Milay Lumiye!

 

Waayadii hore marka ay asxaabtu muddo badan kala raagto waa ay isku soo boholyoobi jireen oo kolka ay meel ku kulmaan, maqaaxi, gurri, goob waxbarasho ama meelo kaleba ammin badan ayaa ay wada sheekaysan jireen. Waa la wada shaahayn jiray ama la wada sharaabi jiray, waxbaa la wada cunni jiray oo kolba kii haya ayaa madasha la fadhiyo dalabka gudbin jiray; nin walibana waxa uu rabo ayaa uu diran jiray, kadibna waa la isku warami jiray oo kolba midi waxa uu hayo ka hadli jiray. Warka maalmahaa jira, wadciga iyo waayaha magaaladda ayaa la iska waraysan jiray, haddii mid ka mid ah arrin lasoo gudboonaadana waa ay iska caawin jireen oo talada iyo tusaaluhu waxay u ahaan jirtay udub dhexaad. Marmar muraaddo ay leeyihiin ayaa ay wada jir u fulin jireen, marna waxa ay iska kaashan jireen arrimo badan oo gaar gaar iyo guud ahaaneedba. Tagtada waa la isku soo gudbin jiray oo ninba intii uu maqlay ayaa uu badka keeni jiray, timaatadana waa la isla eegi jiray oo inta lagu wada gorfeeyo gole ama gooni-gooni go’aan laga gaadhi jiray sidii loo wajihi lahaa sammaan iyo xumaanba. Haday tahay maalintii, marka jaanis la isku helo iyo haday tahay habeenkiiba waxa la dhawri jiray goor-sheegta oo inta la wada joogo waxaad moodi jirtay in uu wakhtigu isku kiin diidayo ama sheekadiinaba uu ka cararayo, haday wax iskugu kiin hadheen waxaa loo balami jiray maalmo kale, inta markaa xiiso lagu kala tago, weliba idinkoo meel ay idiinku suntantahay saacadda kale ee aad sar-goosateen. Ma jirin ruux ka niyad jabsan waayaha wadankiisa, ma jirin ruux ka werwersan baahi, ma jirin ruux ku taamma waxyeelo, ma jirin ruux ku riyooda wax boob, ma jirin ruux ku faanna xumaanta, ma jirin qof aan la tashan jirin saaxiibkii, midkii isku daya in uu sameeyana waxa laga takoori jiray xaga asxaabtiisa.

Hadaba saaxiibadaa aynu shalay ka hadlayno maanta waa qaar sidee ah? Bal adba!

Haa, Waxa la wada sitaa Moobil (Mobile) weliba ismaarti foon (Smart Phone) si aad iila fahanto kuwa la salaaxo ama farta lagu wadwado muraayadiisa ee iskiriin tejka (Screen tech) loo yiqaan, noocyada ay ugu caansan yihiin; Samsuun galaaksi (Samsung Galaxy), Ay foon (Iphone), Hawaay (Huwei), Nookiya (Nokia) iyo qaar kale oo magacyo badan leh oo weliba kala wada naqshad duwan maalinbana qaar cusubi soo baxaan. Haye, kadibna.

Waxa la iskugu imanayaa goob, waxa loo balansanyahay shir, waxa laga wada hadlayaa wax muhiim ah, amba waxaaba la sugayaa Salaad oo waa aqiimkii iyo eedaanka dhexdiisii ama se waaba lagu jiraa salaadii oo sahwi ayaa uu ka bixi laayahay, haddii kalena waxaaba la socdaa suuqa oo waxa dhaafaya iyo wixii kusoo socdaba inta la yar daymoodo la isku mashquulsan yahay, marmar waxaaba lagu jiraa goob waxbarasho oo macalin ayaa ku daalaya kadibna goor dhaw la odhanayaa haddii su’aal la waydiiyo maxaad tidhi macalin maan maqlayne ama meel hoose laga galayaa imtixaanka oo la odhanayaa maadadaa macalin waalan baa noo dhigi jirayoo mabaan fahmi jirinba, wakhtibaa la joogaa guriga oo qosolka iyo farxadda ka dhacaysa isaga oo kaligiiya aad yaabaysaa oo hadduu ilmo yari usoo galana xanaaq ay canaani ku xigto labada dhagood ku goostaa, marmarna waxa uu kasoo cadhoonayaa jaatkii (chat) uu ku jiray ama wada sheekaysigii tilifoonka kadibna isaga oo aad moodo in loo soo sheegay geerridii aabihii aqalka soo galaa iskana galaa qolkiisa inta uu hoosta kasoo xidho cashadana la ilaawo, qaarkood ayaa ay balwad ka noqotayba inta ay xiijinayaan mareegtaas oo haddii xaas la leeyahay ay u dhaami lahaydba hadalkeeda isagoo la hadla inta onlaynka ah (Online) markaas.

