Maxamuud Xaashi Wuxuu Xilka Qaranka Ka Maqnaa Laba Sanno; Sidee baynu Uga Aqbalnaa Waxaan Leeyahey Han Kale iyo Jabhadbaan Sameynayaa?

 

Marka Xaqiiqada ama Nabarka Hoos loogu Dhaadhaco, dadka Reer Somaliland badhkii ayaa u fahma in ay arrintaasi tahay Qof Nacayb ama Qof Jeclaysi. Waxaan ka mid ahaa Shakhsiyan Dadkii Siyaasad ahaan ku taageerayay in Maxamuud Xaashi Cabdi Hankiisa Xaq u leeyahey oo ay u bannaan tahey in uu ku tartamo Siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Hoggaamintiisa.

Maxamuud Xaashi Cabdi

Inkasta oo ay Jiraan tuhunno badan oo la Xidhiidha muddadii uu Xilka Qaranka hayey Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo Waliba Wasiirkii hore ee Duulista Hawadda oo labada Jeerba ku beegan in uu ka mid ahaa ama ahaa xubnaha miisaanka leh ee mar walba ka Qeyb gala taladii Xukuumadii uu Gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo. Waxaa isaga Maxamuud ahaan Marka Goonidiisa loo hadal-qaado marar badan xantii Shacbiga Reer Somaliland u badinayeen oo aheyd in uu hurintiisa Wax ka ogaa Dagaaladii Ceel-Afweyn ee Colaadii u dhaxysay Abtiyaashii iyo Tolkii, taasina waxa ay dadka fiirada Dheeri sabab uga dhigi jireen inta badan in Xukuumadaas iyo Raggii taladu ka go’aysay ujeedada ay ka lahaayeen aheyd si Muddo kordhin Xukuumaddu u hesho oo Doorashadii Madaxtooyada ee Soo Qadineyd dib loo dhigo;

– Maadaama Xalka Xiisadii Ceel-Afweyn aaney Xukuumadaa hore ka gali jirin Xal loo helo Nabad ka dhalata oo Xaqiiqda ku Saleysan.

– Maadaama, had iyo Jeer ay Mushkiladu mar walba Bilaw ka aheyd Geesta Maxamuud Xaashi oo ahaa Wasiirkii Awooda badnaa Dhinaca Tolkii, Sidaana ay ku daba dheeraatey Xiisadii Ceel-Afweyn ee Colaadaha Sokeeye oo soo gaadhey ilaa iyo Xukuumadan Dambe ee Xisbiga Kulmiye ka dhalatey.

Haddaba, marka aan hoos ugu dhaadhaco Nuxurka Qoraalkan, waxaa dadka reer Somaliland Jimcihii ilaa Xaley Caweyskii si aad ah loo hadal-hayey Koox kaga Dhawaaqey Deegaanka Gobolka Sanaag in ay Yihiin Jabhad la mid ah tii ka dhalatey Dulmigii iyo Caddaalad-darradii wakhtigii ay Saaxiibkay Maxamuud Xaashi (Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu) Mindida Daabkeeda u hayey. Qof kasta oo Caqligiisa iyo Fikirkiisa Min Qiyaasay, Jabhadaasi iyo Cududda Ardaaga ay ku dhawaaqeen Magac ahaan ee Beesha (Muuse-Abokor) ama Habar-jeclo Bari, waxaa loo aqoonsadey Koox bar-bilaw u ah Dhaq-dhaqaaqyada hirdanka Xisbiga Kulmiye lagaga Ridanayo Madaxweynaha Xiligan Talada Somaliland haya ee Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Kooxdan Musdambeedkooda iyo dhismahoodaba aanu marna ka Maqneyn Maxamuud Xaashi Cabdi oo Godkaa Ceel-Afweyn rabshadaheeda iyo Golcadaa Sanaag ee Beesha Muuse Abokor guud ahaanba Damaciisa iyo Siyaasadiisu fadhiisatey.

Haddaba, waxaan leeyahey, Maxamuudaw Xilka Waxaad ka maqneyd Muddo yar, Damacaaguna Waa mid lagula Qabo, oo Waxaan Leeyahey kaa Ragba Wuu Wada Qabaa, Waxaanse kaa Soconayn oo aan Cidina kaa dhageysaneyn inaanay laba isku kaa qabanayn; Ninkii jiray wuxuu yidhi, “laba Walba isa saarayoo, laba Tagoogood isma Saarin”.

Suurtagal ma aha inaad mar Walba Qaboojiso Badheedhahaaga Siyaasiga ah oo dhulka Jiifiso Damacaaga aan Joogsiga laheyn ee aad Waayeelka ka ilaalisey iyo in aad Arrimahan Foosha Xun ee Shacabka Somaliland mar Walba Gobolka Sanaag iyo Ceel-Afweyn ka maqlayaan aad Daaha Dambe u joogto. Siyaasadda Waxaad ka maqan Tahey Wakhti kooban, waxa Fursada kaa leh adiga iyo Beesha aad kasoo Jeedaba, marka Jeegaanta laga tago, umadda kale ee Reer Somaliland ee aasaaska Kulmiye tacab iyo tabarba ku lahaa, xataa haddey Beesha Dhexe yihiin.

Markaa jid lagaaga Horeeyay oo Caddaalad-daradii lagaa tirsanayey ku timid, ana kaasaan Marayaa Foolxumadeeda ayay Leedahaye, waxaan kugula talin lahaa;

– Adiga iyo Madaxweynaha Xisbiga kaa Haystaa Qoddob kaliya Isku ogaada; Ina aydaan Abaal isku laheyn, sidaad adigu Aaminsan tahey ee Xisaabtaadu tahey. Mid kalena isku ogaada oo in aad Dagaal badheedhe ah Wax ku kala Dhacsaneysaan iyo in aad isku tanaasuleysaan isku ogaada.

– Buurmadawna Qoddob isku ogaada; oo in aad Maruun si xaqiiq ah isku aaminaysaan oo meel u wada Socotaan oo aydaan kala Leexanayn isku Ogaada.

– Shacabka Somaliland-na mid isku ogaada; oo in aad tahey Ninkii shaley Xilka ka hayay Qaranka oo hadana Mid kale ka Doonaya isku ogaada oo ha isku ogaanina Rabshadahan Ceel-Afweyn iyo Jabhadahan laga maqlayo Gobolka Sanaag.

Wabilaahi Tawfiiq
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339