Munaasibada iyo xuska 18-May-1991 – W/Q: Ridwaan Cabdi

Mudh weeye Sideed Midnimo dhaba
Tobanku Milgo iyo Mariin u Yihiin
Maatidu Magan iyo Martiba u tahoo
Dadkii Madax iyo Midoobay Mijoo
Maangaabkii Saluugay Murugoodoo
Cadawgii Milicsaday Maryaha Tuur…..<Boobe Yusuuf Ducaale>

Waa tariikh ku sugan soyaalka soomaliland iyo qalbiyada shacbi weyne badan oo ku nooldunida daafaheeda guddo iyo dibadba. Waa tariikh ku cad diwaanka qalbiyada jiilashii waqtigaa jiray iyo kuwan banbeba, waa maalin qalbiyo badan ku il doogsadaan gashigii waxqtigaa midhihii ka dhashay uu anfacoodii noqday kuwo lagu tamariyey lagaga reeyeyna quudintii gacmo kale oo sacabadoodu noqdeen kuwo aan ku habooneyn in aan ku gaadhno himiladaan rabney iyo hadafkeenu wuxuu ahaa.

Waa maalin ay dadkeenu ku midoobeen in ay lasoo laabtaan rajadii hungowday ee inaga luntay 25-jun-1960, may ahayn awoodani mid ka unkantay shakhsiyaad gaar ah ee waxay ahayd mid ay ku dheehneyd dareen xambaarsanaa shucuur gaar ah oo ay ku lamaaneyd cududa shacbi weyne badan, oo manta hadii la waydiin lahaa inta nool shucurtooda ay in badan kaga sheekayn lahayeen waxay dareemayaan iyo siday ahayeen waqtigaas.

Waa maalin la soo gunaanaday dagaalkii sil-siladii halgankii xornimada ee socday muddo dabo-dheeratay oo immika laga joogo 22 sanno taaso micnaheedu tahay in xuska maalinatani 22 jirsatay, iyadoo maanta la taagan yahay mandaqad lagu tilmaami karro hour-socod  ay ku dheehan tahay mawqif ay ka mideysan yihiin dhamaan shacbiga soamliland meel kasta oo ay joogaan.

Waa maalin lagu xasuusan karro hilinkii dheera ee laga dhaxlay hamuunyadii afaysay halyeeyadii noloshan dhidibad u taagay ee u huray nafahooda, ruumeyeyna hadafkoodii ahaa in ay unkaan madax banaanni ay u arkayeen inay ku gaadhi karaan hamigooda oo ahaa mid ku salaysanaa gooni isku taaga dalka Somaliland.

Ka gayoon maynee waa maalin ku suntan tariikhdeena, waa maalin maskaxihii waqtigaa maalay fikirkooda iyo murtidooda ay ahayeen kuwo aan kaga badbaadnay in aanu ku hoobano hol madow oo ilaa hada ay adkaan lahayd soo fanashadiisu. Waa maalin munaasibadeedu tahay mid dareen weyn ku haysa shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waana tariikh ku dhigan maankeena ku xardhan qalbigeena kuna milan dhigeena.

Waa maalin in la xuso ay tahay loona duceeyo dadkii dhiigooda , dheecaankooda iyo dhibaaxadoodaba u huray inay lasoo laabtaan xoriyadoodii, aas-aasayna dhidibada ay maanta Somaliland ku taagan tahay taasoo noqotay mid raad kaga tagtay qalbiyada iyo shucuurta dad badan, waana ma guurto la xusi doona jiilka jiil. Waa maalin in badan maanka lagu hayn doono halganadii madoobaa ee lasoo maray ee laga dhaxlay bur-bru , bara-kac iyo dil oo ay kumanaan geesi naftoodi ku wayeen , waase mahad alle hadii maanta nabada lagu dheefsanaayo tacabkii ay waqtigaa unkeen.

Waa maalin ay tahay in qalbiyada laga ogsoonado  latabaaleeyo kumaankii halyeey ee naftooda u waayey dadkooda, dalkooda sidii ay xoriyada ugu noolaan lahayeen dadkay ka tageen ee ahaa hoyooyin iyo ubadkoodii si aanay u dareemin inay cidlo joogaan iyo waaxyihii ka baxay gaar ahaan garabkooda. Waa maalin dareen gaar ah ku leh nolosheena mana ha mid lasoo koobi karro muhiimada ay maalintan 18-may ay inoo leedahay dad iyo dal ahaanba.

Madaama ay maalintani ay tahay mid aan dhamaanteen dareensanahay daareenkan xoogan ee ay inagu leedahay, waxa ila qumanaatay in aan isyara xasuusino inaga oo aanay marnaba inaga madhneyn oo laabta ka ogsoon muhiimada ay inoo leedahay.

