Miyaad I Fahantay! – W/Q: Mustafe Bulshaawi

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane 
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray 
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda 
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso 
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye.

                    Cabdilaahi Suldaan Timacade

Uma wada hadlayno si jibbaysan, si cadiifad dhalinyaranimo ku jirto;  waxa aynu rabnaa inaynu u fikirno si waaqic ah oo nolosheena khusaysa, si xeel dheer oo aan maan gaabnimo ku jirrin, wali waxa aynu garan laanahay danteenu waxa ay tahay, wali waxa aynu is waydiinaynaa dariiqa saxda ah ee aynu mari lahayn inakoo oo og halka uu ku yaal, wali waxa aynu is waydinaynaa dhibka ina haysta iyo waxa inoogu wacan.

Magac bay u bixiyaan, shaanbad madow na dhabarka ayay kaga dhajiyaan, qof walba oo nolosha horumarkeeda jecel lama tuso, dhamaan waxa haysa jibo iyo shakhsi jacayl reernimo hagayso, waxa ay ka tageen noloshii caadiga ahayd oo aduun ka way ka danbeyaan hadayna ahaynba halka ugu nolol liidata maanta, way og yihiin in dhibka haysta iyo xanuun ka haya dhamaantood ay iyaku gacmoohooda ku doon taan.

Qabyaalad iyo qaraabo kiil, waan filayaa markaan labadaas soo hadal qaaday inaad I fahantay, ubucda iyo halka ay ula jeeda daydu tahay, u fikir si caqli saliim ah leh, is waydii dhibka ina haysta bulshadeena waxa inoo diidan inaynu aduun ka la tartano ee aynu reernimo ugu mashquulnay, iyo shakhsi jacayl, kuwaas oo danta guud tooda gaar ka ah ka horumariya. Waxa jirra dad qabyaaladda iyo dadka kala saarka ku naaxa oo ku sii awoodaysta, waxa jirra dad ay noloshooda caadiga ah noqotay oo reernimada u haysta inay ka awood baddan tahay diinta, waxa jirra qaar aan caqli iyo aqoon toona lahayn oo qabyaalada u haysta inay tahay nolol lagu noolaado, waxa jira kuwo si xun u adeeg sadda oo sheekh, aqoon yahan ka, ardayga, macalin ka, siyaasiga, madaxwaynaha, xildhibaan ka qabiil ku sheega kuwaas oo ah qaar aan qabiil lagu sunti karin, bal ila eeg halka ay bulshada soomaalida ka gaadhay qabyaalada iyo in ay maanta marayso heerkii ugu sareeyay, waxa maqaaxi yaha qurbaha wadda fadhiyay dhalinyaro baddan oo soomaali ah waxa soo hor maray wiil dhalinyaro ah oo ay walalo yihiin mid ka midda madaxwaynayaasha wadamada afrika intay sidaas u egeen ayay yidhahdeen waa KALA BAH. Runtii waxa aynu garran laanahay waxa ay danteenu tahay, qabyaaladni waa ta inaga dhigtay dadka iyo dhulka aduun ka ugu hooseeya uguna fiqiirsan uguna nolol liita.

Waxa aan ka mid ahaa dhalinyaradii jammacaddaha ee ka shaqaynaysay doorashooyin kii Somaliland, kadib waxa I yimid mid ka mid ah xubnaha xukumada ugu sareeya. Sharciga iyo awooda waxa iska leh komishanka markaa isagu madaama uu xisbi ka tirsan yahay awood kuma laha inu amar i siiyo ama waxaas qabo igu yidhaahdo oo sharciga ayaan dhigayn, wuxuu igu yidhi waar qolomaad tahay waxa aan ugu jawaabay jammacadda Hargaysa anoo qoladayda qarinaaya, wuxuu ku sigtay inuu I dhirbaaxo, xataa askartiisa ilaaladda u ahayd oo aad u qalabaysnayd jidh ahaan iyo hub ahaan ayaa gacan I qaadi gaadhay. Hadaba, nolosheenu waa taas, waynu og nahay dhibka ay qabyaaladi leedahay, Cabdilaahi Suldaan Timacade Illahay naxaristii janno haka waraabiye 1960 ayuu inoo marinayay gabaygii caan baxay ee dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay dumiso mooyaane, ilaa waakhtigaas inta fahan tay ayaa yar gabaygaas micnaha wayn xanbaarsan.

Gabogabaddi,  xanuun ka waxa dareema qofka uu hayo. sidaas darteed,  inyar ama xataa daqiiqado yar si caqliga bini’aadmiga waafaqsan u fikir(think logically), maxaad ka fa’iida qabyaalada? Maxaad u adeegsataa? Maxaad dadka ugu kala qaybisaa ee aad ugu kala xigtaysataa?.

Waan ogahay in qaar baddan oo aqoon iyo cilmi ay barteen iyo karti aanay lahay meel ku gaadhi wayay ay qabyaalada aad u door biddaan, kuwaas waa waxba ma tarayaal reernimada ku gabada,  wixii ay gaadhi wayeen doonaya inay reernimo ku gadhaan. Nin baa lagu yidhi qabyaaladu yay wax u tartaa markaasu ku jawaabay nin aan aqoon iyo karti uu noloshiisa meel ku gaadhsiiyo lahayn ayay wax u tartaa, fikirkayga aad bu ninkas u sax sanaa.

Sannad kan imika lagu jirro heer ka ay gaadhsiisan tahay qabyaaladu waa heerkii ugu sareeyay ee ay abid gaadho ummadda soomaalida.

Bal ila eeg, waxa aynu ka hadhnay horumar ka aduun ee aduun ka dadka inagula nool ee cadaan iyo madowba lihi ay ku tartamayaan, waxa aan aad uga naxaa marka aan arko dadka soomaalida ah ee qurbaha ku nool ee hadana adeegsanaaya qabyaalad ee inta uu siyaasi danayste ahi u yimaado  intay lacag u uruuriyaan jeebka ugu soo shuba isagoon meel uu wax ugu qabanayaa jirrin, ma waxa ay garan wayeen inay bulshadooda ka cawiyaan arrimaha bulshada, miyaanay hoos u eegin wadanka ay ku nool yihiin, biriijyada, wadooyinka, cafimaadka ,waxbarashada, iyo nolosha ay dadkaasi ku nool yihiin, inta ay dadkoodi iyo iyakuba qabyaalad isku kala sarayaan. Waxa inaga tagay malaha caqligii saliim ka ahaa, waxa aynu neceb nahay inaynu runta isku sheegno.

Akhriste, miyaad I fahantay? Hadaanad I fahmin aan ku balaadhiyo, hadal san baa wax lagu dabiiba, qabyaaladu qiimo iyo qaayo adigana ku yeeli mayso bulshada iyo ummadda soomaaliyeed na waa ta halkaas dhigtay, miyaad I fahantay? Wali si bad u soo taagtagan tihiin, qabyaaladu waa ta inaga reebtay aduun ka ee waxbarasho iyo caafimaad iyo qiimo dhaca intaas leeg inoogu wacan, qabyaaladu waa waxa ay siyaasiyiinta afka ku xoogsadda ee bilaa aqoonta ahi kursiga u fulaan kuwa PHD wata ee cilmig lihina guryahooda u joogaan. Gunaanad kii iska dhaaf qabyaalada waa iga talo, naftaada iyo noloshaada dhis, ta reerkiina dhis, wadan kaaga dhis wax aad reer iyo reer hebel ugu mashqushaan ma yaalo ayaan qabaa anigu.

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe 
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede 
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno 
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey 
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna 
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane 
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

                                                           Cabdilaahi Suldaan Timacade

Waxa aan filayaa inaad I fahan tay, reernimo iyo shakhsi jacayl meel uu ina gaynayaa ma jirto ee aduun ka ayuun baynu ka sii hadhaynaa.

W/Q Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”