Miyaynaan Dhaafaynba Roogbaa Nalagu Soo Dhaweeyey & Meeqaam Sare Ayaa Nalagu Qaabiley?! – W/Q: Yusuf Keyse

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha wanaaga jecel reer S/land,sidoo kale waxaan salaamayaa saxaafada madaxbanaan ee had iyo jeer ka shaqaysa isku xidhka shacbiga reer s/land debed iyo gudaba

Waxaa maanta aan doonayaa in aan is dul taago hadal in. badan aan ka maqlo saxaafada ama (media) kaas oo ah waxaa nalagu qaabiley meeqaam sare ama waxaa naloo dhigey( ROOG )

Hadaba roogaba waa taa la sheegayee waxaa lagu wada hadlo maxay u sheegi waayeen?

Ama waxaa laysla qaateyba ?

Miyaaney ceeb,fadeexad,sumcadxumo iyo sharaf dhac ku ahayn Qarankan 23 sanadood soo jirey in wasiir yar oo aan waayo aragnimo  lahayni intuu mediaha isa soo Taago Odhanaya ROOG baa nalagu soo dhaweeyey? Iyo meeqaam dawladnim ayaa naloo qaabiley

Sidaa awgeed waxaan shacbiga weydiinayaa miyeynaan dawlad jirta ahayn, isla markaana dawladnimadooda ku qanacsan ?

Miyeynaan mutaysan in sida dawladaha laynoo soo dhaweeyo ?

Waxaan ka xumahey safarada madaxweynaha oo aan cid aqoonteeda lihi soo turjumin isla markaana si khaldan u turjumaan oo sumcad xumo inagu ah

Waayo waxaa u hadhey oo kaliya waxaa nalagu casuumay finger fish iyo Vip car ayaa nala saarey

Waxaan leeyahey madaxda safarka madaxweynaha raacda had iyo jeer iney ku dhaafaan si heer qaran ah ayaa naloo soo dhaweeyey balse aaney galin ilaa kajinka

Ugu danbayntii waxaan soo jeedinayaa in shacbiga ku nool wadamadaa madaxweynuhu marayo Mucaarad iyo Muxaafidba si balaadhan oo aan loo kala hadhin loo soo dhaweeyo, madaxda safarka madaxweynaha ka waramaysaana ka waramaan

Waxaa laga wada Hadley iyo waxaa laysla gartey iyaga oo si dublamaasiyadeed iyo taxadir ku jiro uga waramaya

    Yusuf Keyse A/laahi

    Email: Farxadi@hotmail.com

    Tell: 9145949