Tariikh kooban siday ku dhalatay maalintani laga soo bilaabo waqtigii gumeystaha, xornimadii iyo la soo noqod kii xornimadeenii labaad ee inaga luntay:-

Hadaan si kooban u soo guud marno;

Laga soo bilaabo Soo gelitaankii reer-galbeedka<gumeystihii> ilaa xornimadii labaad ee dib ula soo noqoshadii calanka               18-May-1991;  

Sannadkii 1869kii ayaa waxaa la furay marinka kanaal Suways oo taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika qaybsaday 1884 shirkii Barlin. Waxaana la aamisan yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Haddaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kawsaday 1839kii markii Ingiriisku qabsaday magaalada xeebta ah ee Cadan.

Sannadkii 1827kii ayaa Captain Bermer oo ahaa badmareen ingiriis ahi yimid Somaliland oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen xeebaha waxaana usuuroobi wayday inay waddanka horuu galaan intii ka horraysay Captain Sir Richman Burton. Mr. Burton wuxuu galay gudaha dalka waxaanu tagay dhulka miyiga ah, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray xeebta Berbera ilaa magaalada Herar.

Hadaba Boqortooyadii Engiriiska waxay yimaadeen xeebaha Somaliland. Ingiriisku dhowr jeer buu heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland. Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka ee daraawiishta iyo dawladdii Ingiriiska . Ugu danbayna waxaa la jebiyey Mohamed Cabdulle Xasan sannadku markuu ahaa 1920kii.

Waxaana halkaas kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii. Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii. Bishii febraayo 1960kii ayaa wefti uu hoggaaminaayo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaanay heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xornimo buuxda lasiiyo.

26 Juun 1960kii bay markii maxmiyadii ingriiska ee Somaliland “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya( indepedent state). waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas Koonfurtu xorawday ayaa labada dal midoobeen inkastoo midawgaas mad madaw badani ku jiro. Dad badanina u haystaan in midowgaasi ahayn mid sharciya.

Dadka reer Somaliland waxay midow ku sheegaas doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay kasoo qayb galaan wixii afsoomali ku hadlaa meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxaa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen. Xornimadooda kala soo noqdaan reer koonfureedka, waxaad arkaysaa suugaantii markii hore kuwada baaqaysay midowga iyo Somalinimada oo marqudha isu badashay inay sheegaan sida lookhiyaameeye.                                                                

 

Bishii Luulyo1961kii waxaa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqliyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey israaca labada dal ee Somaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Koonfureedka ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaas sababtoo ah maslaxad baan ugu jirin arrintan.

Waxaana midnimadii 60kii guul darro ku dhamaatay markii 21 Oktober 1969kii uu dalka ka dhacay inqilaab aan dhiig ku daadan ee ay dhigeen ciimada qalabka sidaa, waxaana talada la wareegay ciidamada oo uu hoggaaminaayo Gen. Mohamed Siyaad Barre.  10 januari 1970kii waxaa kelidii taliyihii Siyaad Barre sameeyey maxkamadii badbaada oo xukumi jirtay xukunka dilka si looga takhaluso dadka aan taageersanayn madaxweynaha.

21 Oktober 1970kii wuxuu Siyaad Barre ku dhawaaqay in Somaliya qaadatay nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Taasoo rabay inuu ugu badalo inqilaabkii hab ku salaysan dhaqaaq siyaasadeed oo ku salaysan aydhiyooliyadda hantiwadaaga. Waxaana loo ololeeyey wixii loogu magacdaray kacaankii hantiwadaaga Somaliyeed. Xagaagii 1972kii waxaa la sameeyey ciimadii guulwadayaasha oo ujeedadoodu ahayd inay cabudhiyaan oo xabsiga u taxaabaan dadka shacbiga ee lagu tuhmo inay kacaan diid yihiin.

Kadib markii shacbiga Somaliland u adkaysan waayeen dhibaatada baladhaan ee uu ku hayo taliskii siyaad barre oo lagu hayey shaciga cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi waxaa sannadkii 6 dii abril 1981 waxaa lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 60kii.

20 Februari 1982 waxaa dalka ka bilowday kacdoon shacbi kadib markii dil lagu xukumay dhallinyaradii UfO. Isla sannadkaasna waxaa baxay saraakiil ka tirsanaa ciidamada qalabka sida kuna biiray ururkii SNM, halkaasoo ay dagaal hubaysan kala hortageen taliskii Siyaad Barre.

