Maxaad Ka Ogtahay Madaxweyneyaasha Ugu Maal-qabeensan Qaaradda Afrika?

Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn dunida, haddana waan qaaradda labaad ee dunida ugu dadka badan.

Sidoo kale waa qaaradda ugu kheyraadka badan oo wali kheyraadkeedu dihin yahay marka loo eego qaaradaha adduunka. Misana waa qaaradda dadkeedu ugu faqiirsan yihiin caalamka. Qaaraddan ayaa waxaa ragaadiyay oo caalamka intiisa kale ka reebay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin, kaligood-taliyayaal aan xilka ka dagin inay ka dhintaan ama laga fara maroojiyo mooyee, waxaana hadda jira qaar ka mid ah waddammada Africa oo ay hoggaamiyaashoodu waqti badan ama in muddaba sidii boqortooyadii oo kale iska xukumayaan, iska haystaan amaba iska maamulayaan, haddana dhanka kale dhibaatooyinka dadkooda haysata sida: gaajada, maamul xumada iyo horumar la’aanta ka indha xiran oo aan ka danqanayn balse taa badalkeeda ayaga iyo reerahoodu ay hanti ka tabcadeen.

Madaxweynayaasha_ugu_TaajirsanWaxaan halkaan idiin kusoo bandhigayaa qaar ka mid ah madaxda hantida bilaa xadka ah ka tabcaday waddammada ay maamulaan, iyadoo dhanka kale dadkoodu gaajo iyo baahi ku dhammaadeen, Haddaba waxay iskugu jiraan Madaxdaan: qaar kamida kuwa waqtiyada badan iska xukumayay waddammadooda walina ayagu maamula iyo kuwo kale oo waqti kooban talada hayay balse aad ushaqaystay, waxaana lagu tilmaamaa madaxda caynkaas ah, Hoggaamiyaasha Jirran ee musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ku Taajiray “Leaders with Ill-gotten wealth”.

Hantidaas meel kale kama tabcan si kalena uma soo galiin, ee waa hantidii dadwaynaha, waxayna ka tabcadeen xoolahaas kheyraadkii la wada lahaayee dadka udhaxeeyay ee dalkooda, oo ay sigaara u maamusheen. Hoggaamiyaashaan jirran, meeshii ay dadkooda wax uga qaban lahaayeen, dhibaatada haysatana uga saari lahaayeen, shaqo abuurna ugu sameen lahaayeen, waxay si gooniya usamaysteen shirkado ganacsiyoodoo kala duwan, waxayna dhammaan shirkadahaas udhiibeen oo ay hoos geeyeen dad ay ehel wadaagaan.

Haddaba waa kuwaan Sagaalka Hoggaamiye ee sanadkaan 2014-ka ugu qanisan/hantida badan amaba ugu taajirsan qaaradeenaan Afrika cilmi baaris dheer kadib:-

1) Jose Eduardo Dos

Waa madaxwaynaha waddanka Angola

Waxuu talada hayay 34 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $20 Billion

Jose Eduardo waa Madaxwaynaha hadda talada haya ee Dalka Angoola, hantida uu gaarka uleeyahay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan “$20 Billion”Labaatan Bilyanoo doolar, sidoo kale gabadha uu dhalay Madaxwaynuhu ee magaceeda ladhaho “Isabel Dos Santos” Iyana waa Bilyaneerad, waxayna haysataa lacag celcelis ahaan dhan “$3.8 Billion” Saddex Bilyan iyo sided boqoloo milyan oo doollar. Hadda gabadhaasi waa gabadha haweenka Afrikoo dhan ugu taajirsan, sidoo kale waa gabadha haweenka madaw oo dhan ugu qanisan amaba ugu hodansan. Dhanka kale Madaxwaynaha hantidaas xad dhaafka ah leh, dadkiisu 70% Boqolkiiba todobaatan waxay maalintii kunoolyahiin wax ka yar laba doolar.

2) Mohamed VI

Waa Boqorka waddanka Marocco

Waxuu talada hayay 15 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $2.5 Billion

Boqor Maxamad waa Boqorka Dalka Marooko, sidoo kale waa ninka ugu hantida badan ganacsatada dalka, hantida uu sida gaarkaa uleeyahayna waxaa lagu qiyaasaa “$2.5 Billion” laba Bilyan iyo Shan Boqoloo Milyan oo doolar.

