waa lagu guulaystay inuu (28/29.04.2014) qabsoomo, Muj. MBC-na wuxuu noqday Guddoomiyaha rasmiga ah ee Xisbiga KULMIYE shanta sano ee soo socda.

Haddaba, talada iyo go’aanka uu hadda Guddoomiye MBC qaatay ee uu Tanaasulka u sameeyey M/weynaha aad buu ugu ammaanan yahay waana abaal uu ummadda gashaday. Laakiin, dad badan baa waxay u arkaan inay ahayd talo iyo go’aan Muuse la gudboonaa inuu mar hore sidan oo kale yeelo, siiba markii uu Shirweynihii 3-aad ee Xisbigu dhammaaday ee la soo gabagabeeyey. Wixii ka horreeyey Shirweynihii 3-aad ee Xisbiga, ilaa iyo inta la ogyahay, ma jirin damac, muran iyo loollan toos ah oo Xisbiga dhexdiisa ah oo ka dhexeeyey M/weyne Axmed Silaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi. Nika uu Guddoomiye Muuse Biixi loollanka adagi ka dhexeeyey wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda JSL, Cabdulcasiis Maxamed Samaale, laakiin waa kii M/weynuhu ka shaqeeyey inaan Guddoomiyenimada Muuse lagula tartamin, Cabdulcasiisn-a taladii M/weynaha ayuu qaatay.

Markii Shirku dhammaaday ee MBC noqday Guddoomiye rasmi ah, nasiib darro Muuse Biixi wuxuu dhegaystay talooyin qaldan kuwaasoo dhaxalsiiyey inuu qaato go’aano qaldan oo Xisbigii geliyey muran iyo is-maandhaaf dantii dalka iyo hawlihii Qrankaba hadheeyey. Aan isweydiino: Maxay ahayd talada qaladka ah ee uu Muuse Biixi qaatay? Aniga aragtidayda, talada MBC jarka ka tuurtay waxay ahayd mid uga timid rag ay Muuse xagga siyaasadda aad isugu dhawaayeen oo iyaga laftoodu lahaa ajende iyo dano-siyaasadeed oo shakhsi kuwaasaa Muuse dhegta u saaray oo ku yidhi: “Muusow annagaa kaa hubnoo M/weynuhu mar kale Xisbiga iskama soo sharraxayee, isla marka aad Guddoomiyaha rasmiga ah ee Xisbiga noqoto ku dhawaaq Murashaxnimadaada, weliba ku darsoo maadaama aad adigu Golaha Dhexe ee Xisbiga soo xuli doonto, ma jirto cid kale oo kaaga awood badin kartaa ee la soco.

Shirweynihii 3-aad ee Xisbigu markuu dhammaaday, 3 cisho kaddib, isagoon weli golihii dhexeba dhisnayn, Muuse Biixi wuxuu ku go’aan qaatay taladaa qaldan ee la siiyey dabadeedna waa kii ku dhawaaqay inuu Murashax yahay oo uu M/weynaha Xisbiga dhexdiisa kula tartami doono!! Halkaa ayey dabadeed sartu ka sii qudhuntay!!

Bal waxaad ka warrantaa, haddii Muj. Muuse Biixi RABBI talada waafajin lahaa oo uu saaxiibadii iyo la taliyeyaashiisa ku odhan lahaa: “Waar niman yohow waad ila taliseen waanad ku mahadsan tihiin, waxbana kama qabo inaan doorkan isa soo sharraxo. Laakiin, illayn M/weynuhu waa saaxiibkay oo cidi nooma kala tarjumaysee, anigu Muuse ahaan waxaan ku calool-samahay inaan afka M/weynaha ka maqlo inaanu mar kale kursiga hunguri ka hayn oo aanu isa soo sharraxayn ee idinku i yara suga.”

Bal waxaad ka warrantaa haddii uu Muj. Muuse Biixi Madaxweynaha ugu abaal-celin lahaa oo uu ku ixtiraami lahaa sidii uu uga reebay ee uu geedka ugaga xidhay raggii sidiisoo kale damaca lahaa ee kula tartamayay Hoggaanka xisbiga. Dabadeedna uu Muuse Biixi M/weynaha la yeelan lahaa wada hadal labadooda oo keliya ah oo uu ku odhan lahaa sidan: “Mudane M/weyne, anigoo ah Guddoomiyiha Xisbiga ee 5-ta sano ee soo socda, aniga iyo Xisbiguba waxaanu diyaar u nahay inaanu sidii hore iyo si ka ballaadhanba kuu dhisno, siduu Distoorku kuu oggolyahay, ma ku talo jirtaa inaad markale isa soo sharraxdo?” Haddii uu Madaxweynuhu ku yidhaahdo MBC, haa Muusow waa sharraxanahay, Muuse waxba kamay xumaadeen; haddii uu Madaxweynuhu ku yidhaahdo MBC, maya Muusow isma soo sharraxayona, iyadna kaba sii wanaagsanoo saaxiibadii buu Muuse isagoo qoslaya talo kula noqon lahaa!…………. ………Talo Qaldan oo rag dano gaara lahaa ka soo fushay, iyo go’aan deg-dega oo aanu Mujaahid Muuse Biixi si fiican uga fikirin uun iga dheh, wixii intaa ka dambeeyeyna waa sheeko iyo taariikh!!!

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Bulsho weynta Somaliland ee gudaha iyo dibedduba aad bay u soo dhaweynayaan go’aankaa Muuse Biixi. Balse Tanaasulka Muuse Biixi wuxuu keliya noqon karaa mid lagu tanaado, haddii aanay tab iyo xeel kale oo daba socotaa jirin, oo aanu MBC lahayn, M/weyne waad aragtaa oo waanigaa imika adiga dartaa u tanaasulay, haddaba adiguna waa inaad ka shaqaysaa sidii aan aniga cidi iigula tartami lahayn 5-ta sano ee kaa dambeeya!!!

Waxaan ALLAH ka baryayaa in go’aankaa quman uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi hadda qaatay, inuu soo af-jari doono muranka ka dhex jira Xisbiga KULMIYE.

Gabagabo:

In kasta oo ay Xisbiga KULMIYE ay soo martay is-maandhaaf iyo kala-fogaansho siyaasadeed, haddana waxa xusid mudan in Xisbiga KULMIYE uu yahay Xisbi ay Xukuumaddiisu ku tallaabsatay wax qabad la taaban karo iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dhanka horumrka loo qaaday. Guusha ay Xukumadu ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidda magaca iyo maamuusta koowaadba la wadaagtaa waa Xisbal Xaakimka. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo markay guulaysato macnaheedu waxa weeye Xisbiga KULMIYE-na wuu guulaystay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku suntan-yahay Xisbi ay Xukuumaddiisu:

  • (100%) kordhisay Mushaharka Shaqaalaha Dawladda oo dhan.
  • Kobcisay (saddex-jibbaar) Dakhliga Dalka.
  • Kor u qaaday Hanka iyo Hadalhaynta beesha caalamku u qabaan JSL.
  • Daah-furtay oo Dunida ku baraarujisay Khayraadka-Dabiicaga ah ee JSL.
  • Suurto gelisay Waxbarashada Bilaashka ah.
  • Suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda.
  • Dhallinyarada siisay Fursadaha ka qaybgalka maamulka dalka.
  • Suurto gelisay Bixinta Darajada Ciidamada iyo Daryeelkoodaba.
  • La timid Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarada Dalka.
  • Ka dhabaysay lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga.
  • Ku guulaysatay Sugidda Xuduudaha Dalka JSL.
  • Dhiirri-gelisay nabada iyo wada-noolaanshaha Gobolka Sool.
  • La timid Daryeelka iyo Xannaanaynta Danyarta.
  • Ku suntanayd Wax-qabadka iyo Horumarinta Dalka.
  • Soo jiidatay Gobollo aan hore Xisb. KULMIYE ugu codayn jirin.

 

W/Q: Eng Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |Birmingham, United Kingdom|

 

Jam.Somaliland Ha NOOLAATO

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH