Maxaad Rabtaa?

 

Dhalinyarada badankoodu haddii la weydiiyo maxaad rabtaa, si fiican uuma sharxi karaan. Waxay u badantahay in wiilka ama gabadha wax baratay ay garanayaan waxa ay guud ahaan rabaan oo ah shaqo wanaagsan oo aqoontooda ku shaqeeyaan oo mushahar fiican ay ka qaataan.

Balse inta badani kuuma shegi karaan shaqada ay rabaan iyo halka ay ka rabaan. Marka laga tegi waayo waxa qaarkood niyadda ku hayaan dhowr shaqo oo wasaaradaha dawladda iyo hey’adaha caalamiga ah. Kuwaasina tiro kooban oo dhalinyaro ah uunbaa heli karta.

Keligaa ma tihid haddii ay kaa qasantahay oo ad si fiican u garan laadahay meesha ad rabto inad ka shaqeyso. Balse waa khasab inad isku.taxalujiso inad taqaan halka ad dooneyso inaad ka shaqeysaa. Hadiise ad shaqo ka sugti meel uun aanad si fiican u garaneyn, wada dhici karta inaad niyadjabto. Nasiib keligii meel ku gaadhi meysid.

Waa muhiim inaad qalin iyo buug qaadato oo ad qorto qiyaastii 6 meelood oo ad rabto inad shaqo ka rabto. Sii kala reebreeb oo kusoo ururri 3 da uugu mudan. Ka bacdi qor inta talaabo ama caqabadood ee ka sokeeya ee u baahan inad ka gudubto si ad shaqadaa u hesho.

Mudada hore wey kaa qasnaaneysaa balse marka ad fikirkaa iyo qoraalkaa ku celceliso, arintu aayar aayar ayey kuugu cadaaneysaa. Balse, haddii ad riyo uun ku jirto oonay kuu cadeyn halka ad shaqada ka dooneysaa, waad niyad jabeysaa.

Maxamed Cali Bile