3) Teodoro Obiang Nguema Mbasogo

Waa madaxwaynaha waddanka Equatorial Guinea

Waxuu talada hayay 34 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $600 Million

Teodoro Obiang waa madaxwaynaha dalka Igwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea”, waxuu talada dalkaas kulawareegay Afgambi Militari, waxuuna kala wareegay adeerkiis “Francisco Macias Nguema”.

Sida uu qoray wargayskaan “Fobres Magazine” Madaxwaynaha iyo reerkiisuba waxay dalkaas katabcadeen dhaqaala aad u buuran, Marka laqiyaaso Hantida Madaxwaynuhu sida gaarkaa uleeyahay celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$600 Million” Lix boqoloo milyan oo doolar. Haddaba inkastoo dalka Iqwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea” uu yahay waddanka labaad ee Afrika ugu hodansan, haddana dadkiisu inta badan waxay ku nool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga.

4)   Uhuru Muigai Kenyatta

Waa madaxwaynaha waddanka Kenya

Waxuu talada hayay 1 Sano oo kaliya.

Waxa uu haystaa celcelis ahaan haystaa Hanti dhan $500 Million

Uhuuru kiiinyaata waa madaxwaynaha dalka Kiinya, sidoo kalena waa wiil uu dhalay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi Kiinya ee la oran jiray Joomo Kiinyaata “Jomo Kenyatta”. Hantida gaarka uu uleeyahayna celcelis ahaan waxay dhantahay “$500 Million” Shan boqoloo Milyan oo doolar.

Madaxwayne Uhuru iyo reerkiisa ayaa sida uu wargayka “Fobres Magazine” qoray waxay dalka Kiinya kuleeyihiin hanta aad ubadan, oo isugu jirta: Shirkado ganacsi, goobo dalxiis, dhul, beero iyo bangiyo.

5) Poul Piya:

Waa madaxwaynaha waddanka Cameroon

Waxuu talada hayay 31 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $200 Million

Poul Piya waxuu dalka Kaamiruun ka talinayay 31 Sano, Hantida uu haystana celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar. Dhanka kale dadka Reer Kaamiruun Boqolkiiba Afartan iyo Sideed 48% waxay kunool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga, oo waxaa maalintii soogasha amaba ay kunoolyihiin wax kayar $1 Hal doolar.

Sanadkii 2009-kii bay ahayd markuu warsidaha dalka faransiiska laga leeyahay ee lagu magacaabo “French Online News paper” uu shaaca ka qaaday in fasaxyada amaba safarada “Vocation” Madaxwaynaha dalka Kaamiruum ay kamid yihiin kuwa ugu qarashka badan dunida, marka loo eego madaxda caalamka, waxuu warsiduhu raaciyay in xataa uu ka qarash badanyahay madaxwaynaha Maraykanka.

6)   Goodluck Jonathan

Waa madaxwaynaha waddanka Nigeria

Waxuu talada hayay 4 Sano oo kaliya.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million

Goodlick waa madaxwaynaha dalka Nigeria, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$100 Million” Boqol Milyan oo Doolar, dhan waxaa lagu tilmaamaa hoggaamiye bulshadiisa waxyaalo badan kusoo kordhiyay marka la eego mudadii yarayd ee uu xilka hayay, dhanka kalena waxuu kamid yahay hoggaamiyaasha ku tagrifilay xoolihii dadwaynaha udhaxeeyay ee loo igmaday, hantina ka tabcaday intuu talda dalka hayay.

7)   King Mswati III

Waa Boqorka waddanka Swaziland

Waxuu talada hayay 28 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million

Sida uu qoray wargayska “Forbes Magazine” ee kasoo baxa dalka Maraykanka, Marka la barbar dhigo dunida, qoyska Boqorka Miswaatiga 3-aad “Mswati III” waa qoyska ama reerka 15-aad ee dunida ugu taajirsan. Boqor Miswaati waa boqorka hadda xukuma dalka Iswaazilaan, waxuuna gaar uleeyahay waqtiga lajoogo hanti kabadan amaba kor udhaafaysa “$100 Million” Boqol miliyan oo doolar, Balse laba sano kahor sanadkii 2012-kii waxuu haystay hanti celcelis ahaan gaaraysay “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar, taa macnaheedu waxaa weeye waxuu lumiyay labadii sanoo lasoo dhaafay boqol milyanoo doolar.

