MUHIIMADDA DAAH-FURKII QARNIGA

Laba cisho uun ka hor khamiistii dhawayd ee ay taariikhdu ahayd 11 ka bisha labaad ee sannadkan 2016 waxa ay culimada ku hawlan cilmiga xiddigisku ay sameeyeen daah-fur ay isku raaceen in uu yahay ‘daah-furkii qarniga’. Waxa ay xaqiijiyeen arrin uu sii saadaaliyay saynisyahankii can ka ahaa ee Albeirt Einstein kaas oo 100 sanno ka hor sheegay in uu aaminsanyahay in uu jiro balse uu awoodi waayay in uu xaqiijiyo. Xisaabtii iyo qaaciidooyinkii uu soo dhiraandhiriyay ayaa ay saynisyahanno dalal kala duwan ka kala yimid ay sii dabo- galeen aakhirkiina ay maalintan dhawayd ku guulaysteen. Haddaba waxa mudan in wax la iska weydiiyo waxa uu daahfurkani ku muttaystay muhiimmada intaas

leeg ee loogu yeedhay in uu yahay ikhtiraacii qarniga.

Waa maxay muhiimadda HIRARKA CUF-IS-JIIDAD (gravitational waves) ee la sheegay in samada (space) ay ka jiraan? Si jawaabta su’aashan aynu si aad u cad iskula fahanno, aynu isweydiinno ilaa iyo hadda wixii laga daah-furay in ay samada ka yimaaddaan oo ay soo gaadhaan koonkan aynu ku nool-nahay. Iftiinka qorraxda ka yimaadda oo keli ah ayaa ilaa hadda aynu naqaannay in uu cadceedda ka yimaaddo soo maro space-ka dhulkana uu soo gaadho. Isagoo la ogaaday xilli aad u danbaysay in keliya aanu ku sifoobin ‘hirar’ uun , balse uu leeyahay astaamaha maatarkana oo ku sifoobay ‘particle’ ahaanna. Haddaba hirarkan la sheegay in ay samada ka jiraani waa shaygii labaad ee la daahfuro in uu samada ka jiro walaw aan la sheegin in uu dhulka soo gaadho.

Daah-furkani waxa uu barbilow u noqonayaa in sawiro amma muuqaallo muujinaya wax aynaan hore ugu ogayn koonka iyo samadaba in la helo.

In la helo sawiro gebi-ahaanba ka geddissan islamarkaana xog aad u farabadan xambaarsan oo aynaan awood hore ugu lahayn kuwaasoo la mid ah sawirada saadaasha hawada ee maanta jira oo aynu ogsoonnahay in dayax-gacmeedyadu ay soo qaadaan dhulka loo soo diro lana turjumo si loola socdo isbadalada kala duwan ee dabaylaha iyo cadaadiska hawada ka jira loona saadaaliyo roobabka iwm ee iman doona maalmo aan la gaadhin.

In la hindiso qalab lagu eego samada oo ka duwan qalabadii hore loogu eegi jiray. Sidaa daraadeedna daahfurkani uu gundhig u noqdo daahfurro badan oo kale in la sameeyo. Tusaale ahaan, in la sameeyo mishiin MRI ah oo hawada scan-gareeya inna tusana qaab hor leh oo uu u samaysan yahay koonku oo aynaan hore u aqoon.

Isku soo wada duuboo, maadaama oo aynu nahay dad islaam ah , inta badan waxa aynu waxba kama jiraan ku tilmaannaa amma aynaan dheg u dhigin guulaha sayniska ay ka gaadhaan dunida reer galbeedku. Tusaale ahaan in dayaxa la gaadhay iyo in kale, muran aad u weyn bay culimada islaamka badhkood iyo gaalada laftrikooda qaar ka mid ahiba ay ku waajahaan.

Waxase aan la dafiri Karin in waxyaabo badan oo ku adag maskaxda bani-aadamku in uu fahmo deedna qiro jiritaankiisa, ay jiraan oo aynu aragno amma taaban karno saameyntiisa. Tusaale ahaan, ikhtiraaca mishiinka caafimaad ee MRI gu wuxuu ka soo bilaabmay in jidhka bani-aadamku ka kooban yahay ‘protron’-no u dhaqma sida birlabta oo kale oo yeesha waqooyi iyo koonfur ay isku xidhaan layman aan la arkayn. Haddii qofka bani-adaamka ah la dhex dhigo aag birlamaysanna, protron-adaasi saameyn bay ku yeelataa, waana xeerka gundhiga u ah in qofka xubnihiisa laga arki karo computer. Sidaad aawadeed na shaybaadhka jidhka loo adeegsado kuwa ugu wanaagsan ayuu daah-furkaasi

 horseeday.

Lama tirin karo daah-furyada cilmiyeed ee horseeda qalabyo faa’iido innoo leh , daahfurkan cusubi se waa mid muhiimaddiisa leh oo ay tahay in aynu ka warqabno.

Qalinkii: Eng Khadar Axmed Faarax

Email: aridman1@gmail.com