Isla sannadkaas waxaa la xidh xidhay madaxdii sare ee dawladdii Siyaasad Barre kaga jiray reer Somaliland, madaxdaas oo ay kamid ahaayeen Ismail Ali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib waxaa lagu eedeeyey inay yihiin qaran dumis waxaana iyaga saraakiishii kaleba lagu xumuy dil. Intii intaas ka danbaysay waxaa sii badanaayey kacdoonka dadweynaha, waxaana shacbigu taageero hagar la’aana u hureen ururkii SNM. SNM waxaa ay weerar siyasadeed iyo mid ciidan ba ku qaadatay taliskii wakhtigaas jiray.

Bilowgii sannadkii 1988 markuu taliskii Siyaad Barre u adkaysan waayey halgankii SNM ayuu si kadis ah ula heshiiyey dawladda Itoobiya oo uu ka dhaxaysay colaad iyo guluf xumi.  27 Mey ciidamadii SNM waxay weerar lama filaana ku qaadaan ciimadii gaaska 4aad ee fadhiyey magaalada Burco. Sidoo kalena 31 May ayaa cutubyo kale oo SNM ay iyana guluf galaa baxsheen ciimadiii qaybta 26naad ee saldhigoodu ahaa magaalada Hargeysa. Weeraradaas oo ay SNM kasoo hooyeen guul badani, sidoo kalena keenay qasaare.

Kadib markii ay ciidamadii daacadda u ahaa Siyaad Barre u babac dhigi kari waayeen halgankii SNM waxay weerar aargoosi ah ku qaadeen shacbigii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland. Waxaana sannadkii 1988 ka dhacay gobolada waqooyi mid kamid ah xasuuqa ugu ba’an ee soo mara qaaradda Afrika. Waxaana isla sannadkaas oo qudha ururka xuquuqda aamdiga ee African watch warbixintii 1990 ku qiyaaseen in la gawracay intii udhaxaysay May 1988 ilaa Maarso 1989 50,000 oo shacbi ah oo aan waxba galabsan.

14 July 1989 waxaa magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47 qof oo kasoo jeeda reer Somaliland. Xasuuqan oo la magacbaxay gawracii Jasiira. Dadkaas la xasuuqay oo u badnaa arday iyo macalmiin aan waxba galabsan, waxaa la qafaashay iaygoo guryahoodii iska hurda waxayna naftooda u waayeen qabiilka ay yihiin oo qudha.

May 1990 waxaa kooxdii manifeesto oo ka koobnaa 100 qof oo isagu jira madax siyaasadeed iyo baayacmushtar ay soo saareen codsi ay dawladda kaga codsanayaan inay la heshiiso mucaaridka, shacbigana taladana wax laga siiyo. Codsigaas oo uu diiday madaxweyne Siyaad waxaa la xidhay 45 qof oo kamid ahaa kuwii codsiga sameeyey laguna eedeeyey inay yihiin danbiilayaal qaran.

8 august 1990 waxaa dalka Itoobiya ku kulmay ururadii mucaaridka ahaa ee SNM, USC, iyo SPM waxaanay ku heshiiyeen inay dagaal midaysan ku qaadaan taliskii Siyaad Barre si looga xoreeyo ummadda. 27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii hore loo odhan jiray Somaliland. Dabadeedna madaxdii SNM waxay ka shaqeeyeen inay heshiiyeen oo walaaleeyaan beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay dawladii hore ee Siyaad Barre.

18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu go’aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland. Maalintaas oo ay Somaliland la soo noqotay marlabaad xornimadoodii luntay, noqotayna dal madax bannaan oo buuxinaya dhamaan astaamaha ay leedahay dawladi. Laakiin wali Jamhuuriyadda cusubi waxay sugaysa aqoonsi caalamiya. Waxaanan rajaynayaa in reer maandeeq dhakhso u heli doonto ictiraaf caalamiya oo ay rumawdo riyada shacbiga Somaliland oo ahayd inay noqdaan qaran madax bannaan oo kamid ah bulshada caalamka.

In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM ka dib, waxay shacbi weyne badan oo isugu jira waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka ay ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.

Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. Shirkan waxa hormood u ahaa oo hogaanka u hayey  xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madax dhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin. <Ilaahay naxariistii Jannadana ha kawaraabshee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali,> waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool.

Waa maalin runtii raadreeb ku leh nolosha dadweyne badan oo u huray naftoodii, maankoodii yio muruqoodiiba waana maalin ku xusnaan doontaa diwaanka Somaliland.

Afeef: tariikhdani waa mid aan ka soo xigtay buggaag qoran iyo shabakado iyo intii aan ka ogaaa, waayo tariikhdu maaha mid la male awaali karo ama been laga sheegi karo, markaa hadii ay jiraan wax khaladaad ah fadlan igu soo hagaaji email Kan hoos ku xusan si aan u saxo.

Email: ridwaan_99@hotmail.com

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi