MIYAA HOOSBA LOO DAYAY!!!!

Aduunyada waxaa jira waxyaabo kaa yaabiya ama ku xiiso galiya, sidoo kale waxaad arkaysa wax ku hoos yaala balse aanad dareensanayn inuu aqoon ku salaysan yahay.

Soomaalida waxay lahaan jirtay nidaam ay noloshooda u maarayso, iyadoo aanay cidina ka caawin balse fikirkooda iyo maskaxdooda ka tuujiya xalka hadba hawsha lasoo derista. Dhinac kasta oo nolosha laga eegaba waxay ahaayeen qaar u maareeyay habkii noloshooda dhaqayay. Mid kamid ah hababka noloshooda waxaa ugu waynaa qaabka ay u dhisan jireen hoyga ay ku noolaanayaan oo dabcan iyagu ay ka ahaayeen farsamo yaqaan (engineers).

Mawduucan aynu ugu magac darnay “Miyaa Hoosba loo dayay” waxaynu ku eegi doonaa waxyaabo badan oo aynaan hoos u eegin lakin markaad u kuurgasho aad dareemayso inay xikmadi ku duugan tahay, lakin aynaan dhaadsanayn. waxaynu diirada saari doonaa isu eekaanshaha qaab dhismeedka dhulka iyo aqaladeenii hore (buul somaaliga).

Sida aynu la wada socono ama la inoo sheegay qaab dhismeedka dhulku wuxuu u samaysan yahay sida qaabka baadka goroyada waxaana ku gedaaman xariiqyo la maleeyay (imaginary lines) oo lagu magacaabo dhigo (latitude) iyo lool (longitude) Iyo dhul badhe (equator), kuwaasi oo faa’iidooyin badan inoo leh.

Sidoo kale guryaheenii hore intaynaan magaalooyinka baran, hadana dadkeena miyiga degani isticmaalaan (buulasha) ayaa waxay yihiin markaad u fiirsato qaar si wayn u shabaha ama loo eekaysiiyay qaab dhismeedka dhulkan aynu ku noolyahay. Qaab dhismeedka buulka ayaa markaad u kuurgasho waxaad dareemaysaa inuu ka kooban yahay isla inta dhulku ka kooban yahay . tusaale ahaan : qaab dhismeedka buulka inta ugu muhiimsani waa qaabka uu u samaysan yahay oo ka dhulka u eeg, isla markaana lagu qotomiyay dhigo iyo lool laguna adkeeyay udub dhexaad oo ka dhigan dhul badhaha (equator).

Haddaba is waydiintu waxay tahay, qaab dhismeedka dhulka iyo samayskiisan waxna quraanka kariimka ah ayaa ilaahay ku daah furay oo uu inoogu sheegay, waxna saynisyahanadii reer galbeedka ayaa daah furay oo inoosoo dhaweeyay fahamka sawirka qaab dhismeedka dhulka.

 Haddaba iswaydiintu waxay tahay, sidee soomaalidu ku keentay hoygan (buulka) qaabka dhulka leh, mase la is odhan karaa soomaalidu waabay ka horaysay aduunka intooda kale.

 

Cabdi Yuusuf