Waxa laga qaaday soo jeed, wakhtibaa la shaqayn jiray marka laga soo baxana la nasan jiray, hada se inyar oo siduu u isticmaalayo ku gam’o mooyee waa u shaqo iyo Sheeko joogto ah. Intooda badan intay xidhiidhinayaan bini-aadmi waxa ku dhaafta xidhiidhkii ay Alle la lahaayeen. Mid aad wax u sheegayso ama wacdi iyo waanno wax ku ool ah leedahay ayaa haddana aad arkaysaa isagoon kuuba jeedin oo ku maqan meel kale. Qaarkood waxaaba u dheer foorarka tilifoonka, xadhkaha dhagaha la gashado ee loo yiqaan Eer foono oo inta la gaysto hees ama wax kale oo aan wanaagsanayn la isku mashquulinayaa. Wax walba waxa ka daran sawirada meel kasta oo la joogo iyo goob kasta oo lagu sugan yahay inta la isku dhufto lasoo dhigayo si loola eego haday ahaan lahayd isagoo ku sugan ama ag jooga; Cisbitaal uu qof ku booqday, Hudheel uu ka casheeyay ama qof kula balamay, Maqaaxi uu shaah ka cabayay, Tuullo uu safar kusii maray , Magaalo uu dalxiis u tagay, Xafiis uu masuul ku sugayo, Gurri uu iska hor istaagay, Meherad uu wax ka baayacayay, Masaajid uu ku tukanayay, Buur uu yar fuulay, Bannaan kale oo uu isyar taagay, Bas uu suuqa usoo raacay, meel Biyo yari ka socdaan ama boodh tilmaamaya meel oo la yar hoos istaago, Geed ku yaala meel oo cadceeda laga yar hoos fadhiistay, Jaamacad, Iskuul ama goob kale oo wax dhigasho loo tagay, Gudaafad uu tiin yar akhtar ahi ka dhex baxay, iyo meelo kale oo badan. Mararka qaar sidii oo la faalaynayo sii jeedkiisa ayaa ay soo dhigayaan sawir sii jeedkiisa un la arko, halka qaar ay soo dhigaan kaliya indhahooda, gacmahooda, timahooda, lugahooda iyo kabahooda. Waxaaba la yar qaatay kuwa soo dhigta caruurta yaryar ee caddaanka ah ama cuntooyinka iyo meelaha cagaarka ah ee dhulalkaa dibadaha ku yaala. Ujeedo kale oo laga leeyahayna ma jirto oo aan ka ahayn waad maraysaa, naays bikjar (Nice picture) iyo waad nuuraysaa saaxiib mooyee, kolkolna laayk (Like) ayaaba istareex lagu noqonayaa, si hadhow uu u yidhaahdo intaasoo qof ayaa soo layk garaysay sawirkii aan soo dhigay intaasina komenti (Comment) ayaa ay kasoo bixisay.

