MUDANE JAMAAL: MUU FAHMIN SARIFKA WASIIR SAMAALE ‘1 US dollar = Sh 4,300’ FINANCIAL CRIME

Aqoonyahan Jamaal Cali Xussein, oo la hadlaaya Beeralayda Arabsiyo, ayaa ku tilmaamay Miisaaniyadda korodhay inay tahay  cashuur dheeraad oo  laga qaadaayo BEERALAYDA & XOOLO DHAQATADA . Aqoonyahan Jamaal muu GARAN   halka ay kasoo baxayso  korodhka  la sheegay ee BUDGETKA 2015 . korodhku wuxuu ku fadhiya “ Exchange Rate Manipulation” ,oo ah   faraqa u dhaxeeya sarifka aan salka lahayn  ee lagu bedelay miisaaniyada (( 1 Us Dollar =  Sh 4,300 )) iyo sicirka dhabta ee suuqa  (( actual market rate – 1 US Dollar = Sh 7,200 )).

Sida ku qeexan shaxda hoos ku qoran, 2015 Budget waxa lagu odorosay  Somaliland shilling  1,080 Billion (( 1.08 trillion  ). Marka sarifka suuqa  (( 1US $ = 7,200)), lagu beddelo ,waxay Miisaanayaddu  noqonaysa  $ 150 Million.  Marka lagu beddelo  SAMALE RATE   (( 1 Us $ = Sh. 4,300 )) waxay Miisaaniyadu  noqonaysaa $ 251 Million.Faraqa labada  u dhaxeeyaa  waa $ 101 Million.   (( Very straight forward calculation.).Wasiir Samaale, Madaxwayne Siilaanyo, iyo La-taliyaashooda  Dhaqaalahushacabka umay sheegin  Samaale  Rate    (( 1US dollar  = Sh 4,300 ))  halka ay kasoo amaahdeen iyo cilmiga dhaqaale  uu ku qotomo.(( Fiscal & Monetary Theory )). Adduunka  weli kamay dhacin sicir isway-daarin  intaa leeg (( Exchange rate  manipulation of  +40% )).Xukuumadaha caalamku   marka ay Miisaaniyadaha  ku bedelyaanUS $ dollar, waxay ku bedelaan sicirka suuqa (( Prevailing rate))

Bal u fiirso. Askariga mushahaaro u qaata Somaliland shilling 720,000, wuxuu helaaya $ 100, markuu uu suuqa  ka sarifto (( US $ 1=sh,7200)) .Haddii , lago beddelo Samaale Rate  (( 1US = Sh 4,300))   wuxuu helayaa  $ 170. Suurgal ma aha  xaqiiqadana  way ka fogtahay.

 

Budget 2015/ Shillings Exchange rate/sarifka SL.SH// Budget US Dolars
1,080 Billion Samaale  Rate 4.300 251 Million
1,080 Billion Market rate 7.200 150 Million
  Increase (Korodhka)  US $ 101 Million
NB :  Korodhka beenta ah  :    $ US 101 Million oo ku qotoma (( Exchange rate  manipulation )).

 

GUNANAND:

Sarifka lagu bedelay  Miisaaniyada (1 US dollar  = ShL 4,300) waa sarif aan jirin  oo aan cilmi dhaqaale iyo caqli fayow midna ku qotomin.Wuxuu Somaliland u horseedi karaa  khal-khal dhaqaale & Sicir barar . Wasiirka soo diyaariyay, Xildhibaanka duuduubka ku ansixiyay iyo Madaxwyne Siilaanyo  waxay faraha la galeen   khiyaamo dhaqaale “ Financial Crime”   . Waxay shacabka  usoo ban-dhigeen Miisaaniyad been abuur ah (( Forged Budget)).  Aqoonyahan Jamaal, Hogaamiyayaasha labada xisbimucaarid  & Xildhibanada  ka dareeray  ansaxinta miisaaniyadda, shacabka umay sheegin  khiyaamada qaran ee xukuumadu lugaha kula jirto, ama weli waanay fahmin.  Ugu danbayn, waxaan bulshada wanaagsan u soo bandhigi doona fadeexado kale oo ka muuqada  Miissaaniydda  2015 sida :

  1. A) Hantida Guudoo la Xaraashi doona 2015.B) kharash  xad dhaaf oo loo qoondeeyay Golaha Guurtida  2015 , si ay muddo kordhin u sameeyaan  C)kharash  xad dhaaf ah oo loogu talo galay Gurmadka  deg-deg ah RRU/SPU /OPU –2015, si ay shacbka u cabudhiyaan…. ( la soco qormooyinka  socda : Budget 2015 )

 

Hoodo Yusuf, UK, London.

yhoodo@yahoo.com