Boqor Miswaati waxaa lagu eedeeyaa inuu hantida qaranka kulumiyo waxaan dalka iyo dadkaba dani ugu jirin, xagaaga sanadkii 2009-kii ayay ahayd markuu boqorku lacag “$6 Million” Lix milyan oo doolar ahayd uu ku qarash gareeyay, qaar kamida Sadddex iyo tobankiisa xaas adeegoodii oo kaliya. Sanadkaan 2014-Ka waxay baarlamaaanku u ansixiyeen sanad miisaaniyadeedka Boqorka Lacag dhan “$61 Million” Lixdan iyo Hal milyan oo doolar, Sidoo kale mid kamida Baabuurtiisa Raaxada ayaa qiimihiisu dhanyahay$500,000 Shan boqoloo kun oo doolar. Haddaba dhanka kale Boqorkaan raaxada kujira ayay dadkiisu boqolkiiba lixdan iyo saddex “63%” calaa qof Maalintii waxay kunoolyihiin$2 Laba doolar oo qura.

8)   Idiris Deby

Waa madaxwaynaha waddanka Chad

Waxuu talada hayay 23 Sanno.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $50 Million

Idiris Deby waxuu dalka Jaad utalinayay 23 sano, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$50 Milliom” Konton milyan oo Doolar. Sidoo kalen waxuu kamid yahay hoggaamiyaasha xoolo tabcashada kujira halka dadkooduna baahan yihiin.

9)   Robert Mugabe

Waa madaxwaynaha waddanka Zimbabwe

Waxuu talada hayay 26 Sano.

Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $10 Million.

Mugabe waa madaxwaynaha dalka Zimbaawi, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$10 Million” Toban Milyan oo Doollar, haddaba Kaligii taliskaan ayaa ah hantiile lacag badan haysta, doorashooyin badan oo dalkiisa kadhacay oo isbadal lagu doonayayna ku guulaystay, inkastoo ay jireen dhaleecayno kala duwanoo uga imaanayay dacalada dunida, waxaana lagu eedeeyaa inuu musuqmaasuqo dooorashooyinka.

GUNAANAD

Hoggaamiyeyaasha jirran ayaa ah hoggaamiyeyaal markasta naftooda ka hormariya dalka iyo dadkaba, waana kuwa marka talada loo dhiibo amaba loo igmado u arka nasiib ay dadka dheeryihii iyo waliba fursadii ay xoolo ku tabcan lahaayeen ee aan dib ujaleecin talooyinkay bulshadu usoo jeedisay markii ladoortay.

Hoggaamiyaashaan sifooyinkooda waxaa kamida in markay ololaha doorashada kujiraan dadka had iyo goor ugu qudbeeyaan hadallo aad qurux badan iyo balan qaadyo dadka rajo ku abuura, balse marka ladoorto lasoo baxa sawirkooda runta aha ee ay kaqariyeen bulshada, waxayna meesha uga tagaan balan qaadyadii loo wada riyaaqay ee fulintooda loo doortay.

Haddaba akhristayaal dawladahaan aan kor ku xusay waa dawlado dhisan oo nidaam kala dambayn leh, sidoo kalena dadkoodu waxay ku seexdaan nabad oo ah tiirka ugu muhiimsan dawladda. Marka bal qiimeeya dalkeena Soomaaliya oo aad ogtihiin xaaladu kusuganyahay! Iyo Dadkeena oo aad ogtihiin nolosha ay kunoolyihiin!

Waa tay Soomaali horay utiri “Dameeraley dad laxer maahee” Bal kawarama haddii Hoggaanka talada haya ee dalka ee loo doortay inay aafada ku habsatay dadkeeda ka samata bixiso, ay udhaqanto sida hoggaamiyaashaas aan kor kusoo xusay?! Xaqiiqdii waan qiiroodaa markastoo aan maqlo dawladda Soomaaliya waxbay musuqmaasuqday!

Waxaan hadalka uga baxayaa oraahdii Soomaaliyeed ee caan ka ahaydee oranaysay “Ninkii Timir beeriyo Ninkii Tiin talaalaba Taariikhdu way qori”.

FIIRO GAAR AH: Xogtan ku saabsan Hoggaamiyaasha Afrika waxaan kasoo xigtay, warsida kasoo baxa dalka Marayka ee Layiraahdo “Fobres Magazine” sidoo kale waxaan iyagana wax ka soo qaatay “Foreignpolicy.com, iyo French online News paper”.

 

Cabdifataax Xasan Cirguje

Email: cirguje1986@gmail.com