Waxa lagu soo shubanayaa intaas oo borogaraam (Program) oo mid walba si loo isticmaalayo haddii aan qaar ka xuso kuwooda ugu caansan waxa ka mid ah: Faysbuuk (Facebook), Watisab (Watsupp), Faybar (Viber), Tiwiitar (Twitter), Iskayb (Skype), Inistagaraam (Instagram), Wiijaat (Wechat), Iimo (Imo), Falaash jaat (Flash chat), (Oovoo) iyo qaar kale oo badan. Ma dhaliilayo in la helo aaladdo casriya oo si fudud loogu wada xidhiidho isla markaana sahlaya inaad ka hesho xog iyo macluumaad xiiso leh ka sakow xidhiidhka qoyskaaga iyo asxaabtaadaba, balse waxa marrag ma doon ah in ay inagu yeesheen isbadal dhaqan iyo mid fikir ama maskaxeed marka laga yimaado khasaaraha wakhtiga aynu galino baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho waxaan jeclaan lahaa se anigu shakhsi ahaan in xitaa qofka aan hawl muhiim ahi kaga xidhnayn mooyee uu qofka kale u samaysto Wakhti u gaar ah oo uu isticmaalo sida jimcaha iyo maalmaha fasaxa ah ee nafta iyo niyaduba ay nasanayaan xilli ka mid ah. Haddii aad u fiirsato marka aad suuqa socoto ama aad bas saaran tahay ama aad fadhido goob ka mid ah meelaha laga cunteeyo ama laga cabo sharaabka iyo shaaha iyo xiliyadda qaar aad ku sugantahay goobaha waxbarasho aad arkayso in shantii qof ee wada socda ama wada fadhiyaba aanay wada hadlayn oo midba uu ku jeedo moobilkiisa. Taas oo sababtay maanta in ay laba qof oo wada socdaa isku waayaan wakhti ay ku wada sheekaystaan isla markaana ku kala xog qaataan inta ay wada joogaan iyadoo ay ugu wacan tahay mashquulka moobiladaasi soo kordhiyeen. Waxa la yaab leh in mashquulka dadka ee uu sababay moobilku ay dheertahay isagoo ka qayb qaatay jawigii farxadeed iyo muuqaalkii murugeed ee qofka oo uu kolba shakhsigu isla badalayo waxa uu ka arkayo shaashadda tilifoonka uu haysto. Waxaad arkaysaa dad falanqaynaya waxyaabo aan sal iyo raad toona lahayn oo lasoo galinayo mareegaha isla markaana u qaadanaya run oo ku dhex faafinaya bulshada, halka dadka qaar ay ka faa’iidaysanayaan waxa wanaagsan ee ay ku arkaan.

Dadkaa aan soo tibaaxnay ee aan faa’iidada u isticmaalayn tiknoolajiyada ayaa inta badan ah qaar aan wakhti u xisaabsanayn oo malaayacni ku lumiya saacaddo aan aaminsanahay in wax badan oo kale ay ku qabsan lahaayeen iyadoo haddii aad is tidhaa mid talo sii oo walaalkaa u sheeg in uu inta fiicana ka daalacdo inta kalena aannuu wakhtigiisa iskaga khasaarin ayaa laguugu jawaabayaa la jaan qaad tiknoolajiyadda saaxiib Maxamed iyo wakhtigaa la isku dhaafinayaa dee. Cajiib! Waayahay ee goormuu wakhtigii ugu qaalisanaa wax aynu haysanay noqday mid la is dhaafiyo? Goormaa laga faa’iidaysan doonnaa? Goormaa bulshada looga faa’iidayn doonnaa? Goormuu dib kuugu soo noqon doonaa wakhtiga maanta kaa lumayaa? Waar wakhtiga halaga faa’iidaysto saaxiibayaal inta xayga la yahay oo saddex meelood baa loo qaybiyaa diiniyan afar iyo labaatanka (24) saacadood ee maalintii oo kala ah: sideed (8) saacadood oo aad cibaadaysanayso, sideed (8) saacadood oo aad shaqaysanayso iyo sideed (8) saacadood oo aad guriga iyo aqalkaaga ku sugantahay,halagu dhaqmo oo halagu xisaabtamo, maanka iyo maskaxdana halagu hayo in aad naftaada la xisaabtanto ka hor inta aan lagu xisaabinin. Waad mahadsantihiin.

Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde

Email: Xiinfiniin_10@hotmail.com